Nairobi(ANN)Weftigii uu Hoggaaminayay Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed ee gargaarka gaadhsiiyay Soomaalida abaaruhu tabaaleeyeen eek u jira  xeryaha qaxoontiga ee dalka Kenya, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah safiirada reer galbeedka

 

u jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Weftigani waxay maanta si gooni gooni ah kulmo ula yeesheen Safaaradaha Maraykanka, Canada iyo Xafiiska midowga  Yurub u qaabilsan horumarinta ee Somaliland/Soomaaliya.
Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ka hadlay kulamadaa safaaradaha waxa uu yidhi “Sidaad ka warqabtaan-ba waanagii baryahan joognay magaalada Nairobi kulamo kala duwana la yeelanay dawlada Kenya iyo qaarka mid ah safaaradaha Yurub iyo mayreykanka, khaastan maanta(shalay)  waxaan kulamo la yeelanay safaarada mareykanaka  oo uu nagu qaabilay safiirku xigeenka u qaabilsan arrimaha siyaasada Somaliland iyo Soomaaliya sidoo kale waxaan la kulanay  xafiiska midowga Yurub madaxdii u qaabilsaneyd  arrimaha Somaliand dhamaantoodna waxaan uga xog waranay socdaalkayaga iyo kaalmadii ay shacbiga Somaliland ugu deeqeen dadka ku tabaaloobay abaaraha iyo macaluusha Soomaaliya.”
Wasiirku waxa uu sheegay inay kala hadleen dublamaasiyiintii ay la kulmeen xaalada guud ee Somaliland ku sugan tahay xiligan. Sheekh Khaliil Cabdilaahi waxa uu intaasi ku daray inay maalmihii la soo dhaafay la kulmeen qaar ka mid ah safaaradaha wadamada yurub.
Dhinaca kale  warsaxaafadeed uu xafiiska Somaliland ee Kenya ka soo saaray kulankan ayaa u dhignaa sidan:-“Maanta oo ay tahay 7/10/2011 ayaa waftigii Jamhuuriyada Somaliland ee mudooyinkii danbeba ku sugnaa dalkan Kenya una yimi inay deeq ay soo gaadhsiiyeen qaxootiga ku tabaalaysan xeryaha Dhadhaab ee ku yaala dalka Kenya ay kulamo kala gooni gooni ah la yeesheen safaaradaha dalalka maraykanka iyo Kanada ay ku leeyihiin dalkan Kenya iyo  saraakiisha midowga yurub  ufadhiya xaruntooda Nairobi.
Waftiga oo uu hogaaminayay wasiirka diinta iyo awqaafta Sh.Khaliil Abdilahi Ahmed waxaa ku wehelinayay Safiir ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ee dalkan Kenya Md Abdirizak Ahmed Karaani ayaa ka gudoomay hambalyo iyo amaan ay soo gudbiyeen saraakiishii matalayay safaaradaha dalalka maraykanka iyo Kanada iyo waliba ururka midowga yurub xaruntooda Nairobi..
Wasiirka ayaa sharaxaad  balaadhan ka siiyay safaaradan  dalalkan ay maanta la kulmeen weftigu ujeedada ay Somaliland deeqdan u bixisay, isagoo xusay in Somaliland ay kamid tahay dalalka ay abaaruhu saameeyeen balse ay ka hadana ka damqadeen nolosha adag  ee aadka uga sii liidata ta ay ku sugan yihiin shacabka Jamhuuriya Somaliland ee ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed eek u tabaalaysan xeryaha qaxootiga Kenya iyo waliba kuwa ku barakacay gudaha Somaliya ee ay abaartu sababtay ka dibna ay go aan sadeen in ay wixii ay tari karaan ee taagtooda ah taraan, waxaanay ku guulaysanay  ayuu wasiirku yidhi in aan caawimo soo gaadhsiino wefti ahaan 7000 oo qoys raashin ay ku noolaan karaan in ku dhow muddo bil ah, sidoo kale Md Khaliil wuxuu xusay in Soamaliland ka qeyb qaadan doonto wax ka qabashada mushkiladaha nololeed ee soo wajaha dalalka ay mandaqada ku wada yaalaan sida ay uga qeyb qaadato sugida amniga ee mandaqada geeska Afrika, wasiirku wuxuu ku wargaliayay masuuliyiinta uu la kulmay in dawlada Somaliland ay u fasaxday dekeda Berbera in laga soo dejiyo gurmadka degdega ah ee la gaadhsiinayo umada ku tabaalaysan Soomaaliya.”
Dhinaca kale Qunsulka guud ee safaarada dalka Kanada ku leedahay Kenya ayaa xusay in ay tahay wax aad loogu farxo in Somaliland la safato dalalka horumaray iyo dalal dhaqaale ahaan ka waaweyn,  iyadoo xaaladeeda la wada ogsoon yahay,  balse ay tahay calaamad muujinaysa dawlada wanaag iyo wax wada qabsi.  Sidoo kale masuulkii metelayay wakiilka dalka maraykanka  u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaliya ayaa ka dhawaajiyay in dawlad ahaan ay ka qeyb qaadan doonaan habaynta iyo casriyaynta Dekeda Berbera si ayuu yidhi deeqaha gargaarka degdega ah oo loo wado Somaliya ay u maraan, taas oo sida uu xusay  ay  kala shaqayn doonaan Hay’adda WFP, wuxuu intaa ku daray wakiilku inay Somaliland ka taageeri doonaan dhanka nafaqada caruurta iyo daryeelka Hooyada iyo dhalaanka.
Ugu danbayntii Wasiirka diinta iyo awqaafta Sh. Khaliil ayaa uga mahadnaqay  dhamaan safaaradaha dalalka Kanada iyo Maraykanka iyo waliba midowga Yurub dhiiri galinta soo dhawaynta ay soo dhaweeyeen talaabada ay dawlada Jamhuuriyada Somaliland qaadatay.”
Kulamadaa waxa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta  ku wehelinayay Wasiirka Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland C/risaaq Khaliif  Axmed, Xildhibaan C/Qaadir Maxamed Xasan (Indho) oo ka tirsan Golaha Guurtida oo hore u sii joogay Kenya iyo Safiir Ku xigeenka Somaliland u fadhiya dalka Kenya.waxaana la filayaa inay maalinta beri ku laabtaan dalka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *