Ceergaabo(ANN) Maayarka Ceergaabo ee xarunta Gobolka Sanaag Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa ku gacan saydhay wareegtooyin kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo

Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha oo dhamaantood sheegayay in Wakaaladdaha Biyaha ee magaalooyinka Berbera, Laascaanood, Burco  iyo Ceergaabo gebi ahaanba lagu wareejiyo Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland.
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo fulinta wareegtooyinkaa iyo sidii Wasaaraddiisa loogu  wareejin lahaa wakaaladdaha Biyaha ee xarumaha magaalooyinkaa ku marayay  socdaal ayaa ku guul daraystay in wakaaladda biyaha ee Ceergaabo oo ah xarunta Gobolka Sanaag lagu wareejiyo Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha. Kadib markii uu Maayarka Ceergaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ku gacan saydhay qorshaha Wasiirku u socday iyo wareegtooyinka kasoo baxay madaxtooyadda Somaliland iyo wasaaraddaha Arrimaha Guddaha iyo Macdanta Iyo Biyaha ee sheegayay in xarunta Wakaaladda Biyaha Ceergaabo lagu wareejiyo Wasaaradda Qaranka u qaabilsan Macdanta iyo Biyaha.
Wasiirka Wasaaradda Macdanta Iyo Biyaha  Xuseen Cabdi Ducaale ayaa xarunta gobolka Sanaag ee Ceergaabo gaadhay Arbacii todobaadkan, wuxuuna  qorsheeyay  khamiistii inuu bilaabo hawshiisa, isagoo ka dalbaday inuu xafiiska gobolka  Sanaag ugu yimaado Maayarka Ceergaabo si uu ugu gacan geliyo wareegtooyinka uu siday ee nuxurkoodu ahaa in wakaaladda Biyaha lagu wareejiyo Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, balse sida ay  masuuliyiinta gollaha deegaanka qaarkood u sheegeen shebekadda wararka ee Araweelonews, wuxuu Maayarku ku gacan saydhay dalka Wasiirka, isagoo ku war geliyay in aanay khusayn wareegtooyinka uu sheegayo Wasiirku.
Sidoo kale waxay shebekada Araweelonews  u xaqiijiyeen xubno ka mid ah gollaha deegaanka Ceergaabo in aanay WasiirkaMacdanta iyo Biyaha Somaliland iyo Maayarka Ceergaabo is arkin, balse markii masuuliyiinta Gobolku ku war geliyeen inuu wasiirku ku sugayo xafiiska gobolka Maayarka Ceergaabo halkiisa ugu diray jawaab diidmo ah Wasiirka. Sidaana wasiirku kusoo gebe-gebeeyay socdaalkiisii shaqo ee uu halkaa u tegey. Kadibna maalintii Khamiistii usoo baxay dhinaca Caasimadda Hargeysa.
Talaabada diidmada maayarka Ceergaabo ku diiday waregtooyinka kasoo baxay madaxtooyadda iyo Hay’addaha kale ee khuseeya wareejinta Wakaaladda Biyaha ayaa noqonaya ku si cad u iftiiminaya maamul xumada iyo kala danbayn la’aanta ka jirta Gobolka Sanaag, gaar ahaan xarunta gobolka ee Ceergaabo, isla markaana waxay diidmada noocan ahi horseedi kartaa debecsanaan iyo weji gabax soo waajaha nidaamka dawliga ah, iyadoo Xukuumadda cusub ee Axmed Siilaanyo tahay mid curdin ah.
Bulshada xarunta gobolka Sanaag ee Ceergaabo ayaa ka cadhooday talaabada maayarku ku hor istaagay wareegtooyinka Xukuumadda, taas oo ay ku tilmaameen inay tahay mid u muuqanay awood maroorsi si cad u muujinay. Sida uu Maayarka Ceerbaago Ismaaciil xaaji Nuur ugu tagri falayo masuuliyadda iyo xilka uu Bulshada u hayo oo ay ku sifeeyeen  inuu si khaldan u fasirtay, isla markaana siduu doono u maamusho hantida ummadda. Markii ay gabeen inay kala xisaabtamaan golihii deegaanka ee guddoomiyaha u doortay doorashooyinkii u horeeyay ee gollayaasha deegaanka Somaliland  2002, iyadoo Maayarku ilaa waqtigaa xilka Maayarnimo keligii ku fadhiyay, taas oo sababtay inuu hantida Ummadda ka dhigto wuxuu isagu leeyahay, isla markaana xubnaha gollaha deegaanka dhaqaalle  ku kala kexeeyo, si awoodu ugu koobnaato keligii.
Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in diidmada Maayarka ee  wareegtooyinku yihiin kuwo aan feker ahaan keligi ku dhalan, balse ay la xidhiidhaan  arrimo siyaasadeed iyo xadhko laga abaabulay dhinaca magaaladda Caasimadda ee Hargeysa oo ay ku lug leeyihiin kooxo xildhibaano ah, kuwaas oo ku booriyay Maayarka Ceergaabo inuu ku gacan saydho wareegtooyinkaa iyagoo ugu sheegaya kuwo aan sharci ahayn oo aan soo marin gollaha wakiiladda ee ay xubnaha ka yihiin. Sidaa awgeed uu diido aqbalaadooda, taas oo sababtay inuu aqbalo Maayarku kooxdaa.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *