Muqdisho(ANN)Madaxweynaha Somalia  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay magcaabista Ra’iisul-wasaaraha cusub ee Soomaaliya, isagoo xilkaa  u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magacaabista ra’iisul-wasaaraha kaga dhawaaqay xaflad hada ka  socota xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.Masuulka loo magcaabay xilkaa, wuxuu madax ka ahaa Madal lagumagacaabo Rajo oo bilowgii sannadkan looga dhawaaqay Nairobi, wuxuuna qabaa oo seygeeda yahay Caasho Xaaji Cilmi oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya sidoo kale ka mid ah haweenka si weyn ugu ololeeya nabadda iyo xuquuqda dumarka

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid waa nin ganacsade ah oo saldhigiisu yahay magaalada Nairobi, isla markaana waxa la rumaysan yahay inuu xubin ka yahay Ururka Islaax ee Madaxweynuhu kasoo jeedo. sidoo kalena ka mid ah Madaxda xisbiga uu hogaamiyo Xasan Sh Maxamuud Madaxweynaha Somalia ee  Xisbiga   Nabada   iyo   Horumarka  oo loo soo gaabiyo PDP, kaas oo dhawr sanadoo ka hor lagaga dhawaaqay Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magacaabista ra’iisul-wasaaraha  cusub ayaa soo afjartay loolan adag oo loogu jiray xilkaa, iyadoo ay danaynanayeen wadamo badan oo ku loolamaya siyaasada Somalia iyo kooxo qayb ka ah siyaasada Somalia, kuwaas oo gobolo iyo deegaamo ugu xusul duubnaa in loo magcaabo xilkaa, iyadoo tani meesha ka saartay loolankii ay Puntland ugu jirtay xilkaa. sidoo kale waxay magcaabista raysal wasaarahu meesha ka saartay filashadii la filayay in xilkaa loo magcaabo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo taageerada ugu badan ee bulshada Soomaalida haystay, isla markaana xilkaa hore usoo qabtay.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *