Hargeysa(ANN)Sanadguuradii 32aad ee ka soo wareegtay markii  Urukii SNM  6 April 1981 lagaga dhawaaqay dalka Britain ayaa xalay laga lagu qabtay Hotelka  Maansoor ee magaalada Hargaysa, taas oo ay ka soo qayb galeen  qaar ka mid ah Asaasayaashii Urukii SNM .
Xubnaha Musaanida ka qaybgalay oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Xaashi Cilmi, Maxamed Kaahin Axmed,  Dr.dixood, C/salaam Yaasiin,  Sheekh Aadan X. Maxamuud (Aadan siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee Hargeysa,  shaqsiyaad kale iyo marti sharaf.

Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa asaasayaashii Ururkii SNM oo munaasibada xuska sanadguuradii 32aad hadalo kooban ka jeediyey ayaa yidhi, “Quudhsi fara badan baa maanta socda, hore waxaynu yeelnay inay caasimada ahaato Muqdisho madaxweynuhu ahaado somaliya iyo saraakiisha sare oo dhami ay ahaadaan Soomaliya, maantana waxaad arkaysaa madaxweynihii somaliya oo leh Cali samatar ayaan u waydiinayaa saamaxaad waa quudhsi sidiisa u yaalay mid na waa nasiib daro inay dawladeenu si dhibyar u socoto oo ay meesha la yidhaahdo shirbaa lagu qabayaaba ay tidhaa waanu tagaynaa madaxweynihii baaba sidaas lehe maxaa laga doonayaa, mana aha in dadka looga dhigo Xamar meel hore u socota,Xamarna hore uma socotee kismaayo ayaaba imika laysku haystaa”,

Mujaahid maxamed Xaashi Cilmi  isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu ka hadlay  masuuliyiin xukuumda  ee lagu eedeeyo xidhiidh la leeyihiin kuwa Somaliya iyo hubka loo fasaxay  “Mar hadii hubkii loo fasaxay inaguna waa inaynu hub iib sano oo ardayda jaamacadaha wayday  military la qoro oo hadii ay ta xunba noqoto aynu diyaar ahaano Waxaa edeb daro ah wasiirad xukuumad ee layidhi waxay lahad laan ku soomaalia markaa waa inay edeb sadaan” ayuu yidhi. Mujaahid maxamed Xaashi Cilmi

Mujaahid Maxamed Kaahin oo ka mid ahaa Afartii Sarkal ee ugu garabka Milateriga ee u talaaba dhinaca dalka Ethiopia  oo ka waramay doorkii aasaaska  Ururkii SNM ayaa ku dheeraaday marxaladihii uu soo maray iyo wixii Gacan qabashi heleen waqtigii ay SNM duurka k jirtay “Mucaawinooyikii aanu helay  waxay ahayd laba  mid waxay ahayd inyar oo carabaha ka yimid  midna waxay ahayd waxii uga yimid reer guuraaga hunkana waxay ka heli jireen oo ay ka qaadan jireen reer guuraaga Ethiopia waxay waxay nasiisay shan boqol oo ciidana raashiinkood iyo wax aad u yar oo tikniko ah” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Dr. Dixood  oo kamid ahaa Aasaasa yaashii Ururkii SNM ayaa ku dheeraaday marxaladihii ay u soo mareen asaaska Ururkan isagoo xusay inay mudaharaado balaadhan ka dhigeen magaalooyinka waaweyn ee Dalka Britain xiligaa.
Dr.   Cumar Dixiid waxa kale oo uu ka hadlay shirarka ay xukuumdu la yeelanayso Somaaliya oo uu sheegay inay tahay inaan loo dabcin oo aanay Somaliland marna meel la fadhiisan  Karin maamul Goboleedada Somaliya, waxa kale oo uu sheegay inay mudan tahay inay xukuumada markay shir ka qayb galayso ay shacbigeeda usoo bandhigto Qodobada ay shirka ka gaga qayb galayaan.

Sh. Aadan maxamuud (Aadan siiro) ayaa sheegay inayna Gooni isu taaga Somaliland cidna waxba ka badali Karin oo ay ku taagan tahay Go’aan shacbi, waxa kale oo xusay inay mudan tahay inaan Somaliland qadiyadeeda loo soo xidhan shaadh diimeed.
Sidoo kale  Cabdisalaan Yaasiin oo ka mida Aasaasayaashi SNM ayaa oo munaasibadan hadalo kooban ka soo jeediyey ayaa sheegay  inay qiimo wayn leedahay in wax la is xasuusiyo taariikha oo ah  lagama maarmaan,  isla markaana ay qiimo wayn u leedahay inay ku duugnaato Umada dhexdeeda, waxaanu u soo jeediyey dhalin yarada dambe in la garabtaagnaado oo la xasuusiyo sidii ay u qori lahaayeen taariikhaha ay ummadani leedahay.

Dhinaca kale Gudoomiyaha  Shabakada Halgannews Axmed Sharaf oo door ku lahaa qabanqaabada xuska  munaasibada ayaa ka war bixiyey ujeedada loo aasaasay shabakadan iyo marxaladihii ay soo martay, Waxaanu  sheegay in ay sharaf weyne u tahay in ay xusaan Aasaaskii SNM , waxaanu sheegay in  shabakadda Halgannews la sameeyey sanadkii 2002, taas oo sida uu sheegay  loo  Asaasay si loogu ururiyo taariikhda halgankii SNM, sidaa awgeed ay  u guntadeen inay ururiyaan halgalkii taariikheed oo ku kala firiqsan daafaha dunida, “mudada aanu ku qoraynay shabakadda waxay socotay mudo 10 sano ah, maantana waxaanu u badali doonaa qaab document ah oo aanu u bixinay Rugta xusuus qorka Halgan”.

Agaasimaha shabakada Halkan waxa kale uu ka hadlay buug uu qoray Cabdilaahi Yuusuf  waqtigii uu ahaa madaxweynaha somaliya “Su, aalihii ugu badnaa waxa lana weydiiyey maalintii uu soo baxay buugii uu qoray Cabdi laahi yuusuf ee ahaa Halgan iyo hagardaamo oo uu ku duntay taariikhdii SNM’’, Abwaan Axmed Aw-Geedi oo ka midam Mujaahidiintii SNM ayaa isaguma musaasibadaasi ka jeediyey Gabay oo tiriyey waqtii SNM jirtay oo kaga hadalayo soo yaalkii taariikheed ee Ururka SNM.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *