Hargeysa(ANN) Madaxtooyada Somaliland ayaa  qandaraas ku siisay Xildhibaano iyo shaqsiyaad  kale Mashruuca nabadgelyada shirkaddaha doonaya inay

 

Somaliland kasoo saaraan shidaalka.
Sida ay sheegayaan warar u dhuun daloola arrimaha mashaariicda hawlaha  shirkadaha shidaalka waxay Madaxtooyada Somaliland siisay sadex Xildhibaan oo  kala ah Cali Mareexaan, C/ Casiisa Ismaaciil Dhulcun, Xildhibaan Waabeeyo iyo Nin kale oo lagu magcaabo Maykal Boodh-isleged inay qaataan qandaraaska Amaanka iyo Nabadgelyada Shirkaddaha Shidaalka, kuwaas oo doonaya inay qortaan ciidan ilaaliya shirkadaha shidaalka doonaya inay kasoo saaraan Somaliland.

Qandaraaska Mashruucan oo sida ay xoggaha shebekadda wararka ee Araweelonews heshay sheegayaan dhawr milyan oo dolar, waxay kooxda la siiyay heshiis la gelayaan shirkad laga leeyahay dalka Koonfur Afrika oo tababaro siinaya  shaqaalaha ilaalinaya goobaha shirkadahu degaan ee ay ka shaqaynayaan.

Shirkadda laga leeyahay dalka Koonfur Afrika oo lagu magcaabo  Saracen, taas oo wadata  ciidamo Calooshood u shaqystayaal ah ayaa sanadii lasoo dhaafay ka shaqaynaysay dhinaca maamulka Puntland, halkaas oo laga waday qodista ceelal shidaal oo markii danbe lagu guuldaraystay.

Dhinaca kale qandaraaska la siisay xubnaha xildhibaanada ah iyo ashkhaasta kale ayaa tan iyo markii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la wareegtay hogaanka dalka 2010, waxay hormood u ahaayeen shaqsiyaad kooban oo la siiyo inta badan mashaariicda qasriga Madaxtooyada laga maamulo, kuwaas qaybo badan oo bulshada Somaliland ahi ku dhaliileen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay cadaaladdaro iyo eex salka ku haya qaraabakiil ku maamusho mashaariicda iyo qandaraasyada waaweyn ee dalka oo aanay muwaadiniintu u sinayn.

Wuxuuna Mashruuca qandaraaskani kusoo beegmay, iyadoo aan weli xal loo helin muran ka aloosan khilaaf ka dhashay qaabka loo maamulay bilawgii hawsha ay shirkadaha Shidaalku doonayaan inay bilaabaan, taas oo dadka deegaanku si weyn uga qayliyeen. Kadib markii ay saluug ka muujiyeen shaqaalaha iyo gaadiidka ka hawlgelaya goobahaa, kuwaas oo dadka deegaanka dusha lagaga keenay kadibna si weyn uga cadhaysiisay.

Si kastaba ha ahaatee dhacdooyinka musuq-maasuq iyo qaabka qasriga Madaxtooyada loogu maamulo mashaariicda la doonayo in dalka laga fuliyo waxay ku kooban yihiin oo keliya shaqsiyaad kooban iyo Caayilad isku xidhan, waxayna shebekada araweelonews dhowaan soo banddhigi doontaa warbixino iyo baadhitaan qota dheer oo ku salaysan xaqiiqda musuq-maasuqa mashaariicda dalka laga fuliyay mudadii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,  ashkhaasta la siiyay, qaabka loo maamulay , noocyada  iyo xadiga dhaqaale ee lagu bixiyay iyo sifooyinka loo maray.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *