Muqdisho(ANN)Madaxii sirdoonka Xarakada Al-shabaab C/llaahi Yare oo ka mid ahaa xubha ugu sareeya kooxdaa oo Dawlada Maraykanku bishii hore dul dhigtay Malaayiin dolar oo lacag ah inay siinay cida soo sheegata halka ay ku sugan yihiin, ama war ka keenta, ayaa ku dhintay

dagaalo ilaa shalay ka socday duleedka magaalada Muqdisho ee deegaanka Afgooye.
Sidaana waxa shebakada wararka ee Arawelonews u sheegay tibaaxo iyo xoggo laga helay saraakiisha ciidamada nabadsugida ee Somalia. kadib markii dagaal qadaadhadh oo ka dhacay deegaamada Afgooye iyo Laanta Buur oo u dhexeeyay kooxda Al-shabaab iyo ciidamada huwanta AMISOM oo kaashanaya kuwa dawladda taagata daran ay weeraro ku qaadeen deegaamadaa oo ay gacanta ku hayeen Al-shabaab, isla markaana ay saldhigyo mihiim ah ku lahayd Al-shabaab gacanta ku dhigeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalada qadhaadh ee ka dhacay deegaankaa ay labada dhinacba khasaare ba’an gaadhsiiyeen, iyadoo ay labada dhinacba guulo sheeganayaan, isla markaana aanay jirin warar madaxbanaan oo laga helay deegaanka.
Hase yeeshee tibaaxaha iyo xoggaha laga helay saraakiisha mukhaabaraadka iyo weliba meelo kale, ayaa sheegaya in Madaxii sirdoonka ee Al-shabaab C/llaahi Yare uu ka mid ahaa dhawr sarkaal oo ku dhintay duqayn lagu sameeyay goob ka mid ah deegaankaa, balse ilaa hada ma jirto wax war ah oo dawladda taagta daran ee Somalia iyo ciidamada AMISOM kasoo baxay oo lagu shaaciyay warkaa ama lagu beeniyay.
C/llaahi Yare wuxuu ahaa xubin sare oo kuwa ugu firfircoon ah Al-shabaab, wuxuuna qaabilsanaa dhinaca sirdoonka, iyadoo dawladu Maraykanku ku dhawaaqday Jun 2012, inay lacag sadex milyan oo dollar ah ku bixinayso isaga iyo nin kale oo ay sheegeen inuu yahay xubinta xaggaa dhaqaallaha.
C/llaahi yare oo ka mid ah xubha ugu sareeya hogaanka Al-shabaab ee kasoo jeeda dhinaca Somaliland, wuxuu Madarasad dhawr sanadood ka hor ku haystay Magaalada hargeysa ka hor intii aanu ku biirin kooxdaa, wuxuuna ka mid ahaa dhawr xubnood oo Somaliland xidhay 2005, kadib markii uu fashilmay hawlagal Al-shabaab doonaysay inay ka fuliso Somaliland oo ay kusoo furtaan xubno kaga xidhnaa, balse waxa lasii daayay laba sanood ka dib isaga iyo laba xubnood oo kale 2007. Kadib markii uu cafis u fidiyay madaxweynihii xiliggaa ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, waxayna C/llaahi Yare iyo saaxiibadii ku biireen Al-shabaab, iyadoo kooxda Al-shabaab markaa ka dib Somaliland kusoo qaaday weerarkii lagu qarxiyay Madaxtooyadda iyo laba xarumood oo mihiim ahaa, weeraradaa oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba sababay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *