Hargeysa(ANN)Kornayl Ibraahim Cali Bare (Canjeex) oo ka mid ahaa saraakiisha dawladdii Siyaad Bare, isla markaana ku eedaysan dadkii reer Somaliland ee sannadkii 1989 lagu xasuuqay Xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay inuu hadda ku nool yahay dalalka Yurub, gaar ahaan

 

wadanka Holland, kadib markii uu ka baxsaday dalka Suuriya oo uu in badan ku noolaa, iyadoo muwaadiniin reer Somaliland ahi ku fureen dacwad la xidhiidha xasuuqii jasiira.
Mr. Jamaal Xuseen Muxumed Faarax oo aabihii iyo toddoba qof oo qoyskooda ahi ku jireen dadkii lagu xasuuqay xeebta jasiira oo tiradoodu ahayd 57 qof, ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey xalay in Kornayl Ibraahim Cali Bare (Canjeex) uu ka baxsaday dalka Suuriya oo uu muddo badan ku noolaa, isla markaana uu xilligan joogo dalka Holland ee qaarada Yurub, iyadoo muwaadiniin reer Somaliland ahi ku oogeen dacwad la xidhiidha xasuuqii xeebta jasiira oo sannad-guuradiisii 23aad ku beegnayd habeenkii xalay ee taariikhu ahayd 17 July 2012.
Waxa Jamaal Xuseen Muxumed Faarax sheegay in muwaadiniinta reer Somaliland ay dacwadda ku socota Ibraahim Cali Bare (Canjeex) ka furteen maxkamad ku taal dalka Holland, isagoo bulshadda iyo dawladda Somaliland ka codsaday in laga shaqeeyo sidii caddaaladda loo horgayn lahaa dadkii ka qaybqaatay xasuuqa xilligii dawladdii Siyaad Bare loo gaystay reer Somaliland, gaar ahaan saraakiishii ku lugta lahaa xasuuqii foosha xumaa ee 17 July 1989 ka dhacay xeebta jasiira ee magaalada Muqdisho.

Habeenkii xalay oo ay taariikhdu ahayd 17 July, 2012, waxay ku beegnayd sannad-guuradii 23aad ee ka soo wareegtay xasuuqii (Jazira Genocide) ka dhacay xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho sannadkii 1989.
Maalinimadii Jimce ee 15-ka July, 1989kii, waxay noqotay mid nolosha dadka reer Muqdisho wax weyn ka beddeshay, ka dib markii ay fooda isla galeen dad mudahraadayay oo ka soo baxay salaadii Jimcaha (masjidka Sheekh Cali Suufi) iyo ciidammadii koofiyad casta ahaa ee ka amar qaaday jiray talsikii Muqdisho. Halkaas oo askartii Siyaad Barre ay si arxan-darro ah rasaas ugu fureen, waxaana lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidammada boliska, taasi sababatay in bandoo lagu soo rogo magaalada Muqdisho.
Kacdoonka dadka reer Muqdisho oo ka dhacay xaafada Hodan oo degaan u ahayd dad badan oo asalkoodu ka soo jeeda Somaliland, ayaa waxay bar tilmaameed u noqotay ciidammadii Koofiyad casta ahaa ee hooos iman jiray wiilka uu Siyaad Barre dhalay ee Maslax Maxamed Siyaad Bare oo hadda u xusul-duuban inuu madax ka noqdo Soomaaliya, kuwaas oo saqdii dhexe habeenkii bishu ahayd 17 July1989kii oo ku beegnayd habeenkii xalay weeraro ku qaaday xaafado ka mid ah degaanka Medina iyo Hodan. Akartaasi waxa ay kala soo baxeen guryihii ay ku noolaayeen dad ilaa dhawr iyo konton ruux gaadhaya oo aan waxba galabsan oo isir ahaan ka soo jeeda beelaha Isaaqa iyo bulshadda ka soo jeeda Somaliland. Dadkaasi oo isugu jiray carruur dhigata dugsiga, dhakhaatiir, shaqaale, aqoonyahanno, ardayda Jaamacada, waxgarad, odayaal iyo ganacsato, ayaa ciidankaas oo uu watay Col. Canjeex soo qab qabteen. Waxaana loo qaaday dhanka Xeebta Jasiira, halkaas oo inta la isku xidhxidhay rasaasta qoriga Baroonka ka dhacda lagu furay.
Haddaba waxa mucjiso noqtotay ka dib markii uu xasuuqan daahfuray Cumar Muuse oo Illaahay ka badbaadiyay falkan arxandarada ahaa, taasi oo ka yaabisay taliskii Siyaad Barre waxaana ka dhashay khilaaf soo dhexgalay taliyihii ciidanka Booliska iyo xukuumadii Siyaad Barre. Waxa kale oo ay fajaciso ku noqotay diblamaasiyiintii shisheeyaha ahaa ku sugnaa magaalada Muqdisho oo dareen adag ka muujiyay dhacdadan aragagax leh.
Cumar Muuse oo ka hadlayay sidii waxa u dhaceen ayaa wuxuu yidhi “Waxa naloo qaaday meel aan ka fogeyn guriga oo ilaa 30 tallaabo u jirtay, halkaasi oo ay joogeen ciidamo kale oo koofiyad cas ah, kuwaas oo ku wareegsanaa dad kale oo meesha lagu soo ururiyey. Waxaan markaa arkayey 3 gaadhi oo meesha taagnaa, kuwaasi oo kala ahaa: 2 gawaadhida xamuulka ah ee Paggazi loo yaqaan, iyo mid kale oo Toyota ah, kaasoo uu saaran yahay qori Baroonka ah.” Cumar waxa uu intaas ku daray in loo qaaday dhanka badda oo ka dib markii la geeyay xeebta jasiira koox koox la isugu xidhay, ka dibna si arxan-darro ah rasaas loogu furay. Cumar oo dhaawac ka soo gaadhay garabka ayaa isaga Illaahay ka badbaadiyay inkastoo gabi ahaanba intiii kale xataa raqdooda aan cid la tusin.
Illaahay ha u naxariistee dadkaasi la gumaaday waxa kaliya ee loo aaneynayay waxay ahayd isirkooda uu Illaahay ka abuuray oo xukuumadii xilligaasi ugu tallo gashay in ay tirtirto, balse dhanka Illaahay aan laga aqblin oo ay ku guuldaraysatay, kuwii falkaa geystayna inta ka hadhay maanta ay ku nool yihiin werwer iyo walaac marka ay dib u eegeen dhiiggii iyo dhagartii ay galeen. Haddaba xasuuqani waxa uu qayb uu ka yahay fallalkii isir nacaybka iyo aargoosiga ahaa ee ay xukuumadii Muqdisho ka amar ku taaglayn jirtay sida joogtada ah ugula kici jirtay shacbiweynaha reer Somaliland marka ay ciidammadii naf la caaridka ahaa ee u adeegi jiray ay u babac dhigi waayaan xabada kulluleyd ee ciidankii xaqu dirirka ahaa ee SNM.
Haddaba, Maadaama ay ay tahay sannadguuradii ka 23-naad ee ka soo wareegtay habeenkaas madow ee (Jazira Genocide), waxa Jamhuuriya halkan idiin ku soo gudbinayaa, magacyada dadkii 27 July 1989 lagu xasuusqay Xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho, degaannada ay ka soo jeedeen iyo waxyaaabihii ay xilligaas qaban jireen.
1. Ibraahim Xasan Geelle (Galbeedka Burco), US-OMC-Somalia
2. Ibrahim Xaaji Cabdillaahi Diiriye (Galbeedka Burco), ganacsade
3. Maxamed Ismaaciil Axmed (Galbeedka Burco), ganacsade ayuu ahaa
4. Yuusuf Maxamed Xandulle (galbeedka Burco), USAID
5. Siciid Maxamed Muumin (degaanka Salaxlay) Ass.pro.Lafole S.N.U
6. Muusa Cabdi Gaas (degaanka Salaxlay), ganacsade ayuu ahaa
7. Xusseen Cali Aaden (bariga Burco), ganacsade ayuu ahaa
8. Siciid Nuur Muusa (bariga Burco), ganacsade ayuu ahaa
9. Cabdiraxmaan Maxamed Biixi (bariga Burco), ganacsade ayuu ahaa
10. Cabdiwahaab Faarax Axmed (Galbeedka Burco), arday ayuu ahaa
11. Cabdifataax Axmed Jiir (bariga Burco), arday ayuu ahaa
12. Mataan Cabdi Xabashi (degaanka Baligubadle), arday ayuu ahaa
13. Maxamed Maxamuud Cabdi (Galbeedka Burco), ganacsade ayuu ahaa
14. Cali Maxamed Cabdi (degaanka Saaxil ilaa Gabiley), arday ayuu ahaa
15. Xasan Aw Nuur Baaruud (Galbeedka Burco), Ganacsade
16. Cabdi Maxamed Cabdi (degaanka Saaxil ilaa Gabiley), farsamo-yaqaan
17. Axmed-yaassiin Cumar Jaamac (degaanka Saaxil ilaa Gabiley), ganacsade ayuu ahaa
18. Maxamed Cabdi Xasan (degaanka Saaxil ilaa Gabiley), ganacsade ayuu ahaa
19. Ibraahim Xassan Cige (degaanka Saaxil ilaa Gabiley), farsamo-yaqaan
20. Cabdi Muxumed Daa’uud (degaanka Saaxil ilaa Gabiley), Ganacsade
21. Xassan Cabbdi Muxumed (deaganka Baligubadle) Ganacsade
22. Cali Maxamed Diriye (bariga Burco)- shaqaale dawladeed
23. Jaamac Maxamed Cabdi (degaanka Saaxil ilaa Gabiley), ganacsade
24. Cabdi Cismaan Dubad (Galbeedka Burco), ganacsade
25. Xuseen Cumar Xuseen (degaanka Salaxlay), ganacsade
26. Maxamed Muusa Maxamed (Galbeedka Burco), ganacsade
27. Axmed Xassan Cilmi (Dheereeye) (degaanka Saaxil ilaa Gabiley), ciyaartoy
28. Muxumed Cabdillaahi Warsame (Madigan), ganacsade
29. Maxamed-bashe Cabdillaahi Hebaan (degaanka Saaxil ilaa Gabiley), ganacsade
30. Cabdiraxmaan Axmed Dhimbiil (degaanka Saaxil ilaa Gabiley), shaqaale dawladeed
31. Xuseen Muxumed Faarax (degaanka Saaxil ilaa Gabiley), shaqaale dawladeed
32. Maxamuud Bacadle (Galbeedka Burco), shaqaale dawladeed
33. Jaamac Aadan (Barosin) (bariga Burco), shaqaale dawladeed
34. Cadiraxmaan Maxamed Cismaan (Beledi) (Degaanka Saaxil ilaa Gabiley), ganacsade
35. Warsame Dugsiye Reydal (gobolka Awdal), ganacsade
36. Barre Cismaan Cabdi (degaanka Salaxlay), ganacsade
37. Cabdirisaaq Caydiid Maxamed (degaanka Saaxil ilaa Gabiley), arday
38. Xusseen Cismaan Jaamac (degaanka Saaxil ilaa Gabiley), arday ayuu ahaa
39. Khadar Maxamed Axmed (degaanka Saaxil ilaa Gabiley), arday ayuu ahaa
40. Biixi Ibraahim Axmed (Saaxil ilaa Gabiley), arday ayuu ahaa
41. Xassan Nuur Xersi (Degaanka Saaxil ilaa Gabiley), arday ayuu ahaaa
42. Abokor Maxamed Yousuf (degaanka Saaxil ilaa Gabiley), ganacsade
43. Xassan Guure Cabdi (degaanka Saaxil ilaa Gabiley), ganacsade ayuu ahaa
44. Khadar Nuur Jaamac (degaanka Saaxil ilaa Gabiley), ganacsade ayuu ahaa
45. Axmed Yuusuf Ibraahim (degaanka Saaxil ilaa Gabiley), ganacsade ayuu ahaa
46. Maxamed Cismaan Jaamac (degaanka Saaxil ilaa Gabiley), ganacsade ayuu ahaa
47. Faarax Ismaaciil Caawale (Galbeedka Burco), arday ayuu ahaa
48. Yuusuf Cabdillaahi Rooble (degaanka Salaxlay), dhakhtar markaa qallin-jabiyey
49. Dayib Cabdi Buraale (Galbeedka Burco), ganacsade ayuu ahaa
50. Daahir Maxamed Jaamac Warfaa (Galbeedka Burco), ganacsade ayuu ahaa
51. Cali Aw Muxumed Maxamed (Burale) (degaanka Salaxlay), ganacsade ayuu ahaa
52. Bahyaal Muhumud Jiri (Ogaaden)
53. Fu’aad Cabdillaahi Ibraahim (degaanka Baligubadle)
54. Daauud Sheekh Ibraahim (Galbeedka Burco).
55. Xusseen Kheyre Cabdi (bariga Burco)
56. Rashiid Maxamed Cismaan (degaanka Saaxil ilaa Gabiley)
57. Cabdi Bari Cismaan (degaanka Salaxlay), arday qallin-jabiyey
Xigasho jamhuuriya
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *