Hargeysa(ANN)Cismaan Cabdillahi Cigaal (Cisman Hindi), oo ka mid ah saraakiisha Xisbiga mucaaridka ee UDUB,  ayaa ka hadlay sababta keentay  in Khilaafka Xisbigu  dib ugu soo cusboonaado, Isagoo sharaxaad ka bixiyey Asbaabaha Xudunta u ah khilaafka soo noq-noqonaya ee u

 

dhexeeya Hogaanka Sare ee Xisbiga, Isla markaana sababay inuu  Laba Garab uu u qaybsamo.
Cismaan Cabdillahi Cigaal waxaa uu sidaa  ku sheegay waraysi uu siiyey Shabakada  wararka ee ARAWEELONEWS, Isagoo ka jawaabaya sababta mar labaad dib u soo celisay khilaafka Xisbiga UDUB, Wuxuu yidhi , “Raggii aan shalay wada fadhinay waxay ahaayeen kuwii aan fikirka ku kala duwanayn,  sida aad la socotaan waxaa maqnaa mudo Gudoomiya Xisbiga UDUB,  Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, Hawsha Xisbigana waxaa sii waday Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Madaxweyne xigeenkii hore. Axmed Yussuf Yassin labadaa nin oo isku ahaa Madaxwayne iyo Madaxwayne ku xigeen.
Halka hadaba mushkiladu ka dhacday waxay ahayd shirkii ugu danbeeyey ee lagu qabtay Crown Hotel,  waxaanu samaynay wax ka hor imanayey xeerkii Xisbiga, taas oo ahayd gudidii fulinta,  waxaanu ka dhignay 43, Tirada Golaha dhexena waxaanu ka dhignay 351, sidoo kale waxaanu kala saarnay Musharaxii iyo Gudoomiyihii Xisbiga, laakiin markii uu Gudoomiyaha Xisbigu ku soo laabtay Dalka wuu nagu waafaqay tirooyinka aan kordhinay,  isagoo u arkaya in aanay waafaqsanayn Xeerka Xisbiga, balse waxaa kaliya ee uu isna go’aan ku soo saaray in musharaxnimada xisbiga ee Madaxtoonyada dib loogu dhigo Doorashada golayaasha Deegaanaka ka dib, si meesha ay ugu baxdo khilaafka iyo muranka ka dhashay arintaas oo loo badbaadiyo xisbiga.”

Hasayeeshee wuxuu xusay Cismaan Hindi in Liiska tirada Gudida fulinta iyo Golaha dhexe oo aan waafaqsanayn shirkii Maansoor ee lagu ansixiyey xeerkii xisbiga  oo uu u gudbiyey Gudoomiye ku xigeenku Gudida diwaan galinta Ururada, kuwaas oo uu sheegay inay qoraal kaga soo jawaabeen,  iyagoo u  sheegaya in aanu G/kuxigeenku xaq u lahayn inuu usoo gudbiyo, iyadoo  uu jooggo  Gudoomiyuhu, mar haddii aanu jirin  qoraal uu ku wakiishay, sidaa awgeed ay xisbiga UDUB mudo kooban oo ku dhamaanaysa 1-May 2012,  ku keenaan liiska iyo tirooyinka looga baahnaa ee Gudida Fulinta iyo Xubnaha Golaha dhexe, iyadoo waliba sida uu sheegay Cismaan Hindi uu guddomiyaha xisbiga Daahir Rayaale Kahin oo xeerka xisbigu xaq u siinayo u gudbiyey Guddida Diwaangalinta, tirada Gollaha Dhexe 162 iyo 19-Xubnood oo Guddida fulinta ah, taas oo waafaqsan xeerka Xisbiga ee lagu ansixiyey Shirwaynihii labaad ee Xisbiga Udub 27 January 2009.

Laakiin waxaa uu sheegay Cismaan Hindi in arintaasi ka cadhaysiiyey G/kuxigeenka Xisbiga Axmed Yuusuf Yaasin oo Maxkamadda sarre u gudbiyey qoraal dacwad ah oo ka dhan ah Guddoomiyaha xisbiga Daahir Rayaale Kahin, taas oo uu sheegay inay sabab u tahay khilaaf dib u soo laabtay, isagoo arintaa ka hadlayana wuxuu yidhi ,
Cisman Hindi “Anigu waxaan ka mid ahaa raggii ay isku fikirka ahaayeen markii hore G/kuxigeenkayga Axmed  Yuusuf Yaasin oo aan ixtiraam badan u hayo.  laakiin waxaa naga hor yimi oo nasoo ooday xeerkii iyo sharcigii xisbigu lahaa oo meesha ka saaray wixii aanu samaynay ee aan sharciga waafaq-sanayn oo Guddomiyuna nagu tix-galiyey,
Sidaa  awgeed waxaan ugu baaqayaa saaxiibkay Axmed Yuusuf Yaasin oo Oday-gaygii ah in uu ka fekero danta Xisbiga oo uu ixtiraamo sharciga iyo Xeerka Xisbiga ee aan cidna dhaafi karin, waxaanan qabaa in aanuu isagu dano gaara wadan ee  ay rag agg-jooggaa dano gaara ka leeyihiin Arihaman.”

Cisman Hindi wuxuu u soo jeediyey saaxiibadiisa kale ee ay kala fikirka duwanaayeen in ay maanta ku midoobeen una  hogaansamaan Xeerka iyo Sharciyada Xisbiga oo dib loogu noqday, taas oo uu sheegay inay raggii ay iska soo hor-jeedeen ay isaga iyo rag kale dhinac fadhiisteen  oo baaq soo wada saareen, iyagoo eegaya danta xisbiga.

Mar uu ka jawaabayey saamaynta uu khilaafkani ku yeelan karo xisbiga Udub oo marka horeba farta lagu godayey in aanuu soo dhaafayn Tartanka Golayaasha Deegaanka ee ay Ururada soo baxay kula tartamayaan Xisbiyadii hore, wuxuu  yidhi,  Cisman “Horta Somaliland waxa  ka jirta Dimoqoraadiyad kala duwanaanshaha afkaarta ayaa keena khilaafka,  laakiin xeerka iyo sharciga marka ay tagto aqlabiyadi ma taalo ee waxa  taala in xeerka iyo sharciga la raaco, cidwalbaana way ku khasban tahay xeerka Xisbiga.

Xisbiga Udub waa xisbi wayn oo Somaliland oo dhan ah, waaa xisbigii qabtay Doorashooyinkii Dalka ka dhacayoo dhan, Waa xisbigii sida Dimoqoraadiyada ah u wareejiyey Doorashadii Madaxtooyada ee ugu danbaysay, markaa waxaan qabaa in aanay arrimahani saamayn ku yeelan doonin Mustaqbalka Xisbiga ee wixii khilaafad ah wada -hadal iyo tanaasul lagu dhamaynayo, wixii intaas ka baxsana sharciga iyo xeerka xisbiga loo daba fadhiisanayo”.

Cisman Cabdillahi Cigaal (Cisman Hindi) oo la waydiiyey weedho uu warbaahinta u soo mariyey Musharaxa xudunta u ahaa muranka iyo khilaafka kala qaybiyey Xisbiga UDUB,  Jamaal Cali Xussen oo sheegay in aanuu Udub Mar labaad iibsanayn, balse isagoo Cismaan ka jawaabaya sida uu u arko hadalkaa wuxuu yidhi, “Saaxiibkay Jamal oo ah nin aqoon-yahan ah oo da’yar,  waxaan u hayaa ixtiraam badan, shalayna waxaan ahaa raggii garbaha hayey, laakiin waxaan u sheegayaa in wixii aan wadnay iyo musharax-nimadiisii ay sharciyadu hor joogsatay cid wax u diidayna aanay jirin, wuuna u furan yahay tartanku isaga iyo cidkasta  marka la gaadho wakhtigeeda, laakiin waxaan xaal ka bixinayaa weedhaha  kasoo yeedhay Aqoonyahanka Jamal Cali  Xuseen ee ah,  “Mar hore ayaa layga iibiyey Udub,  markale layga iibin maayo” markaa waxaan u soo jeedinayaa Jamal inuu u tudho Xisbiga oo anaga noo tudho, oo mustaqbalkiisa u tudho, oo aanuu ereyadaas oo kale u quudhin raggii garbaha hayey iyo xisbigaba, maadaama wixii ay wadeen sharciga iyo xeerku meesha ka saaray.” Ayuu yidhi Cisman Cabdillahi Cigaal (Cisman Hindi).

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *