Hargeysa (ANN)-Shaqaalaha dawlada ayaa ku hanjabay inay shaqo joojin samaynayaan

 haddii aan si deg deg ah loo siin gunooyinkii iyo mushaharkoodii oo ay kala aamustay kooxda Xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ee gabaabsiga ah iyo xisbigeeda UDUB, maadaama aanay  weli wax mushahar  ah la siinin Shaqaalaha kala duwan ee dawladda Somaliland, kuwaas oo qaarkood aanay mushahar qaadan Afartii bilood ee u danbeeyay,halka qaar kalena aanay mudo saddex bilood ah qaadan mushahar iyo guno toona.

 

Sidaaana waxa shebekada araweelonews u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan hawlwadeenada wasaaradda maaliyadda iyo qaar ka mid ah shaqaalaha ka hawlgala xarumaha wasaaraddaha kale oo codsaday in aan magacyadooda la baahin.

Horaantii bishan ayay ahayd markii ay soo bexeen warar la xidhiidha cabashada shaqaalaha iyo hawlwadeenada xarumaha dawlada, taas lagu baahiyay shebekada wararka ee araweelonews, waxaana maalamhaa mar uu arrintaa ka hadlayay   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ku ballan qaaday inuu toddobaad gudihii ku bixinayo. Hase ahaatee balqaadkaa ayaa noqday mid aan ilaa hada suurta gelin, waxaana soo baxaya inay  qaar ka mid ah shaqaalaha dawladdu ku hanjabayaan  inay shaqa joojin ku samaynayaan intaan la gaadhin maalinta doorashada Madaxtooyada loo dareerayo ee  26-ka bishan oo ku beegan Sabtida fooda inagu soo haysa.

Cabashada mushahar la’aanta shaqaalaha dawladda oo dhawrkii bilood ee u dambeeyey soo noqnoqonaysay ayaa noqotay mid  Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ka dhega adaygtay bixinta mushaharka shaqaalaha. Waxayna  wasiirka maaliyada iyo   Masuuliyiinta  kale ee dhinaca lacagta ugu xil-saaran Maamulka Rayaale mudadaa  wadeen maaweelo ay ku dejinayaan xaaladda shaqaalaha oo ay marba  rejo dhaw ugu  muujinayeen  si ay hawlaha  shaqo  iyo adeegyada wasaaraddaha u sii wadaan.

Saraakiisha maaliyada iyo hawlwadeenada ayaa  qaarkood waxay intaa ku dareen inay Masuuliyiinta sarsare ee Wasaaradaha qaar u gudbiyeen digniinta iyo cabashada ay arrintaa kaga hadlayaan, isla markaana ay talaabo  shaqa joojin ah samaynayaan haddii aan mushaharkoodii sida ugu dhakhsaha badan loo siin.

Waxa soo baxaya warar sheegaya in  mushaharooyinka iyo gunooyinka shaqaalaha ka maqan dhawrkaa bilood yihiin lacagta ololaha Xisbiga UDUB ku galay ee lagu iibsanayo kaadhadhka dadka muwaadiniinta ah, isla markaana  inay shaqsiyaad gaar ah jeebkooda ku dhacday lacagtaasi, intii dambana aan la sii dayn, ka dib markii ay is beddashay rejada UDUB iyo Xukuumaddu  ka qabaan guul ay ka heli karaan doorashada, ka dib markii ay qiimaynta guud ee taageerayaasha UDUB ku dhacday meel aad u hoosaysa, sida ay noo xaqiijiyeen ila-wareedyo kala duwan iyo xubno Masuuliyiin Xisbiga UDUB iyo Xukuumadda ka tirsan. Waxaanay intaa ku dareen in arrimahaas awgood, Xukuumadda iyo Xisbigeedu go’aansadeen in lacagtu u badbaaddo oo aanay kharashaad badani kaga bixin hawsha doorashada, maadaamoo ay ogaadeen inay taageeradoodu aad u hoosayso oo ay Mucaaridku kaga gacan-sarreeyaan dhinaca taageerada bulshada reer Soomaliland, tan iyo markii ay hawlaha ololaha isu soo baxyada saddexda xisbi taageeradooda ku muujinayeen horaantii bishan oo ay kooxda xukuumda Rayaale iyo xisbigeeda UDUB guuldaro weyn iyo weji gabax kala kulmeen shacbiga Somaliland iyo gobolada dalkaba.

Si kastaba ha ahaatee dhawaaqyada shaqo joojinta iyo cabashooyinka shaqaalaha dawlada ayaa kusoo beegmay xili laba maalmood inaga xigaan maalinta loo qorsheeyay inay dadweynaha Somaliland u dareeraan cod bixinta doorashada madaxtooyada oo loo qoondeeyay sabtida fooda inagu soo haysa ee 26 Jun 2010. Waxaana iska yar rajada ay qabaan shaqaalaha dawladu inay helaan mushaharooyinka iyo gunooyinka ka maqan.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com shalcaw2@hotmail.com .

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *