Hargeysa(ANN) Koox ka mid ah madaxdhaqameedka  Salaadiinta Somaliland ayaa beeniyay war dhawaan ku soo baxay Wargeyska Waaheen, kaas oo lagu sheegay in Salaadiinta qaarkood ka biyo diidsan yihiin talaabooyinka uu ilaa hadda Madaxwayne Siilaanyo qaaday ee ku salaysan maamulkiisa siyaasadeed.

Salaadiintaa oo ay ka mid yihiin  Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, Boqor Maxamuud Cali Carab iyo Suldaan Axmed Nuur Cabdilaahi Sammaale ayaa sheegay in warka wargeysku qoray oo ciwaan looga dhigay “Salaadiin Somaliland oo wada shirar ay kaga biyo diidsan yihiin talaabooyinka uu Axmed Siilaanyo fuliyay” aanu ahayn war sal iyo raad toona leh,  sidaa awgeed  ay maxkamadda dastuuriga ah la tiigsan doonaan wargayska Waaheen haddii aanu cadayn halka uu warkaa been abuurka ah  ka keenay.
Xubnaha salaadiinta ah  oo maanta wadajir shir jaraa’id ugu  qabtay magaalada Hargeysa, ayuu  Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo ugu horeyn shirkaa jaraa’id ka hadlay hadalkiisa ku bilaabay “Halkan waxaanu iskugu nimid in aanu ku beenino war ku soo baxay saaladii doraad Wargeyska Waaheen kaas oo uu ciwaankiisu ahaa “Salaadiin Somaliland oo wada shirar ay kaga biyo diidsan yihiin talaabooyinka uu Axmed Siilaanyo fuliyay”
 
Waxaanu aad iyo aad aanu uga xunahay shirkayagan jaraa’id uu ku saabsan yahay warkaas uu qoray wargeyska Waaheen oo runtii waaqiciga ka fog oo aan xitaa ku salaysnayn arinta dhabta ah ee Salaadiintu ay isugu yimaadeen ama himilada salaadiinteeda lafteedaba.”
Suldaan Xasan waxa kale oo uu soo qaaday “Warkaasi ujeedada uu doonaba ha lahaadee ilaa maalintaa maanta ah ilaa maalintii uu soo baxay dhawaaqiisu aadbuu noogu faro-batay, jaraa’idku waxa uu sheegay in  salaadiin gaadhaysa ilaa 20 ay shirar muddo u soo socdeen, waxaanu cadaynaynaa in Saaldiintaa uu sheegay ee uu taxay ee uu yidhi waa Somaliland aanay waxba ka jirin , waxaanu cadaynaynaa in Salaadiintu ay mar walba isku timaado oo ay iskaashi buuxa leedahay oo xidhiidh saaxiibtinimo iyo mid dhaqan ayaa  ka dhaxeeya.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxa xusid mudan ilaa maalintii natiijada doorashada lagu dhawaaqay iyo intii Madaxwaynaha la dhaariyey ee xukuumadan cusub ee shacbigu soo doorteen ay timid salaadiin intaa leeg iskumay iman, laakiin shirka ay isugu yimaadeen dhawaanta waxa uu ahaa mid Alle bari ah oo loogu Alle baryayo xukuumada cusub.”
Suldaanka guud Xasan Suldaan waxa kale oo uu sheegay “Arinka labaadna waxa uu ahaa in Saaladiintu ay booqdaa Madaxwaynaha la doortay Axmed Siilaanyo kulan iswareysiyana ugu tagaan la iskana wareysto arimaha amaanka maadaama oo salaadiintu doorka ugu muhiimsan ku leeyihiin arimaha nabadgalyadda, laakiin waxa layaab iyo naxdin nagu noqday markii aanu doraad ku warhelnay telefoono badan oo ah arinkan odhanaya Saaldiin Somaliland kulan garnaqsi ah ayay Madaxwaynaha ugu tagayaan.” Ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyay “Waxaanu beeninaynaa oo aanu cadaynaynaa in aanay arinkaa waregayska Waaheen qoray waxba ka jirin, Madaxwynaha Somaliland-na aanu maanta taagnayn meel lagula garnaqsado oo dawladu curdin tahay oo dhismaheedii wali socdo oo xitaa Agaasimayaasheedii aan la magacaabin, ilmaha xalay dhashay lama canaan karo, xukuumada dhalatayna xiligii la canaanayeyna may gaadhin, xili loo dulqaadin kari waayana may gaadhin.”
Ugu dambayn Suldaan Xasan waxa kale oo uu tilmaamay “Waxa salaadiinta ka go’an in ilaa heer maxkamadeed la gaadhsiiyo, waxaanuna ku rajo-waynahay in wargeyskuna uu isdifaaci doono.”
Boqor Maxamuud Cali Carab, oo isna shirka jaraa’id oo ka dhacay Hargeysa kalmado kooban ka sheegay ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan “Anagu waxaanu nahay madaxdhaqameed oo shacabku dhaqanka u doortay. Ma jiro shir aanu u qabanay xukumada qiimaynteeda iyo waxa ay qabatay ka biyo diidkeeda, laakiin shirarka salaadiibtu had iyo jeer way isugu timaado, shirkii aanu dhawaanta yeelanayna muu ahayn waxqabadkeeda laakiin salaadiintii dhammaatood waxay ku hadlayeen taageerada dawlada cusub.”
Boqor Maxamuud waxa kale oo uu tilmaamay “Ta labaad Madaxtooyada anaga ayaa kulan ka codsanay, waana in markii mudo la joogaba mar al kulmo, anaga oo markii hore si guud ugu wada tagnay oo soo tahniyadaynay., imikana waxaanu ugu tagaynaa halkee wax kuu marayaan iyo maxaanu kula qabanaa, maxaanu nabadgalyada kaala qabanayaa.”ayuu hadalkisii ku soo koobay.
Suldaan Axmed Nuur Cabdilaahi Samaale, oo isna halkaa ka hadlay isla-markaana fajac ka muujiyay warka wargeysku baahiye ayaa si kooban u yidhi “Waxa meesha yimid wax aan afka Salaadiinta ka iman, wax aan shirkayagii ku jirin ayaa yimid, soomalidu waxay tidhaahdaa wixii la arki jirayna wixiisaa laga naqaa, wixii aan la arki jirina subxaanalaa ayaa laga naqaa, arinkan jaraa’id ku soo baxayna subxaanalahas ayaanu leenahay.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *