Hargeysa(ANN)Xaalada Caafimaad ee Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, ayaa laga dayriyay. Kadib markii ay dhamaadeen laba maalmood ka hor dawooyin uu isticmaali jiray, isla markaana waxa la saaray culays iyo cadaadis dheeraad ah oo kaga yimi dhinaca madaxtooyada, isagoo

 

ku jira xabsiga dhexe ee Hargeysa. Waxaana loo diiday gebi ahaanba in la tuso cadceeda iyo inay booqdaan qoyskiisa, eheladiisa iyo dadka kale ee ku booqan jiray xabsiga.
Talaabada culayska dheeraadka ah  lagu saaray Boqor Buur-madaw, ayaa sababtay inay Qoyskiisa, eheladiisa iyo asxaabtiisu ka wer weraan xaalada uu ku suagan yahay.  Khadiija Aw Aadan Jaamac oo ka mid ah Qoysaska Boqor Cismaan ayaa u sheegtay Araweelonews in loo diiday inay cunto u geeyaan iyo inay arkaan tan iyo Arbacadii oo aanay ka war hayn xaaladiisa caafimaad iyo wuxuu ku suganyahay, waxayna iyadoo arrintaa ka hadlaysa tidhi, “Markii noogu danbaysay Boqor Cismaan waxay ahayd Khamiistii, waxa jirtay xaalad aan wanaagsanayn markaa oo waxa ka dhamaaday dawooyinkii, wuxuuna leeyahay Afar xanuun oo kala ah Macaan, Subag, Dhiig-kar iyo wadna xanuun. Waxa nalagu war geliyay inaan cuntada loo geyn karin oo aan la arki karin, mana garanayo sababta xaalada wax isaga bedeleen ee tacadiga intaa leeg loogu geysanayo Nin Madax dhaqameed ah oo muwaadin ah oo xanuunsanaya oo xabsiga ugu jira xukuumadda.” Ayay tidhi Marwo Khadiija oo ah mid ka mid ah xaasaska Boqor Cismaan.
Dhinaca kale qaar ka mid ah Ehelada iyo asxaabta Boqor Cismaan ayaa sheegay inay la kulmeen culayska dheeraad ah ee la saaray oo gebi ahaanba lagaga joojiyay booqashada, isla markaana loo diiday inuu arko cadceeda, taas oo ay ku tilmaameen mid aan waafaqsanyn qawaaniinta dalka iyo kuwa caalamiga ah, isla markaana baal marsan dhaqanka Islaamka oo keeni karta foolxumo weyn.
Arrintan ayaa kusoo beegantay kadib markii uu Boqor Cismaan Buur-madaw oo qareenada u doodayay ka baxeen  inay difaacaan  kiiskiisa laba todobaad ka hor uu dhiniciisa sheegay Boqor Buur-madaw inaanu kusoo laabanayn Maxkamadda ilaa inta uu arkayo garsoor Cadaaladda oo ka madax-banaan siyaasada,  balse garsooraha kiiskaa hayay  ayaa  fadhigii sadexaad ee dacwada mudeeyay  Arbacadii  lasoo dhaafay. Laakiin Boqor Buur-madaw wuxuu ku adkaystay inaanu hor imanay maxkamadda ee ay xukunkeeda soo saarto oo uu xabsiga ku jirayo.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo mudo ku dhow sadex bilood hada ku jira xabsiga,  ayaa  ciidamo Boolis ahi ka qabteen  Badhtamihii March xili uu dalka kusoo laabanayay madaarka Hargeysa, waxaana tan iyo waqtigaa  soo baxayay baaqyo gudaha iyo debedaba kaga imanayay xukuumadda oo lagu canbaaraynayo xadhigiisa, iyadoo baaqyadaasi ka imanayeen Haya’addaha  caalami ah ee xuuquqda Aadamada ,  waxaana ugu danbeeyay baaqyada xukuumadda lagaga dalbanayo in xoriyadiisa loo soo celiyo Boqor Cismaan 81 Madax-dhaqameedka Salaadiinta Somaliland  oo horaantii May  kulan ay xukuumadda la yeesheen kaga dalbaday in xoriyadiisa loo celiyo Boqor Buur-madaw.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *