Qarax Ka Dhacay  Muqdisho Iyo Al-shabaab Oo Sheegtay Inay Ku Dhinteen Saraakiil Maraykan AhMuqdisho(Araweelo News Network) Qarax lala beegsaday Maanta Kolanyo gaadiid ay leeyihiin Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM oo marayay

 

wadada isku xidha Madaarka Muqdisho iyo KM4 ayaa sababay khasaare  dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ugu yaraan inta la ogyahay shan qof ay ku dhinteen qaraxaa oo ahaa  mid ismiidaamin ah.

 

Sidoo kale Qaraxaasi ayaa sababay dhaawac soo gaadhay dad shicib ah oo goobta ka dhowaa iyo bur-bur soo gaadhay Meherado ka dhow goobta qaraxu ka dhacay, waxayn Ciidamada AMISOM sheegeen in laba Askari kaga dhinteen qaraxaa, balse lama ogga khasaaraha dhabta ah ee soo gaadhay weerarka oo la rumysan yahay in lala beegsanayey kolanyo baabuur ah oo ay leeyihiin ciidamada nabad-ilaalinta ee Afrikaanka ah.

Dad goobta ka dhow ayaa sheegay in ay arkeen ugu yaraan shan qof oo meyd ah oo rayid ah oo halkaas yaalay. Sidoo  kale ay arkeen dhaawac uu sababay qaraxa ka dhacay goobta,

Ciidamada nabad-ilaalinta ee ururka Midowga Afrika waxay sheegeen in laba askari ay kaga dhaawacmeen qaraxaasi, balse ma sheegin dhaawaca kasoo gaadhay qaraxa.

Qaraxa oo ahaa mid weyn ayaa sababay in ay burburaan meherado badan oo ku yaalley waddada, ayaa ka dhacay goob aan sidaa uga fogayn qarax iyo weerar Bishii aynnu soo dhaafnay ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho, kaas oo  ilaa 15 qof oo ay ku jiraan 4 ajanebi ah ay ku dhinteen.

Dhinaca kale Sarkaal katirsan xafiiska warfaafinta Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in qaraxaa ay la beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil Mareykan ah, wuxuuna xusay in ay ku dhinteen 2 sarkaal Mareykan ah iyo 8 ka tirsan ciidanka AMISOM, isla markaana ay goobta ku burburiyeen gaadiid ay wateen ciidanka AMISOM.

 

Al-shabaab waxay sheegtay in ay dib ka faahfaahin doonto weerarka ay ku qaadeen kolanyada gaadiidka iyo khasaaraha ka dhashay oo sida ay sheegeen la beegsadeen saraakiil Maraykan ah.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *