Muqdisho(Araweelo News Network) Afhayeenkii Ururka Xisbul Islaam Max’med Cabdi Caruus oo ka mid ahaa saraakiisha la socotay Sheekh Aways ee dhinaca Baraawe ay kasoo wada firxadeen, ayaa ka badbaaday in gacanta lagu dhigo, kaas oo
mudadii uu socday muranka ka dhashay arrintaa uu si qarsoodi ah uga baxay Madaarka Muqdisho.
Afhayeenkii hore ee Xisbul Islaam Maxamed Caruus oo wareysi siiyay idaacadda shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu dirqi kaga badbaaday Ciidanka la wareegay Sheekh Xasan.“Sheekha iyo raggii lasocday waxay ku dhaceen gacan cadaw oo illaahay uu u qadaray sharka iyo kheyrka waa wax jira oo qof walba oo muslim ah waajib ku tahay in uu ku qanco,handadaad iyo dil ayay nagu sameeyeen rag badan baa ku dhaawacmay, Odayaal dhaqan, Xildhibaano dhammaantayo waa nala dhibaateeyay”ayuu yidhi Max’med Caruus.
Sarkaalkaa ayaa sidoo kale sheegay in ciidan ku hubaysan qoryo laysarra ah ay xoog ku qafaasheen sheekh Xasan Daahir oo sida uu sheegay loo badinayo in sheekh Xasan uu dhaawac kasoo gaadhay lugta iyo isha, wuxuuna xusay in Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb iyo Afhayeenkiisu ay kamid ahaayeen dadka ay saraakiil Ajaanib ah iyo ciidamada ku sugnaa Madaarku xidheen, balse ay saacado kadib sii daayeen.
Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in kooxdii waday Sheekh Xasan Daahir ay diideen inay ka tagaan halkaa oo ay dalbanayaan in aanay dawladu waxba ka bedelin qorshaha heshiiskii ay kusoo kaxeeyeen Sheekh Xasan.
Xukuumadda Somalia ayaan ka hadlin dhacdadaa, balse warar kale ayaa sheegaya in arrintaasi xiisad xaasaas ah abuurtay, isla markaana waxa soo baxay warar sheegaya in Odayaasha la socday Sheekh Aways six xun loola dhaqmay oo dhaawacyo soo gaadheen. Sidoo kale ilaa 20 qof oo ka mid ah ilaaladii la socotay ayaa xabsiga la dhigay.
Si kastaba ha ahaatee Sheekh Xasan Aways ayaan si cad loo ogayn halka uu ku danbeeyay iyo waxa uu ku suganyahay, balse waxa la filaya inay dheeraad ah kasoo baxaan arrimaha la xidhiidha saacadaha soo socda.