Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland xmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xarunta madaxtooyada ka furay shir Golaha Wasiirradu yeelanayaan oo lagu gorfaynayo waxqabadkii xukuumadda ee labadii sanadood ee la soo dhaafay iyo sidii loo darsi lahaa caqabadaha

ka hor yimi xukuumadda.

Shirkaa  oo furmay saaka xili hore, wuxuu socon doona muddo sadex maalmood oo xidhiidh ah, iyadoo wasiiraddu ilaa gelinka danbe ee caawa caweyska ku jirayaan, isla markaana la filayo sida uu Madaxweyne Siilaanyo hore u iclaamiyay inay   Wasiirradu ku soo bandhigeen qodobadii uga  hirgalay iyo wixii u qabsoomi waayay mudadii ay xukuumaddu jirtay iyo sidoo kale duruufaha sababay waxyaabaha aan suurta gelin.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu wadaa in lagu dejiyo qorsheyaal lagu waajahayo caqabadaha horyaal  Wasaaradaha iyo waaxaha  kala duwan ee siyaasada xukuumadda.

Shirkan oo ah kii u horeeyay ee noociisa ah ee Golaha Wasiirradda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo yeeshaan mudadii ay jirtay ee labada sanadood ahayd, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo ku canaantay shirkii golaha wasiiradda ee ugu danbeeyay xubnaha golaha wasiiradda, isla markaana ku canaantay fadhiidhnimo mudooyinkan danbe soo waajahday Hay’addaha dawlada. sidaa awgeed uu ku wargeliyay Madaxweyne Siilaanyo in masuul kasta lagala xisaabtamayo wasaaradda iyo Hay’adda uu masuulka ka yahay oo lagula xisaabtamayo wixii uu qabtay iyo warbixin dhab ah oo shaqadiisa la xidhiidha.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *