QaraxGal-Guduud(ANN)Qarax is-miidaamin ah,  ayaa goor dhaweyd ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Gal-guduud ee badhtamaha Soomaaliya. Ugu yaraan 11 Qof ayaa ku geeriyooday qaraxaa, kuwaas oo ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia iyo siyaasiyiin,

 

kuwaas oo  booqasho ku joogay, isla markaana  ku sugnaa magaaladaa.
Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in qaraxaa  ay ku dhinteen tiro dad ah oo uu ku jiraan  Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo Cabdiweli Aw Muxumed sidoo kalena ay  dhaawacyo kala duwani  kasoo gaadheen, Xildhibaan Axmed Cabdisalaam oo ka mid ahaa siyaasi kasoo jeedaa deegaanka. Iyadoo wararka qaar sheegayaan inay tiro dad ah rayid ahi ku dhinteen halkaa qaar kalena dhaawacyo kasoo gaadheen, balse xaalada oo qasan awgeed ayaan si sax ah loo hayn weli wararka dhabta ah ee khasaaraha qaraxaa.
Qaraxa is miidaaminta ah oo sida ay wararku sheegayaan ka dhacay maqaaxi shaaha laga cabo,  ayaa wararka hordhaca ahi sheegayaa inuu fuliyay qof naftii hure oo bam isku soo xidhay, kaas oo isku qarxiyay goobtaa.  Ma jirto ilaa hada cid sheegatay qaraxaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *