Hargeysa(ANN)Abaanduulihii Ciidamadda Qaranka Somaliland Col, C/laahi X Jaamac (Calas), ayaa iska casilay xilkii uu hayay. Kadib markii uu saaka barqadii is casilaadiisa u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland. Col. Cabdullaahi Calas, ayaa

shebekadada wararka ee Araweelonews.com  u xaqiijiyay inuu maanta qoraal ku  taariikhaysan 19 July 2012, oo ku  saabsan is casilaadiisa u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland, balse aan weli looga jawaabin, “Qoraalka waan gudbiyay, waana mid aan anigu gartay, laakiin weli laygama jawaabin oo waxaan sugayaa jawaabta Madaxweynaha, mana ka hadlayo wax intaa ku saabsan” ayuu yidhi.

Col. Calas, waxa uu tibaaxay inay jiraan asbaabo  ku kalifay inuu sidaa yeelo, isagoo yidhi, “kolay way jiraan tabashooyin oo dabcan waa waxyaabaha igu dhaliyay. Laakiin hada diyaar umma ihi inaan arrimahaa ka hadlo.” Ayuu yidhi isagoo ka jawaabayay  sababta dhabta ah ee ku kaliftay xillgan is casilaadiisa iyo waxay salka ku hayso, ama haddii ay jiraan tabashooyin ku khasbay inuu qaato go’aankaa.

Dhinaca kale tibaaxo shebekadda Araweelonews ka heshay meelo kala duwan, ayaa ku macneeyay is casilaada Abaanduulihii Ciidanka Qaranka Somaliland Col, Cabdullaahi X. Jaamac inay la xidhiidho saluug siyaasadeed iyo tabshooyin is biirsaday oo aanay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo kuwii ka horeeyayba waxba ka qaban.

Taliyaha iska casilay xilka Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Col, C/llaahi Xaaji Jaamac (Calas), oo ah khabiir dhinaca arrimaha Milateriga ah, isla markaana saraakiishii dawladii hore ee Milateriga Somalia ka gaadhay meel sare, wuxuu ka mid ah shaqsiyaad tirayo yar oo kasoo jeeda Deegaanka Sool oo inta baddan tilmaami jiray sidii wax looga qaban lahaa arrimaha gobolka Sool ee dib u dhacu ku yimi intii ay Somaliland jirtay, waxaana  xilka Abaanduulaha Ciidanka Qaranka  loo magcaabay 9 February 2012.

Col, Calas, waxay is casilaadiisu kusoo beegantay xili uu debeda usoo baxay  khilaaf Maamul oo ka aloosan Gobolka Sool ee uu ka soo jeedo oo ay xukuumaddu cabashooyin la xidhiidha shirqoolo dilal qorshaysan oo lagu fuliyo madaxda hay’addaha dawladda ee gobolka iyo tabashooyinka kale ee bulshada ee laga soo jeedinayo waxba ka qaban weyday, isla markaana dhacdada ugu danbaysay ee ka taagan gobolka Sool, ayaa  la xidhiidha khilaaf hadheeyay masuuliyiinta ugu sareeya gobolka oo maalmihii u danbeeyay ka taagnaa halkaa, taas oo sababtay inay isugu awood sheegtaan labada masuul xilalka ay qaranka u hayaan, isla markaana Badhasaabka Sool, ayaa u awood sheegtay Maayarkii Laascaanood, isagoo xabsiga u taxaabay doraad, kaas oo shalay ku dhawaaqay inuu iska casilay gebi ahaanba xilkii uu hayay ee Maayarnimo. Kadib markii xukuumadda dhexe waxba ka qabanweyday murankooda iyo khilaafka dhinaca maamulka, waxaana la rumaysanyahay inaanay ka madhanayn is casilaadiisu arrimahaa iyo kuwo kale oo baddan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *