Madaxda SoomaalidaNairobi (ANN) Shirkii Hogaamiyeyaasha Soomaalida  ee Saxeexayaasha oo ka socday magaalada Nairobi ayaa maanta  lasoo gaba gabeeyay, iyadoo war murtiyeed ay  kulankaa. Kadib  soo saareen, waxa  lagu sheegay in  wax ka bedel lagu sameeyo qodobo dhowr ah oo ay

hore ugu heshiiyeen, kuwaas  oo kasoo baxay shirarkii hore,  sida shirkii Garowe.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa  kulankaa   shalay ka baxay, isagoo ku laabtay  Magaalada Muqdisho, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu Madaxweyne Shariif  u wakiishay kulankaa oo uu gudoominayay Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Qodobada laga soo saaray  kulankaa waxaa ka mid ahaa arrinta soo xulista Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, meelaha ay ka imanayaan iyo   cida soo xulaysa. Sidoo kale qodobada laysla gaadhay oo ahaa dhowr qodob ayaa sidoo kale wax ka bedel  lagu sameeyay ka mid ahaa shuruuda qofka noqonaya Xildhibaan ee waxbarashadiisa ay noqoto Heer Dugsi sare, taas oo lagu xusay in aan taas loo eegin dhanka waxbarashada, balse la eego waayo aragnimada uu leeyahay xubinta la dooranayaa.
Muran iyo khilaaf, ayaa ka dhashay qaabka lagu soo xulayo xildhibaanada cusub iyo gobolada ay ka imanayaan kuwa ay yihiin. Sidoo kale waxyabaaha muranka ka dhashay, ayaa wararku sheegeen inay ka mid ahaayeen.  Kadib markii kooxda labaxday Khaatumo ee Buuhoodle, kuwaas oo loo sheegay inaanay qayb ka ahayn jidka nabada, isla markaana ay ka tursan yihiin Somaliland oo aan qayb ka ahayn heshiiskaa. 
Cabdikarim Xassan Jaamac oo hore  u ahaan jirey wasiirka warfaafinta ee dowladda KMG, isla markaana sheeganayay kooxda Khaatumo, ayaa qiray in shirkaa laga saaray.
Qodobkan oo ahaa mid aad xasaasi u ahaa oo dood kulul ka dhashay ayaa la isla gartay maadaama uu ku jiray Mabaa’didii Garoowe in dib u laabasho lagu sameeyo, isla markaana shardiga Xildhibaanimada lagu qoro Mudanayasha cusub inuu yeesho qibrad u dhigan aqoon,  ama waxbarasho, aan toos aheyn,  ama waayo aragnimo.
Sidoo kale waxaa aad looga dooday ammaanka Gudiga Farsamada ee soo xulaysa Baarlamaanka, kuwaas oo la sheegay in howshooda ay u madax banaanaadaan, maadaama  ay jireen hanjabaado loo soo jeediyay, sidaa awgeed waxa ammaankoodana damaanad qaaday Ciidamada AMISOM.
Waxaa kaloo qodobada heshiiska ku jira sidii loo xalin lahaa  doorashada khilaafka dhalisay ee Maamulka Galmudug, ee Madaxweynaha cusub loogu doortay Gen. Cabdi Qeybdiid, halka Maxamed Axmed Caalin uu ku gacansaydhay doorashadiisa, waxaana khilaafkaa la sheegay inay wada hadal,  ama wada xaajood ka geli doonaan Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxda kale, si loo dhameeyo khilaafka.
Heshiiskan waxa  saxiixiisa ka maqnaa Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh shariif aya, waxaana saxiixay Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha Puntland, Xubinta Ahlusuna ka socda iyo Qaramada Midoobey, iyagoo soo dhoweeyay heshiiska, isla markaana tilmaamay inay ku faraxsan yihiin.
Dhinaca kale talaabadan heshiiska, ayaa kusoo beegantay kadib markii Soomaaliya  loo sameeyay destuur cusub,  kaas oo muran iyo khilaaf weyni ka taaganyahay, waxaana la filayaa in la soo xulo mudanayaasha Baarlamaanka si ay u soo doortaan madaxweyne 20 August 2012

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *