ciidankowLaascaanod(ANN)Ciidanka Qaranka Somaliland ee jiidaha hore ee xuduuda, ayaa gacanta ku dhigay gaadiid iyo maxaabiis baddan. Kadib markii ay saaka weerar dhawr jiho kaga soo qaadeen malayshiyada huwanta nabad-diidka deegaanka Buuhoodle. Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee

deegaanka jiida hore, waxay malayshiyaadku ciidanka qaranka saaka hiirtii waaberi kaga soo qaadeen dhawr jiho, balse ciidanka oo ku jiray difaac iyo heegan sare ayaa dhirbaaxo xun ku dhiftay, waxayna wararku sheegayaan in ilaa 9  gaadhi oo isugu jira xamuul iyo kuwa gaashaaman laga qabtay Malayshiyaddaa.
Sidoo kale wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in laga qabtay maxaaiis tiro baddan oo qaarkood yihiin hor-joogayaashii malayshiyaddaa. Dagaalka ayaa socday mudo dhawr saacadood ah.
Hase yeeshee Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami  ayaa galabta u sheegay Idaacada VOA in malayshiyada dagaalka soo qaaday ciidanka qaranka Somaliland ka qabteen sagaal gaadhi oo shan ka mid ahi yihiin Xamuul, Afarta kalena yihiin Gaadiidka gaashaaman, sidoo kalena laga qabtay Malayshida  47 maxbuus oo ay ku jiraan laba sarkaal iyo laba Horjoogayaashii malayshida, kuwaas oo la filayo in dhinaca magaalada Hargeysa loo soo qaado saacadaha soo socda.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, wuxuu sheegay in Ciidanka Qaranka Somaliland soo gaadhay khasaare fudud, iyadoo ay ku geeriyoodeen dagaalka Afar Askari, isla markaana 13 askari dhaawacyo kala duwani soo gaadheen.
Dhinaca kale sarkaal u hadlay Malayshiyada nabad-diidka ayaa u sheegay VOA-da  in hal gaadhi laga qabsaday, isla markaana aanu sheegi karin khasaaraha dhabta ah ee dagaalka.
Wixii kasoo kordha  waxaanu idiinku soo gudbin doonaa wararka danbe insha Allaah

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *