Hargeysa(ANN)Munaasibad aan si weyn loo abaabulin oo lagu xusay 26 guuradda Maalinta shuhadada SNM oo sannad kasta la qabto 17-ka bisha October, ayaa shalay lagu qabtay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Xuskan munaasibadaa oo ay soo qaban-qaabisay Jimciyadda Mujaahidiinta SOOYAAL, waxa  ka qayb-galay masuuliyiin faro ku tiris ah oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, agaasimaha xafiiska Samo-falka Madaxtooyadda, xildhibaano iyo qaar ka mid ah qoysaska ay ka tageen Mujaahidiintii SNM ee xuskan loo sameeyay.

Munaasibadda oo lagu faaqiday duruufaha haysta naafadii iyo Agoomihii SNM, waxa aan gebi ahaanba kasoo xaadirin masuuliyiinta Xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaana  laga jeediyay khudbado dhammaantood lagu canaantay xukuumadda, kuwaas  oo dadkii ka hadlay xusku ku muujiyeen sida xukuumaddu uga seexatay dayaca haysta qoysaska ay ka tageen Mujaahidiintii SNM, iyadda oo sidoo kale halkaasi lagu soo bandhigay duruufaha nololeed ee ku gedaaman dadkaa.

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, oo ka nool afartii sarkaal ee ugu horeeyay ee dhinaca dalka Ethiopia ugu talaabay inay dabka u shidaan halgankaa, ayaa  sharaxay Maalinta shuhaadada SNM ee sannad kasta oo la xuso 17-ka bisha tobnaad, isagoo yidhi,  “Waxaynu u ducaynayaa intii ka shahiiday mujaahidiinta oo aynu leenahay ILAAHEY naxariistii janno ha ka waraabiyo, waa shuhado xaq darro ka soo dagaalantay, maalintan waxa aynu iskugu soo min guurinay in la xuso dhammaan shuhadadii SNM, Inkasta oo aanay maalin wadda dhimanin oo ay maalmo kala jaad ah dhinteen, maalintan (17-ka bisha tobnaad) waxa loo qaatay waxa ka mid ahaa dadkii maalintaa shahiiday Maxamed Xaashi Lixle oo ah raggii ugu qiimaha badnaa ee ugu taariikhda dheeraa, uguna halganka adkaa ee gudaha ka soo bilaabay halganka, waana maalintii ay tiraddii ugu badnayd ay goob ku wadda dhinteen”

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ah Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga tallada dalka haya ee Kulmiye ayaa sidoo kale sheegay inuu ka xun yahay in xuska 26 guuradda shuhadada SNM ay ka maqnaadaan Masuuliyiinta xukuumaddu, isagoo yidhi,  “Waxaan ka xumahay in xafladan aanay Wasiirrada Xukuumaddu joogin, lagama maarmaan ayay ahayd (inay Wasiirradu joogaan) waxaanan Madaxweynaha leeyahay maalintan 17 October xukuumaddu waa inay joogtaa oo ay ka muuqataa”ayuu yidhi.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ee xisbiga Kulmiye ka soo jeeda isla-markaana ka mid ah shakhsiyaadka ugu dhow Madaxwayne Siilaanyo ayaa isaguna dayaca qoysaska Mujaahidiintii SNM ku canaantay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, waxaanu sheegay in dadkaasi la dhayalsaday “Waxa aan leeyahay nimankii Mujaahidiinta ahaa waa la dhayalsaday oo cidlaa lagaga tagay”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Hooyooyinkii masaakiinta ahaa  waa laga tagay oo waxay noogu yimaadaan baarlamaanka hortiisa”

Xildhibaan Nac-nac, waxa uu intaasi ku daray “Afar bay dhashay (hooyo uu tusaale u soo qaatay) oo saddexd baa dhintay kii u hadhayna wuu waalan yahay ayay ku odhanaysaa, wallaahi maalintaa qaddayn-maysid”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray oo uu ku baaqay in dadkaasi wax la taro “Waxaan leeyahay dadkaasi waa la dhayalsaday ee wax la loo qabto  oo wax ha la taro”

Masuuliyiinta kale ee halkaasi hadalada canaanta ah ka soo jeediyay waxa ka mid ahayd Agaasimaha xafiiska Samo-falka Madaxtooyadda Aamina Maxamuud Diiriye oo sheegtay  in la dayacay qoysaskii SNM.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *