Ceergaabo(ANN) Daroogada ugu qaalisan aduunka ee loo yaqaan Cocaine ayaa si weyn usoo gashay suuqa gobolka sanaag ee magaalada Ceergaabo maalmihii u danbeeyay. Kadib markii shixnado ku lingaxan baco oo ay ku dhegsantahay warqado ay ku sawiranyihiin Tamaandho iyo Xamar  laga

 

helay xeebaha gobolka Sanaag ee inta u dhaxaysa Ruguuda iyo Laasqoray.
“dadku way garanwaayeem ,markii hore waxan, qaar waxay moodeen Canbar oo wayba cuneen, qaarna waxay moodeen dhibka Xoolaha lagu dhibeeyo ee shilinta iyo cayayaanka ka laysa, waxay ku tijaabiyeen Riyo, balse markii danbe waxa la ogaaday inay waxani yihiin mukhaaradaraadka Cocaine oo ah nooca Budada  cadaanka ah ee ugu qaalisan aduunka ee laysku mudo, marna sanka laga qaato  iyo  nooc kale ganjada loo yaqaan  oo dalka India lagu sameeyo.” Sidaa waxa yidhi Chief Caaqil Maxamed Cawad (Ina Cawad gacanlaw) oo ka mid ah Odayaasha gobolka Sanaag, isla markaana noocyada daroogadan dadka sitay qaarkood ula yimaadeen si uu ugu xaqiijiyo, maadaama uu isagu dalka India ku arkay xiliyadii sideetanaadkii oo uu waxbarsho u joogay halkaa.
Chief Maxamed Awad waxa uu shebekada Araweelonews u sheegay inay qaar baddan oo dadkaa ka mid ahi u keeneen daroogadaa ay soo heleen, isla markaana uu hada magaalada Ceergaabo ka bilaabmay suuq lagu kala iibsanayo daroogadaa, wuxuuna isagoo ka hadalaya qiimaha uu ilaa hada ogaaday in la kala siistay yidhi, “markii hore qofba inyar ayuu sitay oo dadku may garanayn laakiin hada markii ay ogaadeen warkii waa layswada gaadhsiiyay oo waa la qariyay, 250grm ayaa la kala siistay qiyaastii $ 40, 000, (afartan kun ) oo dolar, oo ah $15, 000 kash ah iyo gaadhi Land- curser ah oo lagu qiimeeyay $ 25,000.”
Wuxuuna intaa ku daray in daroogadaa oo baco si farsamaysan loogu soo adkeeyay laga helay xeebaha bada sanaag ee u dhexeeya  Ruguuda  iyo Laasqoray, isla markaana intii badnayd hada dhinaca Koonfurta Somalia ee Muqdisho iyo Hargeysa loo qaaday, balse weli uu jiro suuq lagu kala iibsanyo.
Maxamed Cawad waxa uu sheegay inaanu garanayn sababta daroogada intaa leeg loogu daayiyay xeebaha maadaama aanay maqal wax shil ah oo mudadaa ka dhacay badda oo sababi kara inay daroogadani kasoo caarido xeebta, balse waxa uu sheegay inuu rumaysanyahay in ujeedo laga lahaa in xeebta gobolka Sanaag lagu soo daadiyo daroogadaa, isla markaana ujeedada laga leeyahay tahay in Budhcad-badeeda Somalia iibsato oo ay isticmaalaan.   
Nooca  daroogada ee Cocaine ayaa suuqa ugu qaalisan Afrika uu yahay dalka Masar oo lagu kala iibsado suuqa madaw $147.3 per gram, south afrika, Zimbabwe, Nigeria iyo Kenya  $32.3 per gram lagu  kala iibsado, laakiin suuqa ugu qaalisan ee aduunka ayaa ah wadamada New Zealand  $302.1 per gram, Australia iyo japan   $267.8 per gram lagu kala iibsado iyo maraykanka , Russia iyo Ukraine  oo qiimaha lagu kala iibsado halkii garaan   $200 iyo 215  inta u dhaxausa per gram.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *