Hargeysa(ANN) Agaasimihii lacagta iyo xisbaadka ee Telefishanka Qaranka  Xasan Maxamuud Maxamed oo xabsiga loo taxaabay  todobaadkii hore, ayaa lasoo daayay saaka. Kadib markii Hanti-dhawrka guud ee qaranka Somaliland oo xabsiga u taxaabay sarkaalkaa, isla markaana

 

 

la xidhiidhiyay musuq-maasuq uu ku fashilmay inuu sii wado baadhista uu wasaaradda ka waday.
Saraakiil ka tirsan wasaaradda warfaafinta ayaa u sheegay Araweelonews Sii deynta Xisaabiyaha, taas oo ka danbaysay. Kadib markii khilaaf iyo saswaxan sababay inay madaxtooyada Somaliland soo dhexgasho hawsha baashista Hanti-dhawarka oo dhaliilo badani kasoo baxeen, iyadoo Hanti-dhawrku awoodi waayay inuu sii wado baadhista musuq-maasuq ee wasaaraddaa, taas oo wasiirka warfaafintu ku dooday inaanay ku koobnaan xisbaayiha oo keliya, balse loo baahanyahay in la baadho dhamaan qaybaha wasaraaddu ka koobanatahay.
Hase yeeshee arrintaa ayaa meel mar noqonweyday. Kadib markii Hanti-dhawrku awoodi waayay inuu sii wado baadhistaa oo gashay Masuuliyiintii hore ee Wasaaradda uga horaysay Wasiir Boobe Yuusuf Ducaale, kuwaas oo xoggaha kasoo baxay baadhsitaa lagu ogaaday inay lunsadeen lacag malaayiin ah, taas oo qayb ka ah musuq-maasuqa wasaaradda ragaadiyay.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay arrintaasi khilaaf ka dhex abuurtay Madaxtooyada iyo wasiirka Warfaafinta oo ku dooday in baadhitaanku aanu ku koobnaan xisbaabiyaha oo kel;iya, balse dhamaan waaxaha ay wasaaraddu ka koobantahay, balse ugu danbayntii laysla qaatay in la hakiyo baadhista hanta-dhawrka. Sidaana lagu soo daayo agaasimaha oo lagu celiyo shaqadiisa.
Arrintan ayaa daaha ka fayday, inay qaarbadan oo kla mid ah masuuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo faraha kula jiraan hawlo musuq-maasuq, kuwaas oo aanu awoodin hanti-dhawrka guud inuu ku sameeyo baadhis, iyadoo dhinaca kalena masuulka u sareeya hanti-dhawrka guud lala xidhiidhiyo mid fadhiidh ah oo ku mamay laaluush iyo inuu xilka uga faa’idaysto danihiisa, taas oo meesha ka saartay inay haya’addaasi shaqadeeda u gudato si waafaqsan Dastuurka Qaranka.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *