Hargeysa(ANN)Loolan adag iyo kaanbeyn maalmihii loogu tartamayay buuxinta jagooyinka gudoomiye xigeenka koowaad ee gollahaa iyo ku xigeenka labaad ayaa la doortay maanta. kadib markii uu jagada gudoomiye xigeenka koowaad oo uu baneeyay C/casiis Samaale oo madaxweyne

 Siilaanyo u magcaabay wasiirka Maaliyadda Somaliland, taas oo keentay in gudoomiye xigeenkii labaad Baashe Maxamed Faarax iska casilo jagadiisa si uu ugu ruqaansado xilka ku xigeenka koowaad baneeyay.

Fadhigii Golaha Wakiiladda ee maanta aya loo codeeyay laba arrimood oomidkood yahay Xeerka Baanka, halka dhinaca kale looga codeeyayJagooyinkii ka banaanaa shirguddoonka Golaha Wakiiladda oo kala ahaa ku-xigeenka Koowaad iyo ka labaad. Fadhiga Golaha oo ay fadhiyeen 64 mudane waxa ay Guddomiye ku xigeenka Koowaad u doorteen Baaashe Maxamed Faarax oo marka hore ahaan jiray Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golahaasi waxaana u codeeyay 39 mudane, 22 ayaa diiday 3 mudanena way ka aamuseen, gudoomiye Ciro oo fadhigaa gudoominayayna muu codayn.

Halka Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe o la tartamayay ay u codeeyeen22 mudane, 39 ka diideen sadexna ay ka aamusen. Dhinaca kalena jagada ku-xigeenka labaad waxa ku guulaystay Dr Cali Yuusuf Axmed waxaana u codeeyay 43 mudane, 20 na way diideen, hal mudanena wuu ka aamusay, halka xildhibaan Axmed Yaasiin Sh Cali Ayaanle oo la tartamayay uu ka helay 20 cod. Sidaana waxa ugu guulaystay labadii xildhibaan ee ay Xukuumaddu taageersanayd oo labaduba ka soo jeeda Xisbiga Kulmiye, halka labada Xildhibaan ee kale midkood uu ka soo jeeday Xisbiga Kulmiye ka kalena Xisbiga UDUB. Dhinaca kalena waxa ay mudanayaasha golaha wakiiladdu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen xeerka Baanka oo mudooyimkii u danbeeyay horyaalay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com 
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *