Hargeysa(ANN)Haweenka Somaliland ee xiiseeya arrimaha siyaasada iyo Ururada  ku bohoobay kuwa bulshada ee dhinaca haweenka iyo dhalinyarada,  ayaa   si weyn uga cadhooday soo jeedin  golaha wakiilada Somaliland ku gacan saydheen oo ahayd in haweenka laga siiyo doorashooyinka

 

golayaasha ee soo fool leh kooto, ama tiro go’an oo aan lagu tartamin.
Kulan balaadhan oo lagaga hadlayey sidii dumarka loogu ansixin lahaa kootada loogu tala galay inay kaga qayb qaataan doorashada golaha Deegaanka,  ayaa lagu qabtay maanta Hotelka Summer Time ee Magaalada Hargeysa.
Dalada Isku Xidhka Haweenka Somaliland ee NAGAAD oo ka mid ah daladaha ugu waaweyn, ayaa soo qabanqaabisay kulankaa oo ay ka qaybgaleen Lataliyaha Arrimaha  Haweenka ee Madaxweynaha Somaliland Amaal Xaaji Miisaan, Masuuliyiin ka socday Dalada  Haweenka ee Nagaad, Gudoomiyaha Dalada Ururada dhalinyarada Somaliland ee Sonyo, Qaar ka mid ah haweenka Wasaraddaha  Xukumada Somaliland ka hawlgala iyo tirooyin kale oo ka mid ah  Haweenka xisbiyada qaranka iyo lixda Urur siyaasadeed.
Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi oo ah Gudoomiyaha  Isku Xidhka Haweenka  ee Dalada Nagaad,  ayaa ujeedada kulankaa ku sheegtay in Haween waynaha Somaliland ay golaha wakiilada uga fadhiyaan ansixinta kootada loogu tala galay dumarka Somaliland,  iyadoo tidhi,  “ujeedada aynu iskugu nimi waa  inaynu soo saarno baaq muujinaya dareenkeena ku  wajahan Haweenka Somaliland sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka soo socda ee ay u heli lahaayeen tiro cayiman, Ama Kooto, la siiyo,”

“Waxaynu ognahay inaan dastuurka Somaliland kala faquuqin muwaadiniinta dalka siiba qodobadiisa 8aad iyo 36aad waxay si isku mid ah u sheegayaan inay siman yihiin muwaadiniinta Somaliland oo ay u siman yihiin fursad kasta oo qof muwaadini leeyahay, Runtii waxaad ogtihiin in Go,aamadii ka soo baxay guddidii uu Madaxweynuhu u saaray inay kasoo talo bixiyaan tiro cayiman in haweenka la siiyo  si ay uga qayb qaataan doorashada soo socota, guddidaasi waxay soo saareen go,aan kaas oo ku fadhiyey xogtii ay ka soo ururiyeen bulshada,  waxaanu sheegayey in haweenka la siiyo tiro cayiman, markii ay madaxweynaha u gudbiyeena madaxweynuhu wuu ku qancay,  wuxuuna  u gudbiyey golaha wakiilada, Waxaynu u sheegaynaa golaha wakiilada haddii ay waafajin waayaan xeerka doorashada ee xeer Lr.20,  inuu noqon doono waxaan soconayn, si aan haweenka looga lumin fursada,   waxaanu golaha wakiilada ee uu hor yaalo usoo jeedinaynaa inay si dhakhso ah u ansixiyaan oo u meel mariyaan”ayay tidhi Gudoomiyaha Isku Xidhka Haweenka  ee Dalada Nagaad Marwo Kaltuun.
Sidoo kale waxa kulankaa hadalo ka jeediyey Haween ku hadlayey Afka Xisbiyada qaranka iyo Urur siyaasadeed yada ka jira Somaliland, waxayna si cad uga dhawaajiyeen inay ku midaysan yihiin baaqa ku waajahan golaha wakiilada oo aanay  in lays hortaago meel marinta kootada dumarka ee doorashooyinka soo socda, balse haddii la meelmarin waayo Kootadooda, waxay ku hanjabeen  inay kaga jawaabidoonan in aanay ka qaybgalin doorashooyinka oo ay qaadacaan, isla markaan aanay Codkooda bixin doonin.
Dhinaca kale  Gudoomiyaha dalada dhalinyarada Somaliland ee Sonyo Axmed Cabdi Wacays oo ka qaybgalay  kulankaa ayaa sheegay in Haweenka looga baahan yahay dedaal si ay u gaadhaan hamigooda, isagoo yidhi,   “Haddii aanu nahay dhalinyarada Somaliland waxaanu  ku garab taaganahay Haweenka baaqa ay soo saareen ee ay ku doonayaan in loo ansixiyo kootadooda, Haweenkana waxaan leeyahay awoodaha qaranku maaha wax dhayal ah  oo si fudud lagu helo,  balse waxay u baahan tahay  dedaal”Ayuu yidhi.

Geba-gebadii kulankaa waxa ka hadashay La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arimaha Haweenka Marwo  Amaal Xaaji Miisaan, waxayna   Mudanayaasha golaha wakiilada usoo jeedisay inay ansixiyaan xeerka dumarka u ogolaanaya kootada loogu tala galay, iyadoo tidhi, “markii ay  Madaxweynaha  ay soo gaadhay warqad ka timi golaha guurtida oo ku saabsanayd hawshan kootada oo mudo dhawr iyo toban sanno ah ku dhex jirtay labada gole.  Madaxweynuhu wuxuu u saaray gudi qaran oo ka koobnayd dhaman golayaasha qaranka iyo culima u diinka si ay arrintaa ula eegaan talana uga soo bixiyaan, guddidu talo dheer oo ay ka gashay kadib waxay go,aansatay  in saami go,an oo kooto ah in haweenka la siiyo ay tahay mid muhiima. Sidaa awgeed golaha wakiiladu ansixiyaan xeerka dumarka u ogolaanaya kootada.”
Marwo  Amaal Xaaji, waxay ugu baaqday Haweenka mudaharaad ka dhan ah golaha wakiiladda, iyadoo tidhi,  “waxaan leeyahay Haweenka Somaliland waa in aad sameysaan Mudaharaad aad kaga soo horjeedan Golaha Wakiilada, waayo Xuquuqdeeni ayey hortaagan yihiin, waxa inoo balan aha idinka oo isa soo hortuba Golaha Wakiilada oo ku mudahaarada , waa in aydaan ka dhaqaaqin ilaa Golahaasi ansixinayo Samiga aynu ku leenahay Golayaasha Qaranka ee Kootada laynoo siiyey”.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *