Muqdisho(ANN)”Madaxweyne haddii aanad wadaxaajood la gelin Al-shabaab si la ii sii daayo, waxaan ka baqayaa in fariintan Vedeoga ah ay noqoto tii ugu dambeysay. Denis Alex oo ah la heyste faransiis ah oo muddo sadex sano ka badan gacanta ugu jira xoogaga Al-shabaab ayaa fariin

 

maqal maqal ah oo warbaahinta la sii mariyey waxaa uu ka codsaday madaxweynaha Faransiiska inuu dedaal u galo sii deyntiisa.

La heystahan faransiiska ah ayaa sheegay in noloshiisa ay khatar ku jirto, loona baahan yahay madaxweynaha iyo madaxda kale ee dowlada Faransiiska ay wadahadalo la furaan Al-Shabaab si mar kale uu xoriyadiisa dib ugu helo, gacantoodana uga baxo.
“Mr Madaxweyne waxaa kula hadlaya Denis Allex, anigu weli waan noolahay,  balse intee in la’eg ayaan sii noolaan doonaa, nolosheyda waa mid adiga kugu tiirsan , haddii wax wada xaajood ah oo ku aadan sii deynteeda aanad la gelin Xarakada Al shabaab waxaan ka baqayaa in fariintan Videoga ah ay noqoto tii ugu dambeysay oo aad xageyga ka hesho“ ayuu yidhi Denis Allex.

La heystaha Faransiiska ah ayaa saddex sanno ka hor isaga iyo nin kale oo faransiis ah waxay kooxo hubeysan ka qafaasheen hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, balse markii dambena lacag madax furasho ah oo la bixiyey lagu sii daayey ninka labaad ee Faransiiska ahaa, iyadoo Denis alexna uu markii dambe u gacan galay Al-Shabaab oo ilaa hadda heysta, isla markaana aan la aqoonsanayn halka lagu hayo.

Madaxda dowlada faransiiska ayaan weli jawaab ka bixinin hadalka Denis allex, hase ahaatee Al-shabaab ayaa shuruudo ku xidhay sii deyntiisa,  iyagoo shuruudaha ay ka mid ahaayeen in xabsiyada dalka faransiiska laga sii daayo rag ka tirsan Al-Qaacida oo ku xidhan, in dowlada Faransiisku joojiso taageerada ay siiso dowlada Somalia iyo AMISOM iyo inuu ciidamadiisa qeybta ka ah NATO uu kala baxo dalka Afghanistan, hase ahaatee dowlada faransiiska ayaa ku gacan seydhay dhamaan dalabaadkaas, mana cadda in Al-shabaab ay lacag ku bedelanayaan ninkan haddii loogu yabooho.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *