Laascaanood(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka subaxnimadii hore booqasho ku tegey  fadhiisinka ciidanka qaranka Somaliland eek u sugan Jiida hore ee deegaanka Ganbadhe oo ah duleedka Garoowe ee xuduudka Somaliland la wadaagto Somalia.

Madaxweyne Siilaanyo oo xalay u hoyday magaalada Burco, isla markaana la filayay inuu saaka dadweynaha Magaalada Burco kala hadlo fagaaraha ayaa saaka ku waaberiistay  Fadhisinka ciidanka qaranka Somaliland eek u sugan xuduuda, wuxuuna salaam ka qaatay ciidanka  qaranka ee ku sugan Higlo oo ka tirsan deegaanka Ganbadhe,  halkaa oo uu qudbado kooban u jeediyay ciidanka ku sheegay hawsha culus ee ay qaranka u hayaan iyo sida ay habeen iyo maalin u difaacayaan qaranimada dalkooda.


Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa kusoo laabtay maanta duhurkii magaalada Laascaanood oo aanu ku hakan markii hore, balse uu markii uu kasoo laabtay fadhiisinka hore ee Ciidanka qaranka Higlo oo dhawr iyo lixdan km u jirta magaalada Garoowe  qudbad u jeediyay dadweynaha magaalada Laascaanood oo si diiran usoo dhoweeyay, isla markaana kulamo la yeeshay  Huteelka Xamdi masuuliyiinta gobolka Sool iyo waxgaradka deegaanka Laascaanood. Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu ugu baaqay dadk qurba jooga ee u dhashay gobolka inay xukuumadda kala shaqeeyaan sidii nabadgelyo iyo horumar looga samayn lahaa gobolka, balse aanay ka shaqayn sidii nabadgelyo daro loo samayn lahaa. Wuxuuna balanqaaday inay xukuumadiisu waxbadan ka qabandoonto adeegyada aasaasiga ah ee gobolka iyo sidii loo horumarin lahaa. Isagoo maamulka Gobolka Sool  ugu baaqay inay dedaal weyn u galaan sidii loo sii adkayn lahaa ammaanka gobolka oo uu tilmaamay inaan horumar balaadhan la gaadhi Karin haddii aan la sugin ammaanka. Waxaanu madaxweynuhu balan qaaday inay gacan siin doonaan ciidamada iyo maamulka dawladda, wuxuuna xusay  inay xukuumaddu  ahmiyad weyn siinayso horumarinta gobolka Sool.


Wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa  xalay gaadhay magaalada laascaanood, iyadoo habeen hore lagu dilay magaalada Laascaanood gufoomiyihii maxkamadda rafcaanka Sool. kadib markii dablay aan la aqoonsani toogasho ku dileen, isla maraana dhaawac gaadhsiiyeen nin kale oo shicib ah oo la socday gudoomiyaha.

Madaxweynaha oo kasoo laabtay  magaalada Laascaanood ee gobolka  Sool waxa  duleedka Magaalada Caynabo ku soo dhaweeyay Boqolaal qof oo ka mid ah shacbiga ku dhaqan gobolka  Saraar waxaana madaxweynaha loo dhigay rooga cas oo lagu muuneeyay soo dhawayntiisa.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la hadlay shacbiga magaalada Caynabo ayaa  u mahad celiyay  shacbigii soo dhaweeyay waxaanu yidhi  “Walaalayaal aad iyo aad ayaanu idiinka mahad naqaynaa sida wanaagsan ee aad noo soo dhawayseen, waxyaabo badan ayay madaxdiinu halkan ka sheegeen in Gobolku u baahan yahay, waanu ognahay in baahiyo badan uu gobolka Saraari u baahan yahay.”
Madaxweynaha Somaliland waxa sheegay in ay wax badan qabteen mudadii xukuumadiisu jirtay waxaanu yidhi “Waxaanu is leenahay mudadii yarayd ee sanadka  ahayd ee aad xilka hayseen waxaad qabateen wax badan  waxbarashadii aasaasiga ahayd ayaanu lacag la’aan ka dhignay, waxa ka mid ah waxyaabaha aanu qabanay shaqaalihii iyo ciidammaddii oo aanu mushaharkii u kordhinayn in kasta oo aanu jeclayn inaanu kafaalo qaadno oo aanu daboolo baahiyaha gobolada oo dhan haddana nooma ay suurto gelin ee waxa noo qorshaysan inaanu anagoo shacbigayaga kaashanayna oo gacmaha is haysana aanu qabano.”


Madaxweynuhu waxa uu shacbiga u soo jeediyay inay ilaashadaan nabadgelyada dalka waxaanu carabaabay inay mandaqadan ay joogaan dad badan oo  neceb qaranimadeena.


“Waxa dhammaanteen xil inaga saaran yahay inaan ilaashano nabadgelyada dalkeena, waxa mandaqadan waxa ku badan dadka aan Somaliland madax-banaanida la jeclayn, waxaana aad ugu faro badan dadka dibada inagaga soo duulaya waxaan dadweynaha ugu baaqayaa meel ay joogaanba inay is kaashadaan  oo ay meel uga soo wada jeedsadaan dhismaha qaranka,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Md, Siilaanyo waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan wax ka qaban doonaan   adeegyada  bulshad ee uu u baahan yahay Gobolka Saraar.
Waxa  madaxweynaha ka hor halkaasi ka hadlay Badhasaabka Gobolka Saraar, Xubno ka mid ah waxgaradka deegaankaasi iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada  Cabdi-casiis Maxamed Samaalle.
Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ah Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiiradda Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Carraalle (Duur), Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md. Cabdi Casiis Maxamed Sam aalle, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland iyo saaraakiil ka tirsan madaxda lamaha dawlada.
Weftiga Madaxweyne Siilaanyo ayaa  galabta dib ugu soo laabtay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.  Booqashada Madaxweyne Siilaanyo ayaa noqonay tii ugu horaysay ee Madaxweyne Somaliland ah ku tago xarunta gobolka ee Laascaanood, isla markaana wuxuu noqonayaa Madaxweynihii u horeerar ee gaadha Xuduudka Somaliland iyo Somalialnd wadaagaan ee duleedka garoowe, marka laga reebo Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin oo booqday Magaalada Laascaanood 2002, balse markii wefdigiisu gaadheen magaalada Laascaanood ay la kulmeen weeraro kaga yimi dhinaca maamulka Puntland, taas oo keentay inay markiiba wax ka yar saacad kagasoo baxaan, iyagoo aan fulin ujeedooyinkii ay u socdeen xiligaa oo ahayd oloihii doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo tartanka ururada siyaasada ee 2002.
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *