Hargeysa(ANN)- Munaasibad aad loo agaasimay oo lagu qabtay shalay Hoolka loogu magacdaray Maarxuum Cali Maarshaal oo ku yaala xarunta xisbiga Kulmiye ee Hargeysa ayaa lagu qaabilay koox

 

 isugu jira Xildhibaano ka tirsan golaha guurtida, Xubno hore uga mid ahaan jiray  xisbiga kulmiye oo sannadii u danbeeyay u guuray dhinaca xisbiga UDUB, shaqsiyaad aan xilal ka hayn xisbiga xukuumada oo ahaa kuwo mararka qaar in badan oo bulshada ka mid ahi u taqaanay kooxda faalka iyo xidhiidhka xadhkaha qarsoon ee madaxtooyada ayaa ugu danbayntii kasoo dareeray dhinaca xisbiga UDUB, isla markaana si lama filaana ugu wareegay xisbiga mucaaridka ee Kulmiye.

 

Kooxdaa oo ka koobnayd ilaa Afartan qof, waxa hogaaminayay Cali (Cali Gobonimo) oo ahaa aan wax xil ah ka hayn xukuumada, isla markaana aan lagu arki jirin magiciisa iyo muuqiisuba warbaahinta iyo masraxyada siyaadada. Balse ahaa Nin awood badan oo ay wasiirada xukuumada Rayaale aad uga danbeeyaan, isla markaana ka mid ahaa kooxda tirada yar ee awooda qarsoon, mararka qaarna loo yaqaanay kooxda  xadhkaha iyo xidhiidhka qarsoon ee madaxtooyada oo si hoose u fuliya siyaasado iyo qorshayaal mararka qaar khatartooda lahaa, taas  oo sabatay inay dad badan oo magaciisa maqlaa rumaystaan inuu yahay Nin  adeegsada faalka iyo waxyaabo sir ah oo kale.

Waxa kaloo xubnahaa dadka hogaaminay ka mid ahaa Maxamed Aar oo isagu dhawr sannadood ka hor ku biiray xisbiga UDUB, isagoo ka mid ahaa qurba jooga sida weyn u taageera xisbga Kulmiye, waxaana mudo ka dib loo magcaabay xil aan jirin, kaas oo ahaa safiirka wareega, iyadoo mudooyinkii u danbeeyay Taytalkaa la siiyay u suurta geliyay inuu magaciisu ku dhexwareego saaxada siyaada, isla markaana wuxuu ka mid ahaa kooxda xudunta u ahaa xadhkaha iyo xidhiidhka madaxtooyada.

Sidoo kale Xildhabaan C/qaadir Maxamed (Indho Indho) oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida ee mashaariicda muda kordhinta Madaxweyne Rayaale  taageerada u raadin jiray ayaa ka mid ahaa xubnaha maanta sida lama filaanka ah ugu soo biiray, kuwaas oo hadalo ay munaasiabadaa ka jeediyeen ku codsay in la saamaxo waxyaabihii ay doorkooda ka qaateen mushkiladaha siyaasadeed ee ragaadiyay Somaliland mudooyinkii uu dhawrkii sannadood ee u danbeeyay, isla markaana waxay si cad u sheegeen inay waqtigan xaqiiqsadeen inuu xisbiga Kulmiye yahay ka keliya ee badbaadin kara dalka, iyagoo si gaara u iftiimiyay doorka iyo kaalinta siyaasadeed ee Musharaxa xisbiga Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo barnaamijka xisbigiisa oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid dalka iyo dadkaba anfacaya oo ka turjumaya xaqiiqda dhabta ah.

“Illaahay ayaa maanta na waafajiyey aniga iyo saaxiibaday inaanu ku soo biirno Xisbiga horumarka iyo midnimada ee KULMIYE.”

Sidaa waxa yidhi Cali oo kooxdaa higaaminayay oo ereyo  kooban  halkaa ka jeediyay kaga waramay doorkiisa iyo kaalintii uu ku lahaa xisbiga UDUB, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “  Mahad Illaahay ayaa  lehe siddeed sanno ayaanu soo dhisanay xisbiga UDUB, raggii ugu adkaa ee jeclaa inuu guulaysto ayaan ahaa, laakiin taa waan waayay. Waxaana  hoosta  ka xariiqayaa oo taariikhda gelaysa, Axmed Siilaanyo oo aan saddex doorasho oo hore ka hiiliyey, inaan maanta u hiiliyo ayaan Illaahay ku mahadinayaa.”

Mr. Cali Gobonimo oo ka hadlaya kooxda ay wada socdaan ee kusoo wareegay KULMIYE, waxa uu yidhi, Intayadan maanta wada socotaa maanaan ahayn dad xilal laga eryay oo soo cadhooday, Aniga  2004 ayuu Madaxweynuhu anigoo ah Guddoomiyaha Suuqa Hargeysa ee Gobanimo xilka iga qaaday illaa maalintii aan xilka wareejiyey waxaan ahaa taageere wax badan ku tara Xisbiga UDUB, aniga iyo Saaxiibaday in badan ayaanu  isku daynay inaanu Xisbiga gudaha ka saxno, talona ka dhiibano, laakiin in taladayadii la qaato oo Dimuqraadiyad iyo Caddaalad laga dhex helo xisbiga  UDUB waa nalaga qaadan waaya y.Sidaa darteed, ayaanu go’aansanay inaanu Saaka KULMIYE wax la qabsano.”

Mr. Cali waxa uu gebgebadii isagoo dareensan inuu u yimi kuwii kasoo horjeeday, balse uu hada u arkay inay yihiin kuwa saxda ah, isla markaana doonaya inuu meesha ka saaro dagaalkii siyaasadeed iyo wixii ka dhashay iyo sida uu danta Bushada u arko, waxa uu yidhi,  “Dalka Somaliland xaalada iyo duruufaha uu ku jiro  maanta waxa ka saari kara siyaasi ruug-caddaa ah, kaana waxaanu u aragnay inuu yahay Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aanu maanta hiil iyo hooba la garab-taaganahay, maantana isku dhinac ayaynu nahay ee aynu isa saamaxno ayaan leeyahay bahweynta reer Kulmiye.”

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee u taagan musharaxa Madaxweynaha oo munaasibadaa mahad naq ka dib hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay baahida loo qabo in la muujiyo, midnimadii iyo qaranimadii ummada, isla markaana uu xisbigiisu yahay mid ay muwaadiniintu leeyihiin xuquuq siman, isla markaana ay kooxda kusoo guurtay si buuxda uga mid noqonayaan, isagoo yidhi, “Insha Allaa waxa loo baahanyahay ayay inaynu midnimadeennii, qaranimadii iyo xaqii muujinno, idinkuna maanta laga bilaabo hadaad xisbiga kulmiye tihiin, waxa uu Kulmiye  leeyeehay xuquuq simaysa dadkiisa, wanaag buu leeyahay, si buuxda ayaad nooga mid noqonaysaan, talo wadaag iyo wax walbana  diyaar ayaanu u nahay”.

  

Muj. Axmed Siilaanyo, wuxuu isagoo weedho isugu jira dardaaran iyo iftiiminta hawlaha baaxada badan ee sugaya Masuuliyiinta,  taageerayaasha Kulmiye iyo kuwa kusoo guurayba yidhi, “Walaalayaal Maanta doorasho ayaynu u dhaqaaqaynaa, ummadeeni waa taa meel isu wada raacday, inyar baa ka hadhay, Insha Allaahu waynu ku guulaysanaynaa, waxaynu u baahanahay dadka inta inaga maqan inaynu keeno oo ka hawlgalo, si aynu umadeena meel u wada marino, taas oo inoo fududayn doonta, Insha Allaahu  in umadeenii oo dhinac wada jirto oo aynu  si aan dagaal iyo calool xumo lahayn ku guulaysano doorashada soo socota. Oo umadana wixii dantooda iyo masalaxadooda ah ee mustaqbalkooda ah ugu talinno.”

Maalmihii u danbeeyay waxa jiray masuuliyiin ka tirsan xukuumada iyo xisbigeeda UDUB oo ku biirayay xisbiga KUlmiye, kuwaas iska casilay xilalkii ay hayeen.Basle kooxdan ayaa ah mid si weyn moral jab ugu ridi karta hogaanka xisbiga UDUB.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *