Hargeysa(ANN)Safar Madaxweyne Xigeenka Somaliland C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici), ku tegi  lahaa dalka Swedan, ayaa baaqday, iyadoo qorshuhu ahaa  inuu  dalka ka dhoofo 14 May si uu uga qaybgalo xuska  18 May ee lagu qabanayo Swedan,  kaas oo  muwaadiniinta Somaliland uu kala

 

qaybgeli lahaa  dabaal-dega  munaasibada sanad guurada 21aad ee kasoo wareegtay lasoo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland ee 18 May 1991.
Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada oo lagu sheegay inuu baaqday safarka Madaxweyne xigeenka Somaliland, balse warar laga soo xigtay dhinaca xukuumadda ayaa u sheegay Araweelonews inay socdaalkaa Madaxweyne xigeenka oo diyaar ahaa, isla markaana haystay casuumadaa la baajiyay  oo ay wax iska bedeleen markii lasoo dhameeyay shalay fiisayaashii uu ku bixi lahaa isaga iyo wefdigii raaci lahaa. Laakiin may sheegin tibaaxahaasi laga soo xigtay saraakiisha xukuumaddu sababaha wax isaga bedeleen safarkaa, iyadoo afar maalmood keliya inaga xigaan xuska munaasibada 18 May.
Dhimnaca kale safarka Madaxweyne xigeenka Somaliland ee baaqday, ayaa kusoo beegmay. Kadib markii Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Maxamed C/llaahi Cumar socdaal kedis ah ugu baxay dalka Maraykanka, halkaas oo uu Madaxweynaha Dawlada ku meelgaadhka Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed shalay u boqoolay, waxaana jira warar sheegaya in socdaalka Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland uu gogol xaadh u yahay safar Madaxweyne Siilaanyo ku tegayo dalka Maraykanka maalmaha  fooda inagu soo haya, kaas oo qayb ka ah wadahadaladii Somaliland iyo Somalia oo Dawlada Maraykanku ugu yeedhay labada dhinac dalkeeda si ay isugu soo dhawayso, isla markaana socdaalka la filayo inuu Madaxweynaha Somaliland ku tago halkaa ujeedadiisu tahay in la furo wadahadaladii Somaliland iyo Somalia oo wax iska bedeleen qodobadii hakadka geliyay ee gudidii dhinaca TFG ee Shariif magcaabay, iyadoo xoggo dublamaasiyadeed oo la xidhiidha arrimahaa sheegayaan in kulankaa laga dhigay laba wasiir oo dhinaca Somalia ah iyo laba dhinaca Somaliland ah oo ay ka mid yihiin labada wasiiral Khaaraji iyo labada Madaxweyne, kuwaas oo la rabo inay wax isla meel dhigaan ka hor inta aan la gaadhin S hirka dalka Turkiga ee Istanbul ka dhacaya.
Sidoo kale omaliland la xidhiidhi warar kale ayaa sheegaya in wadahadalada labada dhinac lagu qabanayo London oo Madaxweyne Siilaanyo safarkiisu yahay London, wasiirkuna dalka Maraykanka kaga qaybgelayo kulan taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed  loogu raadinayo Somaliland oo ay ka qayb  gelayaan masuuliyiin Maraykan Hay’addo caalami ah iyo Dublamaasiyiin, isagoo markaa ka dib wasiirka arrimaha Debeda Somaliland kusoo laabanaya London.

Dhinaca kale waxa jira tibaaxo hordhac u ah safarka  ayaa sheegaya in  Socdaalka Wasiirka arrimaha debeda socdaalka iyo Madaxweynaha Somaliland, uu qayb ka yahay ka qaybgalka  xuska munaasibada 18 May dalka Maraykanka oo sanadkan loo qorsheeyay in si balaadhan looga xuso, isla markaana la doonayo in banaanbax weyn laga sameeyo halkaa, laakiin qaabka loo maamulayo xuska munaasibada 18 May ee dalka Maraykanka iyo banaanbaxa ayaa ah mid aanay isku waafaqsanayn jahliyadaha Somaliland ee degan Maraykan iyo wakiilka Somaliland u jooga halkaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *