Hargeysa(ANN) Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland Marxuum,  Maxamed Sanqadhi Dubad, ayaa  ku geeriyooday dalka Imaaraadka carabta. Kadib markii xaalad caafimaad  loo geeyay halkaa. Marxuum Sanqadhi Dubad ayaa halay xilkaa todobadii sannadood ee ugu danbeeyay marka laga reebo mudo

kooban oo dabayaaqadii sandkii 2010 markii Madaxweyne Siilaanyo ku guulaystay doorashada uu xilkaa ka qaaday, balse dib loo magcaabay.
Marxuum Sanqadhi Dubad,ayaa si weyn loogu amaanay mudadii uu Booliska gacanta ku hayay. Marxuumka ayaa bilihii u danbeeyay xanuunsanayay, waxaana xaalad caafimaad loo mariyay dalalka Ethiopia, Djibouti, balse ugu danbayntii waxaa loo qaaday dhinaca dalka Imaraadka Carabta, halkaas oo uu ku geeriyooday xalay.
Dhinaca kaleMadaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaaanyo), ayaa dhambaal Tacsi ah u diray qosykii, ciidanka booliska iyo shacbiga Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyay ALLE ha u naxariistee
Sidaana  waxa lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo uu soo saaray Af-hayeenka Madaxtooyadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), qoraalka tacsiada ah ayaa u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ciidamada Ammaanka JSL, gaar ahaan Ciidanka Booliska JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Booliska MARXUUM, GENERAL MAXAMED SAQADHI DUBAD oo ku geeriyooday ABU-DABAI, 22/03/2012, isagoo general-ku in muddo ahba halkaa u joogay Xaalad Caafimaad.
Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA ku tilmaamay Halyey Qaran oo kaalin adag ku baneeyey ILLAAHAY-NA waxa uu MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ciidamada Amaanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *