Hargeysa(ANN)- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ah musharaxa u tartamaya Xisbul xaakimka UDUB ayaa maanta gelinkii danbe ka degey garoonka diyaaradaha ee Magaalada Ceergaabo.

 

 

Ka dib markii uu maanta diyaarad khaas ah ka raacay madaarka magaalada Hargeysa.

 

 

Madaxweyne Rayaale oo ku jira Olole uu taageero ugu raadinayo xisbigiisa oo tan iyo markii ay dalka ka bilaabmeen isu soo baxyada ay xisbiyadu ku muujinayaan taageerayaashooda ay soo waajahayeen xisbigiisa UDUB guuldarooyin waaweyn iyo weji gabax ay kala kulmayeen shacbiga intiisa badan ayaa maalmihii u danbeeyay la hadalhayay inuu safar ugu baxayo gobolada dhinaca Bariga, gaar ahaan gobolka  sanaag iyo deegaanka ku xeeran.

Hase yeeshee madaxweyne xigeenka oo isaguna ah musharaxa ku lamaan ee xisbiga UDUB ayaa xalay fiidkii ka baxay Hargeysa isagoo doonaya inuu Olole ka bilaabo dhainaca Magaalada Berbera, iyadoo ay xalay sacadii danbe soo bexeen warar sheegaya in Madaxweyne Rayaale safar gudoodi ah oo aan hore loo shaacin ugu baxay dhinaca gobolada Bariga .ka dib markii xili danbe lagu war helay kolanyada gaadiidka gaashaaman ee Ilaaliya Madaxtooyada, isla markaana warbaahinta Somaliland gaar ahaan  jaraaidka kasoo baxa magaalada Hargeysa ayaa saaka bogaga hore ku daabacay warar sheegaya inuu Madaxweyne Rayaale xalay sacadii danbe safar guure ah ugu baxay dhinaca Gobolada Bariga, iyagoo wararkaa ciwaano uga dhigay,  “Madaxweyne Rayaale oo xalay safar guure ah kaga  baxay hargeysa.”

Balse waxa saaka durbadiiba soo baxay warar sheegaya inuu Madaxweyne Rayaale ku sugan yahay xafiiskiisa madaxtooyada, taas oo layaab ku noqotay dadkii akhristay wararkii bogaga hore ee jaraaidka ku qornaa subaxnimadii hore.

     Haseyeeshee Madaxweyne Rayaale oo xalay iska sii horaysiiyay gaadiidka iyo ciidanka ilaaladiisa, kuwaas oo xalay kaga baxay Hargeysa guure, isla markaana maanta duhurkii gaadhay magaalada ceergaabo, iyadoo Madaxweyne Rayaale iyo wasiiro ka tirsan xukuumadiisa oo ay ka mid yihiin Wasiiradda Maaliyada Cawil Cali Ducaale, Arrimaha Debeda C/llaahi Maxamed Ducaale, Duulista Cali warancade, Siciid Sulub iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada, mudanayaasha Baarlamaanka iyo xisbigiisa UDUB, waxay ka dhoofeen wasiiro  iyo masuuliyiin ka mid ah xisbigiisa UDUB ay maanta  duhurkii ka  dhoofeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Wefdiga Madaxweyne rayaale oo la socday diyaarad khaas ah ayaa galabnimadii gaadhay halkaa, waxaana garoonka diyaaradaha magaalada ceergaabo kusoo  dhoweeyay maayarka ceergaabo, masuuliyiin kale  iyo dadweynaha gobolka sanaag.

Ma jiraan warar kasoo baxay Madaxtooyada oo tilmaamaya ujeedada dhabta ah ee Madaxweyne Rayaale iyo mudada uu joogi doono halkaa, balse waxa warar u dhuun daloolaa u xaqiijiyeen shebekada Araweelonews  in diyaaradii Madaxweynaha iyo wefdigiisu la socdeen u hoyatay madaarka caawa, inkastoo warar danbe sheegen inay fiidkii caawa ka kacday madaarka, isla markaana ay u qorshaysan tahay inuu ilaa caawa kulamo kala duwan oo hoose iyo shirar la yeesho qaar ka mid ah dadka deegaanka. Iyadoo uu halkaa ku sugnaan doono ilaa sadex maalmood.

Waxaana jira warar sheegaya inuu halkaa kula kulamayo Odayaasha deegaanka qaarkood iyo siyaasiyiin mudo dheer dalka ka maqnaa oo dhowaan kayimi dhinaca debeda oo  ay ka mid yihiin Mujaahid Axmed Mire oo ka mid ahaa saraakiishii milateri ee hogaaminayay SNM. Iyo Ismaaciil Axmed Ismaaciil oo la filayo inuu gaadho xarunta gobolka Sanaag ee magaalada Ceergaabo saacadaha soo socda.

 

Madaxweyne Rayaale ayaa hore ugu balan qaaday Bulshada gobolka Sanaag mashaariic uu fulin doono xiligii doorashadii 2003 waqtigaa oo uu ku jiray Ololaha Madaxtooyada, balse gebi ahaanba balanqaadyadaa ayaa noqday waxba kama jiraan, markii uu Madaxweyne Rayaale fulinwaayay, taas oo ay kala mid ahaayeen Bulshada gobolka Sanaag balanqaadyada tirada badnaa ee uu xiligii Ololaha doorashada 2003, ugu balanqaaday bulshooyinka ku dhaqan gobolada iyo deegaamada kale ee dalka.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *