Wasaaradda Arrimaha debeda Somaliland ayaa markii u horaysay maanta soo saartay qoraal ay ku sheecisay magacyada Danjirayaal cusub oo loo magcaabay inay Todoba wadan oo dunida ah uga noqdaan Somaliland Wakiilo. Magcaabista Danjirayaasha xafiisyada Somaliland

 

ee dalalka ogolaada inay xafiisyo ka furato, ama ay hore uga furnaayeen  waxay ahayd wax la filayay magcaabistooda wakiilada, ama Danjirayaasha dalalka shisheeye uga noqaya  Somaliland wakiilada.
 Balse waxa layaab noqotay in aanay magcaabista Danjirayaashu kasoo bixin Xafiiskii sharciyan ay kasoo bixi lahaayeen. Kadib markii ay Wasaaradda Arrimaha debeda Somaliland soo saartay liiska magcaabista Danjirayaasha dalalkaa loo magcaabay, taas oo sababtay  in lays weydiiyo,  yaa Awood  u leh magcaabista Danjirayaasha, ma Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debeda Dr. Maxamed Cabdullahi Cumar ayaa soo saaraya,  ma Madaxweynaha JSL  oo xafiiska Madaxweynaha ayaa leh magcaabista Danjirayaasha dalalka Shisheeye oo soo saaraya.
Marka laga hadlayo Dastuurka JSL yaa leh awooda magcaabista, balse xaqiiqdu waxa weeye in aanay tani ahayn mid dhinaca sharciga muran ka taaganyahay  sida ku cad Qodobka 90-aad  ee Dastuurka oo qeexaya awoodaha Madaxweynaha, kaas oo ay ku cadahay  Faqradiisa 3aad inay   Awoodaha Madaxweynaha ka mid tahay magcaabista Danjirayaasha Somaliland u fadhiisanaya dalalka shisheeye oo ka mid ah masuuliyiinta Madaxweynuhu kusoo saarayo Digreetada.
Horaantii August ayay ahayd mar Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Dr. Maxamed Cabdullahi Cumar oo safar ku jooga Britain Waraysi uu ka qaaday Nin Suxufi ahi weydiiyay su’aal ku saabsan arrintan oo ay ka muuqatay in aanu isaguna Dastuurka Somaliland la socon, isagoo weydiiyay wasiirka xiliga uu magcaabayo  Safiirada,ama Danjirayaasha dalalka debeda u fadhiisanaya Somaliland, taas oo waasiirku kaga jawaabay inuu magcaabayo dhowaan marka uu dalka ku laabto  wakiilada dalalka Somaliland xidhiidhka la leh, isla markaana waxay jawaabta wasiirka ee dhawr bilood ka hor soo baxaday shalay markii uu soo saaray Liiska magacyada danjirayaasha 7 dal oo dinada ah.
Sidaa awgeed qoraalka kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debeda Somaliland ee lagu soo saaray magcaabista Danjirayaasha Somaliland wakiilada  uga noqonaya wadamada Ethiopia,  Djibouti, Kenya, Yemen, Britain, France iyo USA, ma yihiin  kuwo magcaabistoodu waafaqasan tahay sharciga, isla markaana miyaanay ku haboonayn in Wasiirka Arimaha  Debedu ka noqdo qoraalka uu ku magcaabay, maadaama aanu Dastuurku awood u siin isaga iyo Wasaaraddiisa midna,  ee cida magcaabista awoodeed iska lihi tahay Madaxweynaha oo Dastuurku Awood u siiyay inuu magcaabo.
Si kastaba ha haatee waxay isweydiintu tahay magcaabista Danjirayaasha Ee Wasiirka  Arrimaha Debedu IL-duuf Sharci Iyo Awood Maroorsi Waa Iyama?
Falanqaynta Araweelonews.com

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *