Hargeysa(ANN)Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa xalay daboolka ka qaaday in dufcadii koowaad ee ardaydii Deeqda Waxbarasho ka heshay dalka Turkiga ay saaka xili hore ka dhoofeen  Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa.Kadib markii

ay xalay Wasiirka Wabarashada iyo Tacliinta Sare Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka ku-xigeenka iyo Agaasimaha Tacliinta Sare ay  inta baddan xalayba farta ka saareen Ardaydaa baasabooradii ay ku dhoofayeen, iyadoo kuwii ka hadhsanaana saaka subaxnimadii hore la siiyay. Sidaana ay ku baxeen, iyagoo usii jeeda dhinaca dalka turkiga isla markaana diyaarad khaas ah uu ka bixiyay Madaxweynaha Somalialnd ka qaaday 36 Arday shantii subaxnimo  oo ay ka  duushay Madaarka Hargeysa. iyagoo sita baasaboorada somaliland  ee dalkooda.
Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan oo arintaasi ka hadashay ayaa Warbaahinta u sheegtay “qaybtii ugu horaysay ee Ardaydii Deeqda waxbarasho ka heshay dalka Turkiga ayaa caawa(Xalay) shanta ka dhoofaysa Madaarka Hargeysa, waxaana maanta(shalay) loo soo dhameeyay Baasaabooradii iyo dhamaan kharashkii lagu diri lahaa, iyadoo madaxweynuhu amray inaan ardayda wax lacag ah laga qaadin” ayay tidhi Wasiirku.
Mar ay ka waramaysay tirada ardayda Baxaysa iyo dalalka ay kala tegayaan waxay tidhi “ardayda caawa Baxaysa waa 36 arday oo isugu jira 21 ka baxay Dugisyada sare iyo 15 Dugsiyada dhexe dhamaystay, waxaanay dhamaantood tegayaan Dalka Turkiga”
Marwo Samsam Cabdi Aadan waxay sheegtay in Diyaarad khaasa loo kireeyay ardaydaa, waxayna iyadoo arrintaa ka hadlaysa tidhi,  “Ardayda waxa qaadaysa Diyaarad khaasa oo dawladu u kiraysay, waayo markii hore waxaa naga buuxsamay Diyaaradihii, markaa waxa loo kireeyay Diyaarada ay leedahay Shirkada Daalo oo 16000 Dollar laga bixiyay, taasoo toos u geyn doonta Turkiga”
Wasiiradda  Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland waxay iyadoo dardaaran kooban siinaysa  Ardaydan Deeqda waxbarasho u heshay  tidhi,  “Ardayda waxaan kula dardaamayaa inaanay is odhan marka aad Turkiga gashaan u Tahriiba Yurubta kale, waxaanan balan qaadayaa inaan soo qaban doono ardaygii isku daya inuu ka baxsado turkiga oo Yurub kale waayo meel kasta waan kaga daba tegi karaa, dalka ayaanay Samcad xumo ku tahay, markaa waalidka iyo ardaydaba waxaan kula dardaarmayaa inay waxbarashadaasi iyo fursadaa layna siiyay aanay ku ciyaarin, waanay soconaysaa Deeqdan waxbarasho oo waa albaab furmay” ayay tidhi.
Dhinaca kale inkasta oo ay jireen dhaliilo qaabka loo maamulay Ardaydaa iyo saamiga gobolada ay soo baxayeen mudadii ay hawshaasi socotay, hadana waxay xukuumaddu muujisay dedaal si aanay fursadaasi uga lumin inta nasiibka u yeelatay, waxaana  ilaa shalay qabanqaabada iyo bixitaanka Ardaydaa ku mashquulsanaa marka laga yimaado wasiiradda wasaaradda waxbarshada oo iyadu masuul ka ahayd, wasaaradaha iyo Ha’addaha kale ee hashooda bixitaanku khuseeyay, sida  Wasaarada Arrimaha iyo xafiiska Socdaalka, kuwaas  oo  xalay Heegan ugu jiray dirista Ardaydaasi, kadib markii sida ay noo sheegeen wararka la xidhiidhaa Madaxweynuhu xalay ku amray inay hawsha ardaydaasi dhamaystiraan oo aanay baaqan, waxaana Arday kasta farta laga saaray Baasaaboorkiisa  Somaliland oo ay ku dhoofeen, iyadoo ay shalay masuuliyiinta Turkiga iyo xukuumadda Somaliland soo dhexgaleen waxoogay muran ah oo la xidhiidha dhinaca baasaboorka, balse markii danbe laysla aqbalay inay qaataan ardaydu Baasaboorka Somaliland oo ay ku baxaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *