Hargeysa (ANN)- Shaqaalaha dawalada ayaa dareeno cadho leh ka muujinaya mushahar la’aanta soo waajahday sadexdii bilood ee ugu danbeeyay, taas oo kusoo beeganatay

 

 xili ay xukuumada Madaxweyne Rayaale ku jirto Olole ay taageero  ugu raadinayso in dib loogu doorto.

 

 

Qaar ka mid ah shaqaalaha dawalada ayaa ku cabanaya in xukuumada Madaxweyne Rayaale doonayso inay musharooyinka iyo gunooyinka shaqaalaha dawlada ee saddexdii bilood ee u danbeeyay u qorshaysatay inay ku gasho Ololaha doorashada madaxtooyada,

Wasiirka Maaliyada Cawil Cali Ducaale ayaa waraysi uu siiyay wargeyska  geeska Afrika ee kasoo baxa Hargeysa ku qiray in mushaharka shqaalaha dawlada iyo gunooyinkuba ka maqan yihiin dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay, balse waxa uu xusay inay sida ugu dhaqsaha badan u bixinayaan. Laakiin qaar ka mid ah hawlwadeenada iyo saraakiisha wasaaradaha oo codsaday in aan la magcaabin  ayaa u sheegay maanta  shebekada  araweelonews in mushaharka shaqaalaha dawlada ka maqan iyo gunooyinku yihiin inta u dhaxaysa laba bilood iyo Afar bilood, iyadoo shaqaalaha wasaaradaha iyo hayadaha kale ee dawlada qaarkood aanay mushahar iyo guno qaadan mudo Afar bilood ah, halka qaar kalena aanay saddex bilood qaadan oo ay ka maqan tahay gunadii iyo mushaharkiiba, balse waxa ay  saraakiishaa iyo hawlwadeenada hay’ayadaha dawladu xuseen in shaqaalaha kuwo ugu yar ay ka maqan yihiin mushaharooyinka saddex bilood, isla markaana waxay sheegeen in dalabka qaar ka mid ah bilahaa oo loo gudbiyay Bangiga dhexe ee Somaliland uu is hortaagay, taas oo ka cadhaysiisay shaqaalaha dawlada

“waxaan u malaynayaa in musharooyinkii iyo gunooyinkii shaqaalahayaga dhawr bilood lagu galay Ololaha doorashada oo ay tahay lacagta ay xukuumada UDUB qaybinay, waana ka wer-wersanahay inay sidaa ku dhacdo anagoo xaaladaa ku jrna, maadaama ay mudo yar ka hadhay doorashadii madaxtooyada.”

Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah shaqaalaha dawlada ee ka cabanaya maqnaanshaha mushaharooyinka iyo gunooyinka dhawrka bilood oo saaka uu kula kulmay weriye ka tirsan shebekada araweelonews mid ka mid ah xafiisyada wasaaraddaha ee magaalada Hargeysa.

Cabashooyinka waqtigan ee shaqaalaha dawlada ayaa kusoo beegmay xili uu socdo Olole ay xisbiyada mucaaridka iyo xisbi xaakimku ku muujinayaan quwada taageerayaashooda, iyadoo ay xukuumada iyo xisbigeeda UDUB maalmihii u danbeeyay markii ay hu hungoobeen isu soo baxyadaa ee ay taageero muuqata iyo cudud ka waayeen shacbiga bilaabay inay adeegsadaan dhaqaale, iyagoo isticmaalaya lacago xad dhaaf ah, isla markaana Bangiga dhexe ee Somaliland kasoo hurgufay lacagta Noodhka Somaliland oo dhowaan lasoo daabacay, taas oo loo isticmaalayo gaadiidka iyo dadka isu soo baxayada xisbiga UDUB, balse lacagahaa ayaa xisbiga UDUB dhexdiisa ka abuuray khilaaf weyn. Kadib markii ay soo baxeen damac  iyo musuqmaasuq ay dadka maamulayaa u isticmaaleen, taas  oo tafaraaruq iyo kala firidh kusii riday qaar badan oo ka mid ahaa xubnaha mihiimka ah ee xisbigaa, kuwaas oo maalmihii u danbeeyay dhinaca xisbiga mucaaridka ee Kulmiye isu dhiibayay, iyadoo kooxdii ugu danbaysay maanta loo sameeyay xaflad soo dhawayn ah. Kadib markii ay ku biireen xisbiga Kulmiye.  

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *