Hargeysa(ANN)Mudaharaadyadii ay ku baaqeen Ururada hadhay ee qaadacay natiijadii gudida diiwaangelinta Ururada, ayaa mar kale dhicisoobay. Kadib markii ay xukuumadu si weyn ugu diyaarisay ciidamo boolis ah, Waxayna Ciidamada Booliska

Somaliland,  saaka xabsiga u taxaabeen qaar ka mid ah masuuliyiinta ururada hadhay ee hore u iclaamiyay mudaharaadka inay ka samaynayaan  gobolada dalka 1 May oo ah maalin fasax ah.
Gudoomiyaha Ururka  Jamhuuriga  Axmed Sandoon Xasan  iyo Marwo Foosiya  Yuusuf Xaaji Aadan oo ah gudoomiyaha NDB iyo saraakiil kale oo ka tirsan ururadaa, ayaa Booliska Magaalada Hargeysa saaka xabsiga dhigeen . Ka dib markii ay isku dayeen inay magaalada Hargeysa ka sameeyaan mudaharaad salmi ah oo ay kaga cabanayaan go,aankii gudida Diwaan gelinta ururada siyaasadu soo saareen dhowaan. Balse saacado kooban ka dib ayaa lasii daayay masuuliyiintaa.
Dhinaca kale magaalada Burco ayay xukuumadu ciidaamo boolis ah oo dheeraad ah geysay xalay, taas oo meesha ka saartay  inay meel maraan dhawaaqyadii iyo hanjabaadihii Ururada hadhay oo shalay qaarkood sheegeen inay awood adeegsan doonaan. Haddii la hor istaago mudaharaadkooda.
Laakiin Booliska Magaalada Berbera  iyo masuuliyiinta Gobolka ayaa ku guuldaraystay inay baajiyaan isu soo bax uu Gudoomiyaha UDHIS Ibraahin Dhegaweyne Xafiiskiisa ka sameeyay saaka, isagoo la hadlay taageerayaashiisa. Mana jiro wax khasaare ah oo ka dhashay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *