Hargeysa (ANN) Gudiyada golaha wakiilada ayaa maanta la kulmay Koox ka mid ah xubnaha golaha wasiirada, kulanka  gudi hoosaadyada Golaha Wakiilada Somaliland wuxuu ka danbeeyay. Kadib markii  shirgudoonka golaha wakiiladu maalintii shalay ku wargeliyay golaha inuu Madaxwaynaha Somalilad Axmed Siilaanyo usoo gudbiyay golaha qoraal uu kaga dalbanayo in goluhu ansixiyo xubnaha golaha

 

 wasiirada ee uu dhowaan magcaabay, iyadoo shirgudoonku wasiirada loo magcaabay wasaaradaha ka hor inta aan la horkeenin golaha u gudbiyeen gudihoosaadyada golaha oo gudi kasta lagu qaybiyay wasaaradaha khuseeya si ay kulamo ula yeeshaan.
Waxaana saaka kulamdii u horeeyay la yeeshay xubno wasiiro ah Gudida Arimaha Gudaha ee golaha wakiilada, kuwaas la kulmay  Wasiirada Wasaaradaha arrimaha gudaha Dr. Maxamed Gaboose, Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiirka Wasaarada gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami. Kulankaa oo ahaa mid gaara oo aan saxaafada loo ogolayn, waxay xogo kasoo baxay kulnkaa ka dib sheegayaan inay gudida iyo xubnaha wasiirada ay la kulmeen ka wada hadleen arimo la xidhiidha aqoonta ay u leeyihiin shaqooyinka iyo xilalka qaranka loogu dhiibay.

Sidoo kale gudida ilaalinta khayraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa iyaguna saaka la kulmay wasiirka wasaarada Kaluumaysiga,Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekedaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, kaas sida ay tibaaxayaan xogo kulankaa ka dib kasoo baxay ay gudidu la yeesheen xogwaraysi ku saabsan masuuliyada xilka loo magcaabay iyo khibradiisa shaqo.
Kulanka gudiyada iyo qayb ka mid golaha wasiirada ee saaka ayaa ka ddanbeeyay kadib markii Madaxwayne Axmed Siilaanyo golaha wakiilada laga akhriyay  shalay qoraal codsi ah oo madaxweynuhu usoo  diray golaha Wakiilada, kaas oo uu kaga dalbanayo inay si dhakhso uga hawlgalaan ansixinta xubnaha gola cusub ee Wasiirada, wuxuuna madaxweynuhu tilmaamay inay lagama maarmaan tahay inuu goluhu waajibkiisa ka qaato si ay uga gutaan hawlaha qaranka ee horyaala xukuumada cusub, iyaga oo haysta kalsoonida golaha wakiilada. Xubnaha golaha wasiirada ayaa la filayaa in maalmaha soo socda la keeno golaha, kuwaas oo la filayo inay si deg deg ah u ansixiyaan, iyadoo la rajaynayo inay gudiyada golaha ee aan weli la kulmin xubnaha wasiirada ee wasaaradaha khuseeyaa ilaa beri la kulmaan.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *