Hargeysa(ANN)Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-Madaw) oo mudo ka baddan afar bilood u xidhnaa rayigiisa iyo fakerkiisa siyaasadeed, ayaa xoriyadiisa  loo soo celiyay xalay saacadihii danbe. Kadib markii markii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo lagu saaray cadaadis

 

sii deynta Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo ka mid ah Hogaamiye dhaqameedka ugu caansan Bulshada Soomaalida.
Boqor Cismaan oo koox suxufiyiin ahi kula kulmeen maanta gurigiisa Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in xoriyadiisa loo soo celiyo, isagoo xusay in  xaaladiisa caafimaad aad u fiicantahay, isla markaana aanu wax dhibaato ah la kulmin mudadii uu xidhaan, isagoo yidhi, “waxan ahaa Nin Boqor ah oo dadkii  uu Boqorka u ahaa hayaan, dadka I hayayna waxay ahaayeen dadkaygii, caafimaadkaygana waad aragtaan illaahay mahadii oo wuu ku sii siyaaday mudadii aan xidhnaa”
Boqor Cismaan, wuxuu ka gaabsaday inuu fahfaahin ka bixiyo xadhigiisa,  wuxuuna sheegay inuu dib u dhiganayo hadalkiisa marka uu la tashado dadkiisa, balse wax uu sheegay inuu u mahadcelinayo cidkasta oo ka qaybqaadatay sii deyntiisa iyo cidkasta oo ka xumaatay, isagoo yidhi, “ hada diyaar uma ihi inaan wax baddan ka hadlo oo dib ayaan u dhiganayaa, balse waxaan u mahadnaqayaa Hay’addaha Caalamiga ee doorka weyn ka qaatay sii deyntayda, sida Amnesty International, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa dawladaha iyo dublamaasiyiinta ka qaybqaatay inaan xoriyadaydii helo. Sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa Madaxdhaqameedka Somaliland, siyaasiyiin,  ganacsatada,   bahda saxaafada  oo door weyn ka qaatay sii deyntayda iyo  qaybaha kale ee bulshada kale ee ka qaybqaatay hawshayda, qurbajooga Somaliland iyo cid kasta oo hawshayda ka qaybqaadatay, ama ka xumaatay xadhigayga.”   Ayuu yidhi Boqor Cismaan.
Boqor Cismaan Buur-madaw oo mudo afar bilood ka baddan ku xidhaanaa Xabsiga Hargeysa, ka dib markii ciidamada boolisku ka qabteen Madaarka Hargeysa 15 March 2012, waxaana  lagu eedeeyey qodobada 215 iyo 212 ee xeerka Ciqaabta, balse todobaadkii hore, ayaa lasoo geba-gebeeyay dhegeysiga dacwadiisa oo mudo ka socotay maxkamadda Gobolka Hargeysa, balse 8 July 2012, ayaa  lagu xukumay hal sano oo xadhig ah, iyadoo loo cuskaday qodobka 268, kaas oo aan wax xidhiidh ah la lahayn eedaha xeer Ilaalintu hor keentay Maxkamadda, isla markaana  aan ka mid ahayn qodobada lagu eedeeyay, balse garsooraha maxkamadda ayaa laalay labada qodob ee hore loogu eedeeyay Boqor Csimaan, wuxuuna ku riday xukun hal sano ah oo aanu sharaxaad ka bxiin, sababta uu ugu cuskaday, waxaana maalin ka dib loo wareejiyay xabsiga Mandheera.
Talaabada ay qaaday xukuumadda Madaxweyne  Siilaanyo, ayaa keentay inay  Baaqyo Caalami ah ay ka soo saaraan Hay’adaha Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanku, gaar ahaana Amnesty International oo daabacday Warbixin dheer oo xukuumadda ku Eedaysay inay boqorka iyo Xorriyatal qawlkaba ku gaftay kasoo saartay 12 July 2012, iyadoo kaga dalbatay xukuumadda in shuruud la’aan loogu siidaayo Boqor Cismaan sida ugu dhaqsaha baddan, taas oo sababtay in xalay saacadihii danbe lagu sii daayo cafis Madaxweyne.
Sidoo kale Culaysyo Dublamaasiyadeed ayaa meelo kala duwan oo Dawladdaha Caalamka ah ka soo food saaray xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo la rumaysanyahay inay  sii deynta Boqor Cismaan oo ay beesha caalamku u aqoonsantahay hogaamiye nabadeed oo loo xidhay fekerkiisa siyaasadeed iyo aragtidiisa uu siiyay dastuurka Somaliland. sida ay ku xustay baaqeeda Amnesty.  
Si kasta ha ahaatee Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo  iyo Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo wakhtigii ay mucaaradka ahaayeen ku dhaliili jiray Xukuumadihii ka horaysay ee Daahir Rayaale ayaa u xuub-siibtay cabudhinta xorriyatul qawlka, waxaanay si isdaba joog ah xabsiyada u dhigaan cid kasta oo dhaliisha maamulkooda, isla markaana waxay talaabooyinkaasi iftiimiyeen inuu dhicisoobay balanqaadkii ahaa inay garsoorka iyo cadaaladda wax ka qabayaan oo ka dhigayaan mid ka madaxbanaan, balse talaabooyinka ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo qaaday ee la xidhiidha cabudhinta xoriyatul qawlka iyo madaxbanaanida garsoorka ee beenoobay, ayaa hada noqday kuwo ay hoosta ka xariiqeen haya’addaha caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha iyo qaar ka mid ah wadamada beesha caalamka ee daneeya geedi-socodka  dumuqraadiyada Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *