Burco(ANN)Laba Suldaan oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Somaliland, ayaa si tahriib ah ugu baxay gobolka Togdheer, ayaa u boqoolay dhinaca Magaalada Muqdisho si ay uga qayb galaan shirka la doonayo in dastuurka Somalia lagu ansixiyo ee

dhowaan ka furmay Muqdisho.
Sida ay sheegayaan wararka la xidhiidhja labadaa Suldaan oo kala Suldaan Maxamed Xasan Bulbul oo kasoo jeeda deegaanka Togdheer, balse inta baddan ka hawlgala deegaanka Kililka shanaad ee Ethiopia  iyo Suldaan Axmed Cumar X C/llaahi oo isaguna kasoo jeeda gobolka Togdheer, balse ka mid ah salaadiinta mudooyinkii danbe la caleemasaaray, waxay socdaal dhinaca hawdka ku qaradajeexeen deegaanka Buuhoodle, waxa lagu arkay deegaankaa xalay, iyagoo ku jira safarkaa dhuumaalaysiga ah, isla markaana usii jeeda dhinaca Muqdisho.
Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan kulan ay  soo qaban qaabisay oo ay kasoo xaadireen  Madax dhaqameed gaadhaya ilaa 84 Suldaan, waxay salaadiinta iyo Madaxdhaqameedka kasoo xaadiray kasoo saareen qodobo  ay ku  sheegeen inay Danbiilayaal Qaran noqon doonaan Madax dhaqameedka shirkaa  ka qayb galaa, isla markaana aanu ahayn mid Somaliland khuseeya.
Hase yeeshee waxa maalmahaa soo baxay inay jiraan tiro kooban oo ilaa sadex madaxdhaqameed oo aan kuwa caanka ahayn oo kasoo jeeda inay tageen shirkaa, balse xukuumadda Somaliland ayaa mar kale ku celisay inaan waxba ka khusayn shirkaa.
Dhinaca kale Labada madaxdhaqameed oo hada la sheegay inay tageen shirkaa, ayaan ka mid ahayn Liiska magacyada dhinaca Somaliland loo qorsheeyay inay ka yimaadaan, sidoo kale labadan Suldaan oo aan bulshada intooda badani  aqoon u lahayn, ayaan ka mid ahayn 81 Salaadiin iyo Madaxdhaqameedka Somaliland ee xukuumaddi dhowaan qaban qaabisay kulankii ay kasoo saareen go’aamada lagu xaaraantimaynayo ka qaybgalka , waxayna labadan madaxdhaqameed ku beegmeen magaalada Muqdisho, iyadoo shirkaasi ay ka horyimaadeen dhaleecayn iyo canbaarayn si weyn loogu diiday dastuurka la doonayo in lagu ansixiyo, isla markaana uu hada ku dhowyahay burbur.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *