Somalia; Mraka(ANN)Dagaalyahanka koonfurta Somalia ee xarakadda  Al-shabaab ayaa  xabsiga u taxaabay  Nin Maraykan ah oo ka tirsnaa xubnaha Al-Qaida ee muhaajiriinta ka dhinac dagaalama kooxdaa, kaas  lagu magcaabo  Abuu Masuur Al-amriiki, mararka qaarna loo yaqaan Omar

Shafik Hammami .
Ma jiro war cad oo ay Al-shabaab kasoo saartay xadhiga Omar Shafik oo caan ku ahaa Abu Manuur Al-ameeriki . Laakiin sida ay sheegayaan warar iftiiminaya xadhiga Abu mansuur , oo laga helay dad deegaanka ku sugan ayaa  sheegay in Abu-Mansuur xabsiga loo taxaabay shalay. Kadib markii ciidamo si weyn u hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ugu tageen gurigiisa oo waqtigaa uu ku sugnaa  deegaanka Marka ee shabeelle, iyadoo ay xaaskiisa oo ah gabadh Soomaaliyeed oo haysata dhalasho Canadin ahi la joogtay xiligaa.
Xadhiga Abuu Mansuur Al-amriiki oo loo yaqaano Omar  Shafik Hammami, ayaa la rumaysan yahay inuu ka dabeeyay. Kadib markii  uu bogga Twitter-ka ee   Internet-ka  kusoo dhigay todobaadkii hore Cajalad maqal iyo muqaal ah, taas oo ahayd fariin hal daqiiqo ah oo  uu ku sheegay inuu ka baqanayo inay saaxiibadiisa Al-shabaab ay dilaan.  Xarakada Al Shabaab ayaa jawaab ka bixisay fariintaa oo sheegtay inaan wax cabsi iyo wer weri hayn Abu Mansuur Al-Ameriki oo uu ku jiro gacan amaan ah, isla markaana ku raaxaysanayo sharafta walaalaha islaamka.  Iyadoo fariinta Al-ameeriki muujisay inuu jiro shaki iyo khilaaf ka jira hogaamiyayaasha Al-shaab oo dhowaan shaaciyay inay ku biireen Ururweynaha dunida ku filqan ee Al-Qaida.  Hogaamiyihii Ururka Al-Qaida iyo Saraakiil iyo  hogaamiyayaal kale oo  Al-Qaida iyo Al Shabaab ah , ayaa sanadii u danbeeyay lagu dilay  weeraro qorsheysan oo  lala beegsaday  Saraakiil ajaanibka muhaajiriinta  ah ee ka bar bar dagaalamaysay Xarakada Al Shabaab iyo hogaamiyayaal kale oo Al-shabaab ahaa, taas oo keentay dareen shaki iyo inuu jiro tuhun ah in weeraradaa laga hago gudaha Al-shabaab.
Al-Ameriki oo mararka qaar loo yaqaan  Omar Shafik Hammami, wuxuu dhashay 1984, isagoo ku dhashay  Daphne oo ka tirsan  Alabama, wuxuuna waxbarashadiisa dugsiga sare ku qaatay Daphne High School. Omar Shafik oo la baxay (Al-Ameriki), wuxuu asalkiisu kasoo jeedaa Syria, iyadoo uu Aabihii ahaa Musilim suriyan ah, halka Hooyadiina kasoo jeedo dadka loo yaqaan  (American Southern Baptist.) . Mr. Omar Shafik markii uu dhamaystay waxbarasho dugsi sare oo uu ku bartay diinta Islaamka, wuxuu 2002, wuxuu tegey Canada, halkaas oo uu ku guursaday gabadh Soomaaliyeed oo ay isku barteen Canada, isagoo uga sii gudbay dalka Masar 2005, halkaas oo aabihii ku dhashay. Kadibna wuxuu isagoo aan u sheegin qoyskiisa u talaabay Somalia 2006, waqtigaa oo dagaal weyni u dhexeeyay maxkamddii Islaamiga ahaa iyo ciidamada Ethiopia, wuxuuna ku buuray kooxaha Jihaadka  ka wada Somalia.
Abu-Mansuur Al-Ameriki, wuxuu noqday qofka sadexaad ee u hadla Al-Qaida,  sidoo kalena qofkii sadexaad ee qiray in la dilay hogaamiyahoodii Usama, waxaana intii uu Somalia joogay ee ka midka ahaa kooxdaa  lagu arkayay isagoo YouTube-ka soo geliya  muuqaalo Videos, kuwaas oo muujinaya  tababaro uu siinayo Al-shabaab, isagoo khabiir ku ah waxyaabaha qaraxyada iyo dilalka iyo khibrada taatikada dagaalkaba. Muqaaladaa Al-ameriki wuxuu soo deynjiray isagoo aan is qarinayn sida ay sameeyaan muhaajiriinta kale ee ka tirsan Al-qaida ee ka barbar dagaalama Al-shabaab, ama shabaabka qaarkood,  balse si aan qarsoodi iyo gabasho lahayn u muuqdo wejigiisu.
Xadhiga Al-amerki ayaa kooxda Al-shabaab u keeni kara dhibaato horleh, iyadoo ay suurta gal tahay inay ku waayaan taageero dhinaca ajaanibka ay ka heli jireen iyo inaanay kusoo dhiiran dadka dhalashooyinka kale haysta ee ajaanibka ah oo ay ku abuuri karto talaabadani inay xataa haday daacad yihiin in loo arkayo ugu danbaynta basaasiin iyaga ka dhex shaqynay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *