Hargeysa(ANN)Xubo isugu jira Salaadiin, Odayaasha waxgaradka iyo Cuqaasha Somaliland ee  uu ka soo jeeda boqor Cismaan (Buur-madow) oo dhawaan xukuumadda uu Madaxwayne (Siilaanyo) ay xabsiga dhigtay ka dib markii uu kasoo laabtay Magaaladda Dubai ee dalka isu-tagga

 Imaaraadka Carabta, ayaa  ugu baaqay Madaxweyne Siilaanyo  inuu si shuruud la’aan kusoo daayo Boqor Cismaan oo xoriyadiisii usoo celiyo.
Salaadiintaa iyo waxgaradkan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hotel Crown ee Magaaladda Hargeysa waxay  ku tilmaameen Madaxwayne Axmed Siilaanyo  uu yahay Madaxwaynihii Somaliland soo mara ee ugu cadaaladda xumaa, iyagga oo tilmaamay inuu ujeedo la’aan ku xidhay Boqor Cismaan Buur-madow iyo masuuliyiin kale oo ay xuseen in tuhun lagu deg-degay jeelka loogu guray, kuwaas oo aan wax maxkammad ahi denbi ku cadayn.

Salaadiinta Waxgaradka ka hadlay halkaa  ayaa  sheegay in boqor Buur-madow yahay Boqor ay iyagu caleemo saareen cid kalena aanay dooran, sidaa daraadeedna ay ka dalbanayaan in Madaxwaynuhu si dhakhso ah u soo daayo muddo 72-saac gudahooda, iyagga oo ku hanjabay in dhibaatada dhacda aanay masuul ka ahayn haddii aan lasoo deyn ee uu dusha ku qaadan doono Madaxwayne Axmed Siilaanyo.

Chief Caaqil Cawl Cawil Cabdalla oo sheegay inuu yahay odeyga ugu da’da weyn Somaliland oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa Madaxwaynaha ugu baaqay inuu xoriyadiisa u soo celiyo Booqr Buur-madow, isaga oo Madaxwaynaha u soo jeediyay inuu xasuusto hadal uu sheegay inuu ku yidhi Shirkii Gar-adag “Anigu Somaliland ayaan ugu da’a waynahay, adiguna Somaliland Madaxwayne ayaad u tahay ee soo daa boqor Cismaan” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Xasuuso Madaxwayne maalintii Gar-adag hadalkii aan idhi ILAAHAY wuu kuu aqbalaye boqor Cismaan soo daa”

Chief  Caaqil Cawl waxa uu tilmaamay in muranka iyo buuqa ragga dhex maraa nabadgalyada aanu u fiicnayn “Haddii raggu buuqo nabadgalyadu way xumaataa ee soo daa Boqor Cismaan (Boqor buur-madow)”ayuu yidhi.

Maxamed Jaamac oo ka mid ah dadka halkaasi ka hadlay ayaa isaguna yidhi “Codsi maaha, waxaanu fareynaa Madaxwaynaha inuu 72 saacadood ku soo daayo boqorka, haddii kale dhibaatada halkaa ka dhacda Madaxwaynaha ayaa masuul ka ah”

Maxamed Jaamac waxa kale oo uu tiilmaamay “Boqorku waa Madax-dhaqameed, anaga ayaa dooranay oo ku caano shubnay maaha in la iska xidho”ayuu yidhi isaga oo intaa ku daray “Madaxwaynahani wuxuu noqday kii ugu cadaalad xumaa ee dalka soo mara”

Garaad Saleebaan Daahir (Akala) oo isna halkaa ka hadlaya ayaa sheegay in Madaxwaynaha iska dhaafo eeda uu ka tirsaday Boqor Cismaan iyo ficiltanka, isagoo yidhi, “Madaxwaynaha waxaan leeyahay haddii boqor Buur-madow aad ka tirsanay eed, looma baahna ficiltan ee  Madaxwayne ka kaaftoon eeda aad tirsatay oo soo daa’ boqorka”ayuu yidhi.

Shirka jaraa’id ee ay qabteen odayaashan iyo waxgaradka, waxa  kale oo ka hadlay shakhsiyaad badan oo uu ka mid yahay Cabdi Ismaaciil Cali, kuwaas oo dhamaantood si weyn ugu dhaleeceeyay Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa cadaaladdaro iyo maamul xumo, iyagoo sheegay inay tahay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo mid si badheedh ah ugu gefay xuquuqda muwaadinta iyo sharafta iyo karaamada qofka muwaadinka ah, isla markaana ay caadaysatay inay dadka iska xidho oo ay xabsiyada iskaga jiraan iyadoon wax denbi ah maxkammaddi ku xukumin. Waxayna tusaale usoo qaateen sadex masuul oo mudo ka baddan sadex todobaad u xidhan musuq-maasuq oo aan maxkamad la horgeyn iyo sidoo kale xadhiga Boqor Buur-madaw oo mudo laba todobaad ah ku xidhan xarunta CID, iyadoo aan wax denbi ah loo hayn.  Waxayna ugu danbayntii  digniin ay udirayeen madaxweynaha ku sheegeen inuu sida ugu dhakhsaha badan ugu soo celiyo xoriyaddiisa Boqor Cismaan. Sidoo kalena Masuuliyiinta xabsiga iskaga jira loo xoriyadooda loogu celiyo, maadaama aan wax denbi ah loo hay nee lagu xidhay tuhun lagu deg degay.

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com 
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *