Djibouti(ANN)Xukuummadda Ismaaciil Cumar Geelle  ee Djibouti, ayaa todobaadkan gudihiisa xabsiga u taxaabtay Ganacsade  lagu magcaabo Cali Cilmi oo ka mid ah ganacsatada reer Djibouti, ka dib markii lagu eedeeyay  uu ka danbeeyay fadeexado iyo fashilaad ka dhalatay lacago mallaayiin doollar

ah oo ganacsato gacan-saar la leh Madaxweyne Geelle si khaldan ugala baxeen Bangiga Maalgelinta Faransiiska ee BCI oo xarun ku leh dalka Djibouti.
Ganacsade Cali Cilmi  Qus oo leh marcadka  weyn ee Jibmarket ee ku yaal dalka Djibouti, oo xukuumadda Geelle xabsiga dhigtay, ayaa sida lagu faafiya shebekadda wararka ee Qurbajoog waxa uu fashiliyay dhaqaale badan oo siyaabo qaldan loogala baxay baanka  BCI Red Sea oo uu xog ku saabsan lunsiga hantida u gudbiyay dawladda Faransiiska.
Warbixintu waxa kale oo lagu xusay  in mallaayiinka lacagta ah ee Baankan loogala baxay qaab khiyaamo ah oo ganacsato xidhiidh dhow la leh xukuummadda oo kaashanaya awooda  Madaxweyne Geelle, ku dalbadeen maalgelin ay ka sammaynayaan dalka Djibouti  gudhihiisa. Haseyeeshee lacagtaas lagala baxay Baanka BCI ee qaabilsan maalgelinta iyo mashaariicda horumarka dalalkii Faransiisku guumaysan jiray loo leexiyay Somaliland, taas  oo lagaga hirgeliyay laba mashruuc oo kala ah wershadda Coca Cola oo haatan shaqaysa iyo shirkadda Isgaadhsiinta Somcable ee xukuummaddu u xidhay keenista mashcruuca isgaadhsiinta badda hoosteeda oo dhigista xadhiga kaybalka ka wada Somaliland.
Sirta uu fashiliyay Ganacsade Cali Cilmi Ouss, ayaa la sheegayaa inay ka dhalatay markii laga qadiyay lacagta mallaayiinka doollar ah ee lagala baxay baanka, waxaannu ka mid ahaa ganacsatada ay aadka isugu dhawyihiin xukuumadda Djibouti ee Madaxweyne Geelle.
Dhinaca kale Dawlada Faransiiska ayaa baadhaysa mashaariicdaa iyo qaabka aan sharciga  maalgashiga waafaqsanayn ee loola baxay lacagta xadigaa leh.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *