London(ANN)Dawladda Britain ayaa digiin adag kasoo saartay xaalada dalka Somalia, iyadoo uga digtay muwaadiniinteeda inay u socdaalaan Somaliya

gaar ahaan magaalada Muqdisho, kuwa joogaana ay iskaga baxaan,  taas oo ay sheegeen inay jirto  cabsi weyn oo laga qabo suurtagalnimada weeraro argagaxiso iyo falal afduub oo ay muwaadiniinta u dhashay dalkeeda.

Sidaana waxa lagu sheegay fariin qoraal kooban ah oo kasoo baxday Xafiiska Arrimaha Debeda ee Britain oo lagu sheegay in ay jiraan cadaymo muujinaya in kooxaha aragagixisada ee k a dagalaama halkaa gaadheen qorshihii ugu danbeeyay oo la xidhiidha falal afduub iyo qaraxyo ku waajahan magaalada Muqdisho iyo  meelaha kale ee u dhow iyo sidoo kale weeraro ay sheegeen in ay suurta gal tahay in lagu bartilmaameedsado muwaadiniinta u dhashay Uk iyo wadamada reer galbeedka oo ka yimaada Al-shabaab iyo kooxo kale oo xagjir ah. Sida lagu sheegay qoraalkaa.

Afhayeenka soo saaray qoraalka ee xafiiska arrimaha debeda ee Britain , waxa uu xusay in wax laga bedelay digiin uu hore usoo saaray, taas oo ku waajahnayd muwaadiniinta u dhashay Britain eek u sugan Somaliland oo loogu baaqay inay ka baxaan, iyadoo digiinta xiliggaa lagu sheegay inay suurta gal tahay in weeraro afduub dhaqaale lagu raadinayo oo lagu dalbado madax furasho  iyo qaraxyo lala beegsado muwaadiniinta ku sugan, isla markaana ay heleen xoggo iyo macluumaad khatar ku ah dadka reer galbeedka, balse taas ayaa noqotay waxba kama jiraan, iyadoo markaa ka dib dawlada Britain wax ka bedeshay diniinta hore eek u waajahnayd Somaliland.

 

Dhinaca kale digiintan ayaa kusoo beegantay iyadoo kooxda Al-shabaab deegaano ay hore uga baxday iyo kuwo laga saaray dib u qabsatay. Sidoo kalena waxa lagu soo beegay xili ay dawlada Ethiopia ciidamadeeda kala baxday deegaano ay hore u joogeen oo Somalia ah.

Sidoo kale digniinta ayaa lagu beegay iyadoo uu jiro khilaaf weyn oo ka taagan magaalada Kismaanyo iyo maamul loo samaynayo Jubada Hoose kaas oo dawlada Federaalku sheegtay in aanay aqbalay wixii kasoo baxa maamul goboleedka lagaga dhawaaqo halkaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *