Hargeysa(ANN) Koox Duuliyayaal Ruush ah oo shalay Maxkamadda Gobolka Hargeysi ku xukuntay xabsi iyo ganaax lacaad iyo in Diyaaraddii ay wateen lala wareego wixii ay siday ayaa maanta ka duulay garoonka Diyaaraddaha ee magaaladda Hargeysa. Kadib markii sida ay sheegayaan

warar hoose oo kasoo baxay dhinaca Xukuumadda Somaliland ay Lixdaa Nin  bixiyeen ganaaxii lacagta ahaa , isla markaana iibsadeen xadhigii lagu xukumay.
Sidaana waxa shebekadda wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay qaar ka mid ah shaqaalaha ka hawlgala madaarka, kuwaas oo xaqiijiyay inay kooxdaa oo wata Diyaaraddii lagu haystay Somaliland saaka ka duuleen Madaarka,  Balse ma jiraan warar xaqiijinaya in laga saamaxay ganaaxii iyo xabsigii ay shalay Maxkamadda Hargeysi ku xukuntay Lixdaa Nin ee u dhashay Ruushka.
Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Debedda Dalka Ruushka, ayaa maanta daboolka ka qaaday in la sii daayay lix nin oo watay diyaarad saannad Mileteri u siday Puntland oo 10-kii November lagu qabtay Madaarka Cigaal, kuwaasoo shalay maxkamadda Hargeysa ku riday xukun hal sanno ah iyo ganaax lagaceed oo malaayiin shilinka Somaliland ah.

wasaaradda Arrimaha Debeda ee Ruushku waxay sheegtay in lixda nin ee shaqaalaha ka ahaa diyaaradda saddex ka mid ahi yihiin muwaadiniin u dhashay Ruushka, halka saddexda kalena lagu sheegay inaan si cad loo ogayn dalka ay u dhasheen, balse waxa la rumaysan yahay inay dhasheen Armenia. Laakiin markii la baadhayay kooxda waxay dhamaantood siteen  baasaabooro Russian ah oo ay Xukuumadda Somaliland ugu aqoonsatay inay yihiin Ruush lixdaa Nin ee watay Diyaadda.
“Wasaaradda Arrimaha debedda ruushku waxay qaaday tallaabooyin lagama maarmaana oo ay ku caddaynayso dhacdadan si loo dejiyo xiisadda.  ‘Shaqaalalaha waa la sii daayay, waxaannan u mahadnaqayaa xidhiidhadii ay wada sammeeyeen diblomaasiyiin ruusha iyo dad kale oo ku sugan Moscow.” ayay tidhi Wasaaraddu.

Wasaaradda Arrimaha Debedu waxay uga digtay diyaaradaheedu inay go’aan dheelitiran ka qaataan duullimaadyada Somalia, gaar ahaan marka ay cago-dhiganayaan madaaradda dalka.

Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa shalay xukun mid hal sanno ah ku riday lixda nin ee markii sheegtay Ruushka, balse hadda saddex ka mid ahi noqdeen iyo ganaax lacageed oo midkiiba dhanyahay  $500 iyo in dawladu la wareegto agabtii milateri ee saarnaa diyaaraddaas.

Xukuumadda Somaliland ayaan war cad kasoo saarin qaabka loo sii daayay kooxdaa iyo xiliga la sii daayay midna.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *