Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta markii ugu horeysay kulan balaadhan xafiiska kula yeeshay Badhasaabadda Gobolada dalka. Kulanka Madaxweynaha iyo guddoomiyaasha gobolada dalka  oo ahaa kii uu ugu horeeyay

 

ee ay yeeshaan mudadii Xukuumadda cusubi xilka haysay waxa  uu madaxweynuhu kaga dhagaystay warbixino la xidhiidha xaaladaha gobolda ay masuulka ugu yihiin Xukuumadda, sida baahiyaha ka jira, dhinacyada dhaqaallaha amaanka   iyo adeegyada kale ee ay xukuumadda uga baahan yihiin.
Guddoomiyayaasha gobolada ayaa madaxweynaha hortiisa ka inay ku dedaali doonaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen waxyaabaha yaryar ee soo noqnoqda ee dhinaca nabadgelyada iyo adeegyada ay u hayaan qaranka.
Sidaana  waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland  Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse). Qoraalka kasoo baxay madaxtooyada kulanka madaxweynaha iyo guddoomiyayaasha gobolada   wuxuu  u dhignaa sidan:-  “”Madaxweynaha JSL Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada  kulan kula yaeeshay Gudoomiyey-yaasha Gobollada Dalka waxaanu ka Dhegaystay Warbiximo iyo Xog-waran la Xidhiidha Xaalada Guud ee Gobollada Dalka.
Ugu horayna waxa ay Badhasaabadu ka warameen Saamaynta ay Abaaruhu ku yeesheen Nolosha Dadka iyo Xoolaha iyo Dedaalka ay Xukuumada iyo Shacabiguba ka gaysteen Samata bixinta Culayska ay Biyo la’aantu ku hayso Dadka iyo Xoolahaba.
Waxa kale oo ay ka warameen Dhinaca Nabad-gelyada oo ay sheegeen in ay xaalada nabad-gelyada Dalku inta badan ay wanaagsantahay.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa markaa ka dib Badhasaabada uga waramay Siyaasada iyo Qorshaha Xukuumada ee ku aadan horu-marka, Kor u qaadidda Dhaqaalaha iyo Adkaynta Nabad gelyada.
Madaxweynuhu waxa uu Gudoomiye-yaasha kula dardaarmay in ay dadka ku dhaqaan Cadaalad una soo jeedaan Nabad-gelyada iyo Midnimada Shacbiga Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu Gudoomiye-yaasha u sheegay in ay had iyo jeer ku dadaalaan in aaanay Xafiisyadoodu noqonin kuwo laga Cawdo Balse ay noqdaan kuwo la mahadiyo.
Kulankan waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey , Madaxweyne Ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose. Iyo Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada Mudane. Xirsi Cali Xaaji Xasan.”
Dhinaca kale badhasaabyada gobolada dalka ayaa mudo dhawr maalmood ah kaga qaybgaly magaalada Hargeysa kulan lagaga hadlayay sidii ay u wada shaqayn lahaayeen guddoomiyayaasha gobolada dalka iyo wasaaradaha Xukuumadda, gaar ahaan dhinaca ururinta dakhliga iyo ilaalinta dhinaca amaanka iyo siyaasada guud ee Xukuumadda.
Waxaana kulankaa mudadii uu socday kala qaybgalay guddoomiyayaasha gobolada wasiirada Xukuumadda iyo masuuliyiinta kale ee hay’addaha dawladda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail. Info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *