-
Published On: Sat, Jan 1st, 2011

“sannad kasta ay shirkaddu waxay ugu deeqdaa cusbitaallada, jaamacadaha iyo mashaariicda horumarinta dadweynaha lacag gaadhaysa $1 milyan oo dollar.” Abdirashid Duale, maamulaha Shirkadda Dahabshiil

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa(ANN / WALL STREET JOURNAL) Koonfurta Soomaaliya waxay la daalaa-dhacaysaa qas iyo degganaansho-la’aan. Laakiin baayac-mushtarka iyo mas’uuliyiinta Somaliland oo ah dal deggan oo madaxbannaan, waxay ku naalloonayaan oo ay ku faanaan horumarka ay sameeyeen

 

oo ah mid gobolkaasi u noqon kara tusaale lagu dayan karo oo gayeysiin kara xassilooni. Somaliland waxay ahayd mid deggan ilaa intii ay  ku dhawaaqday inay tahay dal madax bannaan sanaddii 1991. Waxay qabatay afar doorasho oo si dimuqraaddi ah u dhacay, waxay kor u qaadday ganacsigii xorta ahaa, waxaanay dhistay jaamacado iy cusbitaallo. Horumarkani waxay samaysay iyada oo aanay weli caalamka ka heli aqoonsi siyaasi ah.
Bishii Julaay ee sannadkan, dad-weynaha reer Somaliland waxay soo doorteen dawlad cusub oo ka kooban aqoonyahanno debadda wax ku soo bartay oo qurba-joog ahaa, kana kala yimid Maraykan, Canada, iyo Ingiriiska – oo dawlad  u noqonaya dalkan ay ku dhaqan yihiin dad gaadhaya illaa 3.5 milyan. Dad-weynahaasi badankoodu waa xoolo-dhaqato ku tiirsan lo’da, adhiga iyo geela, iyo in degtey magaalooyinka sida magaalo-madaxda Hargeysa oo kale.
Somaliland waxa kale oo ay aad ugu tiirsan tahay ganacsiga gaarka ah oo dadka u abuura shaqooyin; ganacsatada wax soo dejiya sida qalabka oo kale, iyo maalgelinta, kuwaas oo dhaqaale ugu deeqa dawladda. Degganaanshaha ka jira Somaliland waxa uu soo jiitey oo uu dhiirri-geliyey aragti cusub oo ay u yeeshaan Somaliland dalalka iyo
hay’adaha adduunka ee deeqda bixiyaa. “Waxaan aad ula dhacsananahay waxyaabaha ka socda Somaliland,” sidaas waxa yidhi Mark Bowden, isku duwaha qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha banii’aadminnimada ee Soomaaliya. Mark Bowden waxa uu sheegay in deeqda caalamiga ah ee haatan la siiyo Somaliland ay tahay $100 milyan oo dollar sannadkii, waxa se uu intaasi ku daray in sannadka soo socda ay dhici karto in la libinlaabo.
Maraykanku waxay gaadhsiiyeen lacagtii ay siin jireen Somaliland ilaa $26 malyuun, halkii ay awal ka ahayd $7 malyuun oo dollar oo qudha sannaddii 2009. Diblomaasiga sare ee maraykanka ugu qaabilsan Africa, Johnie Carson, waxa uu dhowaan sheegay in siyaasaddii maraykanka ee ku  waajahnayd Soomaaliya, inay yeelan doonto weji ama qaab labaad oo si gaar ah loola macaamilayo, loona eegayo Somaliand. Maraykanku waxay ku ballan-qaadeen deeq illaa $40 malyuun oo la siinayey dawladda Somalia ee Muqdishu sanaddii hore, laakiin mucaawanadaasi inteeda waxa la sii mariyey ciidamada nabad-ilaalinta ee Ururka Midowga Africa ee jooga Muqdishu, iyo kooxo raashinka geeya gobollada.
“Maraykanku waxay wax badan ku khasaarinayeen cashuurta dadweynaha Maraykanka laga soo qaado, meel la yidhaa…” sidaasi waxa ku dooday Hussein Abdi Duale, wasiirka cusub ee macdanta, tamarta iyo biyaha ee Somaliland, ninkaasi oo hore uga shaqayn jirey gobolka Califonia. Waxaanu intaasi ku daray in Somaliland, iyada oo ka geddisan magaalo-madaxda Soomaaliya, in haddana ay tahay meesha qudha ee shaqaynaysa ee nool ee taagan. “Mucaawanada halkan la siiyaana kuma dhex baaba’ayso ama burburayso rasaas madaafiic”, ayuu yidhi Hussein. Maadaama aan weli la siin Somaliland, aqoonsi caalami ah oo siyaasadeed, waxa ku adkaanaysa inay deyn ka qaadato baananka caalamiga ah, ama heshiis la gasho dawladaha kale, ama buuxiso shuruudaha iyo sharciyada maal-gelinta debadda.
Dawladaha iyo ururrada caalamku waxay ka baqayaan in haddii la aqoonsado Somaliland, in taasi ay ku keeni karto qaaradda Africa khilaafyo kale oo xagga xadadka ah. Laakiin, iyada oo xuduudihii koonfureed ee dawladda Soomaaliya ay burburayaan, waxa is-beddel uu ku dhacayaa fikirkii ama baqdintii noocaas ahayd. Dhinaca kale, masuuliyiinta Somaliland waxay xoogga saareen inay dhiirrigeliyaan ganacsatada Soomaaliyeed ee debaddu inay sameeyaan maal-gashi, iyada oo loogu ballan qaaday in loo sameeyo cashuur-dhimis, sharciyada oo laga khafiifiyo, iyo degganaansho siyaasadeed oo la hir-geliyo. “Waxa halkan ka jira fursado badan, waxananu doonaynnaa in fursadahaas aannu horseedno oo aan dhiirrigelinno.”  Sidaasina waxa yidhi Abdirashid Duale, maamulaha Shirkadda Dahabshiil, isla markaasina ka mid ah dad badan oo debadda ka yimid oo ka abuuray halkan ganacsiyo hir-galay, dhinacyada beeraha, biyaha la cabbo ama la sifeeyo, iyo is-gaadhsiinta.
Abdirashid Duale, waxa uu wax-barasho dugsi sare ah ku qaatay magaalada London, ka dibna waxa uu ku biiray ganacsigii qoyskooda oo ah adeeg-xawaaladeed oo lacagayowga u kala gudbiya Soomaaliya iyo adduunka kale. Dahabshiil markaasi ka bacdi waxay noqotay shirkadda ugu weyn ee xawaaladda ee Geeska Africa, waxayna xawishaa inta badan lacagyowga xawaaladda loo diro Somalia badankeeda, oo gaadhayaa illaa $1.6 bilyan, oo Somalilandna ku jirto. Waxa kale oo ay leedahay shirkaddu saamiyo shirkado kale oo xagga isgaadhsiinta ah.
Shirkadda Dahabshiil waxa asaasay Abdirashiid aabbihii sanaddii 1970-yadii si ay adeeg ugu fidiso qurba-joogtii Soomaalida ee Khaliijka ee lacagaha u soo dirayey qoysaskoodii joogey Somalia. Hase ahaatee adeeggaas waxa uu burburay 1989-kii, markii dagaalladii sokeeye ka qarxeen Soomaaliya, waxaana qoyskii u qaxay dalka Ingiriiska, halkaas oo adeeggii xawaaladda dib loo soo nooleeyey, loona furay. Waxaana xawaaladda Dahabshiil haatan ay ka furan tahay illaa 144 dal oo adduunka ka tirsan, oo uu ka mid yahay dalka Maraykanku. Calaamadaha muujinaya in Somaliland aanayna ka reebanayn deegaannada ay ku taamayaan ururrada xag-jiraa, ururka Al-Shabaab oo inta badan ka taliya koonfurta Soomaalia badankeeda, waxa uu dhowaan sheegay inuu mamnuucayo lacagaha xawaaladda ee loo adeegsado telefoonnada gacanta ee mobile-ka, laga bilaabo bisha Jeenaweri 31-keeda. Adeeggaasi oo ku cusub halkani, waa uu durba noqday mid si weyn u shaac-baxay, dhinaca isku gudbinta lacagayowga naqadka ah. Odhaah ay  ku soo saareen ururka Al-Shabaab afafka Carabiga, Soomaali-ga, iyo Ingiriisi-ga, ayaa waxa ay ku sheegeen in adeeggani uu yahay mid ay ka dambeeyaan oo ay aasaaseen reer galbeedku, si ay uga faa’iidaystaan, una wax-yeelleeyaan dhaqaalaha muslimiinta.
Dawladda Muqdisho waxay iyadu ku tilmaantay go’aankani Al-Shabaab inuu yahay mid lagu wax-yeellaynayo dhaqaalaha ganacsiga xorta ah ama madaxa bannaan. Hase ahaatee dawladda Soomaaliya ma leh wax awood ah oo ay wax kaga qaban karto arrintan, sababta oo ah ma xukunto ama ma joogto meel aan ahayn qaybo ka tirsan magaalada Muqdishu oo qudha. Al Shabaab oo ka talisa inta badan gobollada koonfureed iyo gobollada dhexe ee Soomaaliya, waxay adeegsataa xoog iyo cabsi-gelin ay wax ku xukunto. Waxaana caado u ahayd inay luqunta ka jaraan ama qisaasaan dadka ka soo hor-jeesta ama ku caasi-garooba.
Waxa la rumaysan yahay oo kale inay jiraan dad taageera ama u jooga Al-Shabaab, Somaliland, sida ay qabaan Ururka Midowga Africa iyo mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland intuba. Somalilandna, waxay si weyn uga shaqaysay, xoogna saartay, la socodka iyo ka hortagga galaangalka xag-jirka, iyaga oo gacan weyn iyo wada shaqayn ka helaya dad-weynaha. Laakiin ururka Al-Shabaab iyo kuwa kale ee xag-jirka ahiba waxay mararka qaar helaan fursado ay wax ku yeelaan ama ku qasaan deganaanshaha gobolkaasi.
Abdirashid Duale, waxa waqtigiisa iyo hawshiisu u kala dhaxaysaa magaalooyinka London, Dubai, iyo Somaliland, iyo xafiiska shirkadda ee Hargeysa. Wax yar ka bacdi markii doorashadii madaxweyne ka qabsoontay Somaliland, madaxweynihii cusbaa waxa uu shir iskugu yeedhay ganacsatada waaweyn, oo uu ku jirey Abdirashid Duale. Sida uu sheegay mas’uul dawladdani ka tirsani, dawladdii hore waxay qaadatay oo ay ka tagtay deyn lacageed oo qaadhaysey malaayiin dollar, oo ay ka amaahatay ganacsatada gaarka ah. Haatan dawladdan cusubina waxay doonaysaa deyn kale.
Abdirashid Duale waxa uu sheegay in ganacsatadu ay ka ogolaadeen codsigaasi, illaa iyo inta dawladdu aanayna ka hor iman doonin koboca dhaqaalaha ganacsigaasi. Waxa kale oo Abdirashid uu sheegay in sannad kasta ay shirkaddu ugu deeqdo cusbitaallada, jaamacadaha, iyo mashaariicda horumarinta dadweynaha degaannada, lacag gaadhaysa ilaa $1 milyan oo dollar.
By SARAH CHILDRESS, Wargeyska Caallamiga ah WALL STREET JOURNAL

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>