Hargeysa(ANN)Jamaal Cali Xuseen oo ahaa musharaxii khilaafku ka dhashay ee uu ku kala qaybsamay xisbiga UDUB, ayaa   maanta si rasmi ah ugu wareegay xisbiga UCID. Kadib markii ay iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID, munaasibad baladhan oo lagu

 

qabtay Huteelka Ambassador ee Magaalada hargeysa ku kala saxeexdeen heshiis ka kooban Afar qodob.
Heshiiska  dhawrka  qodob ah, ayaa lagu muujiyay  in Jamaal  Cali Xuseen noqdo Musharraxa jagada Madaxweynaha u tartamaya Xisbiga UCID doorashada Madaxtooyada ee soo socota  oo la filayo inay dalka ka dhacdo 2015.

Jamaal Cali Xuseen oo  ah aqoonayahan saaxada siyaasada soo galay bilawgii sannadkan , waxa  ka horyimi duufaano muran siyaasadeed iyo khilaaf la kowsaday damaciisa. kadib markii  koox ka mid ah  Guddiga Fulinta UDUB u doorteen inuu noqdo Musharraxa Madaxweynaha shanta sano ee soo socda ee Xisbiga UDUB, balse waxay tasi   ka dhalisay UDUB khilaaf aan weli xal loo helin , wuxuuna  wadahadal iyo shirar muddo socday oo  Jamaal Cali Xuseen  la lahaa xisbiga gudoomiyaha UCID  si cad u cadeeyay inuu ku biiray xisbigaa, isagoo oo aan wadan  Garabkii  xisbiga  UDUB  ee ay isku kooxda ahaayeen, marka laga reebo wasiirkii hore ee waxbarshada, afhayeenkii UDUB ee iska casilay xilkaa iyo dhawr xubnood, balse   ay weheliyaan  taageerayaasha gaarka ah.  .
Munaasibada xafladaa lagu soo bandhigay heshiiska labada dhinac ee  oo ay ka soo qaybgaleen Jamaal Cali Xuseen,Afhayeenkii Xisbiga UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) oo xilkaa iska casilay, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Gadhwayne), Masuuliyiin iyo Taageerayaal tiro badan oo uu Jamaal hoggaaminayo, Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Xuseen (Waraabe),Masuuliyiinta iyo Taageerayaasha UCID, Salaaddiin iyo Cuqaal tiro badan. waxaana munaasibaddaa laga akhriyey qodobbada heshiiska ay kala saxeexdeen labada Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe, heshiiskaa oo  u dhignaa sidan:-
“Maanta oo ay taariikhdu tahay 23 Shabcaan, 1433 Hijrada, kuna beegan12-ka July 2012 waxa magaalada Hargeysa ee Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland heshiis ay ku midoobayaan labada dhinac ee kala ah: Xisbiga Qaran ee Cadaalada iyo daryeelka (UCID) oo dhinac ah, iyo dhinaca kale oo ah garabka UDUB ee uu hogaaminayo Md. Jamaal Cali Xuseen, oo go’aansaday inay Xisbigoodii ka soo baxaan, lana midoobaan Xisbiga UCID.Heshiiskan labada dhinac ku midoobeen waxa u jeedadiisu tahay in Xisbiga Qaran ee UCID la balaadhiyo, lana xoojiyo oo la isugu keeno inta baddan Aqoonyahanka iyo wax-garadka Somaliland, jidkana loogu xaadho sidiii uu Xisbigu u xaqiijin lahaa u-jeedadii horaantiiba loo asaasay oo ahayd inuu hogaanka dalka hanto, soona saaro hogaamiyayaal lexejeclo ka hayso oo da’ayar, karti iyo aqoona leh oo danaha ummadda u istaaga.

Xisbiga UCID oo taariikh dheer ku leh nabadeyntii Somaliland, iyo abuurista iyo taabogelinta dimuqraadiyada waddanka ka hano-qaaday, waxa uu qaranka u sheegayaa inuu taagan yahay,heegana u noqon doono, wax kasta oo danta Somaliland ku jirto. Qodobada ugu muhiimsan heshiiska labada dhinac gaadheen waxa uu u dhignaa sidan:

1. Labada dhinac waxay isla garteen, in tirada golaha dhexe labalaadhiyo oo la dhigo 251-xubnood. Tiradaas waxa loo kala yeelan doonaa: 100 xubnood oo Xisbiga UCID ah, 100 xubnood oo ay yeelan doonaan garabka cusub ee ka yimid UDUB iyo 51 kayd ahaan doona. Sidoo kale, waxay labada dhinac isla meel dhigeen in dhamaan guddi hoosaadyada iyo xoghayayaasha xisbiga ay si siman u qeybsadaan.

2. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen, iyada oo laga duulaayo xeerkii cusbaa ee lagu ansixiyey shirweynihii Xisbiga UCID ee sadexaad, kaas oo dhigayey in la kala saaro guddoomiyaha Guddoomiyaha iyo murashaxa madaxweynanimada ee xisbiga, sidaa daradeed waxa la isla gartey inuu Md. Jamaal Cali Xuseen uu yahay murashaxa rasmiga ah ee Xisbiga UCID uga qeybgalaya doorashada madaxtooyada ee qorsheysan inay qabsoonto sanadkan 2015 Mudane Jamaal, isaga oo la tashanaya guddoomiyaha Xisbiga wuxuu dooran doona murashaxa u tartami doona xilka madaxweyne kuxigeenka.
3. Labada dhinac waxay heshiiskan ku xaqiijinayaan, in hogaanka Xisbiga ee uu hormuudka uu yahay guddoomiye Faysal Cali Xuseen,ee lagu doortey shirweynihii Xisbiga ee sadexaad ay sidooda ahaanayaan. Waxa ku soo kordhaaya hogaanka Xisbiga labada xubnood ookala ah Xoghayaha guud ee Xsbiga iyo guddoomiye kuxigeenka sadexaad oo ka iman doona garabka cusub ee Jamaal Cali Xuseen.
4. Labada dhinac waxxay ku heshiiyeen in sida ugu dhakhsaha badan loo hawlgeliyo, guddi qabanqaabo oo ka shaqeysa qabsoomida Kal-fadhigaAfraad ee Golaha dhexe ee Xisbiga UCID iyo shirweyne guud oo aan caadi ahayn. Shirka Golaha dhexe iyo shirweyanaha Xisbigu waxay ansixin doonaan dhamaan-ba qodobada heshiiskan, Sidoo kale waxay maal marinayaan wixii kaabis iyo wax ka bedel ah ee lagu sameeyey xeerka guud ee Xisbiga UCID.”
Dhinaca kale saaxiibadii ay isku jinaaxa ahaayeen Jamaal Cali Xuseen ee garabtaagnaa mudadii musharaxnimadiisa muranku ka taagnaa ee UDUB, ayaan madasha lagu arag, kuwaas oo sabab u ahaa musharaxnimadii khilaafka weyni ka dhashay ee isku daygii Jamaal ee UDUB oo ugu danbayntii sababay inuu u guuro dhinaca xisbiga UCID, markii xal loo waayay khilaafkaa, balse garabka Jamaal dabada ka riixayay ee uu higaaminayay Gudooiye xigeenka UDUB, Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hor munaasibadaa shalay ka dhawaajiyay inay ugu faataxeeyeen Jamaal inuu geedigiisa siyaasadeed u raro dhinaca UCID oo aanay iyagu raacayn. Sidaana kaga hadheen.(halkan ka akhriso Faallo ka hadalay bilawgii isku daygii musharaxnimadii soconwayday ee Jamaal ee khilaafka UDUB sababta u ahayd  iyo saadaasha xaqiiqda maanta hor timi January 2012. )
Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *