Hargeysa (ANN) Xubnaha is-casilay oo kala ah Wasiirkii Madaxtooyadda Somaliland Xasan Macallin, oo ahaa gacanta midig ee 

 

Madaxweyne Rayaale iyo Wasiirkii Wershadaha Axmed Cali Ubaxle.

 

 

 

                                                                                                                    

 

Labada Wasiir oo caawa shir jaraa’id si wada jira ugu qabtay Hudheelka Summer Time ee Magaalada Hargeysa, ayaa  is-casilaadooda ku sababeeyey, ka dib markii sida ay sheegeen ay arkeen in xukuumadda Rayaale lumisay kalsoonidii shacabka oo aanay wax taageero ah ka haysan, sidaa darteedna ay goosteen inay iscasilaan, islamarkaana si ba’an u weeraray xukuumadda.

 

Wasiiraddani waxaanay ugu baaqeen Taageerayaashoodu inay u codeeyaan Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, iyagoo ka dayriyey Musharaxnimada Madaxweyne Rayaale oo su tilmaameen inuu ka baxay tartankii Doorashada Madaxtooyada ee uu kula jiray labada xisbi ee kale.


Sidoo kale laba wasiir ku xigeen ayaa iyaguna iska casilay xukuumada rayaale bilawgii ololaha doorashooyinka ee lasoo geba gebeeyay khamiistoo, isla markaana masuuliyiintii xisbiga UDUB ee heer gobol iyo degmo ee gobolka sanaag ayaa is casilay todobaadkii hore, kuwaas oo ku biiray xisbiga mucaaridka ee Kulmiye. Sidoo kale masuuliyiin kale oo gudoomiyayaal degmo, gobol  ee xisbiga UDUB  iyo badhasaabyo ayaa is wada casilay, kuwaas oo iyaguna dhamaantood ku biiray xisbiga mucaaridka ee  Kulmiye. Sidaa awgeed Is-casillaada labada Wasiir ee u danbeeyay, ayaa noqonaysa dhabar-jabkii ugu weynaa ee soo food-saara xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB, iyadoo wararka qaarkoodna sheegayaan inay jiraan wasiirro hor leh oo la filayo maalmaha soo socda inay is-casilaan

 

  

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *