Burco(ANN)  Gudoomiye Ku xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar ayaa saaka si rasmiya looga wareejiyay  gaadhi Nooca loo yaqaan Parado oo aan hore loogu darin xilwareejintii gobolka  masuuliyiinta cusub ee xukuumadu u magcawday. gaadhigaa

oo maalmihii u danbeeyay sheekadiisu soo ifbaxday ayaa abuuray xiisad. kadib markii uu gudoomiye xigeenka hore ee gobolka togdheer ka war wareegay inuu wareejiyo gaadhigaa, isagoo ku doodayay inuu isagu leeyahay ee aanu hanti dawladeed ahayn,  isla markaana aanay suurta gelin inay ciidamada bilaysku gacanta ku dhigaan, iyadoo ay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland amar ku bixisay in lasoo qabto Ninkaa iyo gaadhiga uu wato oo ah gaadhi dawladeed.
  Hase yeeshee  gaadhigaa ayaa maanta lagu wareejiyay  masuuliyiinta Maamulka Gobolka Togdheer iyo saraakiil ka socotay  Xukuumada Somaliland , waxaana munaasibad  lagaga wareejiyay  gudoomiye xigeenkii hore gaadhigaa lagu  xarunta maamulka Gobolka Togdheer.   Guuleed Daahir Samatar oo laga wareejinayay gaadhigaa ayaa ku eedayay  maamulka Gobolka Togdheer inay si karaamo daro ah ula dhaqmeen, isla markaana uu u arkay in lagu tacadiyayo.
 Gudoomiye xigeenkii hore ee gobolka togdheer Mr. Guuleed waxa uu maan u soo jeediyay Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo u ku tilmamay inuu sameeyay sidii arintaa xal loogu heli lahaa, isagoo ku tilmaamay inay tahay waajibka ay dadku u doorteen madaxweynaha. Sidoo kale wuxuu  u mahad celiyay cidkasta oo gacan ka geysatay hawshaa. Munaasibada gaadhiga lagaga wareejiyay gudoomiye xigeenkii hore, waxa kale oo ka hadlay Gudoomiayaha Gobolka Togdheer oo sheegay in wixii khalad uu tirsaday mudadii hawsha gaadhiga aanu ahayn mid isaga lagu xukaynayo masuulkaa hore.
gudoomiye xigeenkii  hore  ee gobolka Togdheer  Guuleed ayaa gaadhigaa ka reebay xilwareejintii maamulka gobolka, wuxuuna ku dooday inuu gaadhiga isagu leeyahay, balse wasaaradda arrimaha gudaha ayaa amar ku bixisay in lasoo  xidho oo laga wareejiyo gaadhiga todobaadkii hore, taas oo aan u suurta gelin ciidanka Bilayska, iyadoo uu gudoomiye xigeenkii hore gaadhigaa oo ay ku xidhan tahay taarikada shicibku ku dhuumaalaysanayay magaalada, taas oo ugu danbayntii maanta lagu wareejiyay gaadhigaa maamulka gobolka.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *