Hargeysa(ANN)Suldaan Daakir Xasan Khaliif iyo madaxdhaqameed kale oo ka mid ah sallaadiinta Somalialnd, ayaa ka digay iska hor imaad iyo mudaharaad ka iman kara xadhiga Boqor Cismaan Buurmadow oo ay shacabku sammeeyaan.

Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo maanta shir jaraa’id oo ay  ku weheliyeen Boqor Axmed Iimaan Warsamme iyo Suldaan Iid Cabdillaahi Xirisi, waxay  ku qabteen magaalada Hargeysa, kaas oo  kaga dalbadeen  Madaxweynaha Somaliland inuu xoriyaddiisa u soo celiyo Boqor Cismaan Buur-madow oo muddo todobaad ah ku xidhan Xarunta CID-da magaalada Hargeysa. Iyadoo aanu jirin sharci xalaaleeyay xadhigiisa. Balse ay Ciidamo Boolis ahi ka qabteen Khamiistii hore Madaarka hargeysa, isagoo waqtigaa kasoo laabtay dalka Imaraadka oo uu mudooyinkii u danbeeyay ku noollaa

Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo ugu horayn shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay inuu sifo sharci darro ah ku xidhanyahay Boqorku, baaqna u diray Madaxweynaha, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Silaanyo waxannu ka codsanaynayaa, maadaama aanu nahay madaxdhaqammeedkii ku hawlanaa ee ay u suurtagel weyday inay kula kulmaan inaad xoriyaddiisa bilaa shuruud ugu soo celiso Boqo Cismaan Buurmadow.”ayuu yidhi Suldaan Daahir waxaannu intaa raaciyay oo yidhi, “Boqorku wuxuu ka mid yahay boqorada reer Somaliland, wuxuu kamid yahay boqorada Africa, Boqorada Soomaaliyeed, bini-aadankuma hadduu hadlayo oo wax dhalliilo khalad wuu ka dhici karaa oo lama odhan karo muxuu u qaldamay.

Sifada loo xidhay waanu cambaaraynaynaa, sababtoo ah waxaannu maqalnay inuu Boqorku ku yimi dalka xubno xukuumadda ka mid ah oo la hadlay, taasna aanu u aragno arrin aan wacnayn ka madaxdhaqammeed ahaan waxaannu leenahay xoriyaddiisa ha loo soo celiyo.” Ayuu yidhi.

Suldaan Daakir waxa uu ka digay cawaaqib xummo ka dhalan karta xadhiga muddo shaafay ee Boqor Cismaan, “Hadduu sidaa ku sii socdo xadhigiisu oo uu xasbiga sidaa ugu sii jiro waxa dhici kara inuu iska hor imaad yimaado, oo shacab gaddoodsani mudaharaad sammeeyo, waayo ummad buu boqor u ahaa, ummadiina ma ogola inuu iska xidhnaado.”ayuu yidhi Suldaanku.

Boqor Axmed Iimaan Warsamme, ayaa  xadhiga Boqor Buurmadow ku tilmaamay mdi ka hor imanaya xoriyatal-qawlka iyo xaqqa uu muwaadinku u leeyahay inuu dhalliilo maamulka jira, isagoo tusaale u soo qaatay sidii Madaxweynuhu ugu dagaallami jiray xoriyadda wakhtiyadii uu mucaaridka ahaa, waxaanna hadalladiisa ka mid ahaa, “Madaxweyne dawladdii kaa horraysay intii ay kurisga ku fadhiday waxaad in badan ku doodi jirtay oo aad u halgamaysay xoriyatal-qawlka iyo dimuqraadiyadda inaan la taaban oo sidooda loo daayo, tii baad moodaa maanta dawladaadu inaanay wax kale ka shaqaynayn ee ay xoriyadda cabudhinayso oo boqor ka mid ah boqorada Somaliland oo wax uu sammeeyay oo aan ahayn dhalliil iyo toosin uu saxaafadda ku qoray mooyee aanu wax kale jirin, haddii laysku afduubayo hebel baa hadlay, maalin dhawna waxa dhici doonta in aragtida laysku xidho.

Markaa mudane waxaad tahay Madaxweynihii Somaliland, madaxweynahana waxa looga baahanyahay dulqaad inuu yeesho, adigoo og dawladdii kaa horraysay inay u dhabar adaygaysay iyadoon cidna cabudhin oo sida qolofta diinka oo kale aanay u dareemayn waxkasta oo lagu odhanayay. Markaa dulqaad muuji, oo cid walba madaxweynaad u tahay ee Boqorka xoriyaddiisa u soo celi, oo cidkasta oo xoriyatal qawl u xidhan amma saxaafad aan la taaban.”

Boqor Axmed Iimaan Warsamme waxa uu intaa ku daray, “Cid baa ku amaani doonta, cid baa ku dhalliili doonta, markaa cidkasta yaan ciidan koofiyad-casa loo dirin ee Madaxweyne Boqorka xoriyaddiisa u soo celii oo xoriyatal-qawlka ilaali, oo dimuqraadiyadda ilaali.”

Suldaan Iid Cabdillaahi Xirsi, oo isna shirka jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay inuu Madaxweynuhu saaxiib dhaw ka dhigan jiray sallaadiinta, xoriyadda qawlka iy saxaafadda xilligii uu mucaaridka ahaa, “Madaxweynuhu markuu mucaaridka ahaa wuxuu aad ula saaxiib ahaa xoriyatal-qawlka saxaafadda, sallaadiinta, maanta waxaad moodaa Xoriyatal-qawlkii unuu dhakada kaga taaganyahay oo uu leeyahay ma arki karo qof xoriyatal-qawl ku hadli kara, mana maqli karo, madaxweyne taasi maaha tii laguu doortay tii aad saxaafadda, sallaadiinta iyo boqoradda kula saaxiibka ahayd maaha ee wax ka bedel oo xoriyadooda u daa, boqorkana waa in xoriyaddiisa loo soo celiyaa, waana inaad xurmaysaa.”ayuu yidhi Suldaan Iid.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *