Hargeysa(ANN) Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka la baxay  UMMADA,  Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa ka digay inay doorashooyinka golayaasha deegaanka Somaliland dib u dhacaan. Sidoo kalena ay doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ku yeeshaan saamayn

oo dib u riixaan.
Dr. Gaboose, wuxuu sidoo kale usoo jeediyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay lagama maarmaan tahay qabashada doorashooyinka golaaysha deegaanka oo uu sheegay inay marar baddan dib u dheceen, isla markaana golayaasha deegaanku noqdeen kuwo aan sharci ku fadhiyin oo musuq-maasuq ragaadiyay, isagoo xukuumadda usoo jeediyay eedo uu kula xidhiidhiyay inay doonayaan dib u dhaca doorashada.
Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka UMMADA, Dr. Gaboose, wuxuu sidaa ku sheegay qoraal saxaafada loo qaybiyay oo uu kaga hadlayo arrimahaa, kaaso oo u qornaa sidan:- “ Doorashada dowladaha hoose waa tan ugu muhiimsan uguna baaxad weyn doorashooyinka dalka ka dhaca. Waa seeska Dimuqraadiyadda Somaliland. Fursadna u ah muwaadin kasta oo hiigsanaya himiladiisa siyaasadeed. Waxaa doorashadan ka abuurma xildhibaanada golayaasha deegaanka iyo saddexda Xisbi Qaran, waxayna gogol xaadh u tahay doorashada Madaxtooyada.
Waxa nasiib-darro ah, in doorashadii dawladaha hoose ee ugu horeysey uguna danbeysey ay ka qabsoontay dalka 2002-dii (toban sano ka hor), taasoo laga dheehan karo inay muddo dheer golayaasha deegaanku ku fadhiyaan, kuna maamulaan dalka sharci-darro. Waxay noqdeen aalad u nugul musuqmaasuqa iyo in looga taliyo Qasriga Madaxtooyada, taasoo ka saartey meesha madaxbanaanidoodii iyo la xisaabtankii dadweynaha. Sida caadada u noqotay doorashooyinka Somaliland, kuwan iyo kuwii horeba, madaxda dalalka musuqmaasuqu aafeeyey, kalsoonina aan ku qabin shacbigoodu inay markale soo doortaan waxay cimri-dherer ka dhigtaan xaalad abuur, dhaqaale la’aan, qabyo-tir sharci IWM.
Doorashada dawladaha hoose oo qabsoomi weydaa waxay sababaysaa in ta Baarlamaanku iyaduna dib u dhacdo, gogoldhigeeduna yahay in doorashada Madaxtooyada si ula kas ah loo qorsheeyey inay dib u dhacdo, taas oo dhibi jirtey Madaxweyne Siilaanyo waqtigii uu mucaaradka ahaa.
Komishanka Qaranku waa guddi farsamo oo derista xadka dhaqaale ee ku baxaya doorashada, cayimana waqtiga ay suurta-gal tahay doorashadu, maamulana habsami u socodka hawlaha iyo inay garsoor ka noqdaan tartanka.  Waxase xilka iyo waajibka Dastuuriga ahi ka saaran yahay MADAXWEYNAHA inuu sugo qabsoomidda doorashooyinka dalka xilligii loo qorsheeyey, keenona dhaqaalaha ku baxaya, dhamaystirona shuruucda doorashooyinka, diyaariyona jawi nabadgelyo iyo xasilooni ah oo ay doorashooyinku ku dhici karaan si xor ah oo xalaal ah.
Nidaamka doorashooyinka Dimuqraadiyadda ku salaysan waxa doortey bulshada reer Somaliland, una igmaday madaxdooda inay taabo geliyaan. Masiirka intaa le’egna ma ahayn inuu noqdo mid ku suurta-geli kara oo keliya gacan shisheeye. Deeqbixiyayaashu iyagoo ku mahadsan caawimadooda, hadana waxay ahayd masuuliyad damiirku ina farayo in sannadba sannadka ka danbeeya ay yaraato baahida loo qabo ku tiirsanaanta deeqdooda.

Doorashooyinka oo qabsoomiwaayaa waxay dhiirigelinayaan kursi jacayl iyo kelitalisnimo ay bulshada reer Somaliland  waaya arag u tahay waxay dhaxalsiisay. 
Waxan ogsoonahay in dedaal dheer oo ay komishanku u galeen sidii ay u suurtagelin lahaayeen in doorshadu dhacdo dabayaaqada sannadkan, ay kala kulmeen caqabado farsamo iyo culays dhaqaale oo kaga yimid tirada ururada iyo asxaabta oo aad u badan iyo isbedelka habka doorashada ee loo guurey liiska furan oo ah in musharax kastaaba gaarkiisa u tartamo.
Daraasad sugan ka dib, waxay komishanku ku qanceen inaanay suurtagal ahayn in boqolaal musharax astaamohooda laysugu keeni karo hal waraaq codbixin oo keli ah, si fiicanna loo arki karin, sidaa awgeed waxay komishanku ku taliyeen si doorashadu inoogu qabsoonto in astaanta musharaxa halkeeda lagu bedelo number, taas oo ay labada Gole ee sharci dejitu ku diideen iyakoo aan qadarin inay dhegeystaan Gudigii Komishanka ee farsamo ahaan hawshan qaabilsanaa.
Inkastoo aan la dafiri karin ciladaha ku gadaaman labada qaab mid kastaba, hadana waxa ina horyaal doorasho iyo doorasho la’aan 2012-ka.
Mudane Madaxweyne, maaha in Komishanka Qaranku Dhibane u noqdo oo ku dhexwareego xafiisyada Nairobi, Madaxtooyada iyo kuwa Golayaasha Qaranka iyadoo ay tahay adiga waajibkaagii Qaran, dhirindhirinta dhammaan hawlaha suurto-gelinaya doorashadu inay waqtigeedii ku qabsoonto.
Mudane Madaxweyne, waxay bulshadu xog-ogaal u tahay muhiimadda gaarka ah ee aad siinaysid wadahadalka Somaliya iyo Sheikh Shariif, balse waxanu tuhunsannahay, iskabadaa dedaale, inaad dooneyso in doorashadu dib u dhacdo, si aad maalmo sharci-darro ah mustaqbalka u sii joogtid. Waxana markhaati ka noqon doona, adigoo adeegsanaya awoodaada Dastuuriga ah, inaad wax-ka-bedel ku samayso diidmada labada gole oo ah inta qudha ee doorashadu u xanibantahay, taasoo si degdega lagaaga sugayo inaad u soo af-jartid, si jedwalka doorashada ee komishanku qorsheeyeen uu u noqdo mid midho dhala. waxaad dhawr jeer iclaamisay inay doorashada dowladaha hoose dhacayso sannadkan 2012-ka gudihiisa, umadduna waxay kaa sugeysaa inaad ka dhabaysid.
Waxay bulshadu xasuusantahay ka soo guryo-noqoshadaadii Dubai, inaad heshiiskii idin dhex maray adiga iyo Sheikh Shariif kaga sharci gareysey labada aqal mudo saacado gudohood ah, mudnaanta ay kuu lahayd awgeed. “ ayuu yidhi Dr. Gaboose.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *