Hargeysa(ANN)Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo  Ururrada iyo Axsaabta Siyaasada Somaliland ayaa si wada jir ah u saxeexay Xeerka Anshaxa Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka (Code Of Conduct).Kulanka lagu saxeeyay xeerka anshaxa doorashada golayaasha

deegaanka  oo maanta ka dhacay Hotelka  Maansoor ee Magaaladda Hargeysa waxa ka  qayb-galay masuuliyiinta Saddexda Xisbi qaran ee UDUB, Kulmiye Iyo UCID, halka ay Ururada Siyaasada-na ay ka soo xaadireen Xaqsoor, Rays,   Wadani, Umadda, Dalsan iyo Nasiye iyo sidoo kale  Ururada Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Eng. Ciise Yuusuf X. Maxamed (Ciise-xamari) oo Shirkaas ka hadlaya ujeedada kulankaa ayaa yidhi,  “Waxaan u mahad naqayaa Xisbiyada iyo Ururada ka soo qayb-galay inay saxeexaan Xeerhoosaadka  doorashadda, waxa kale oo aan mahad naq siinayaa Ururada caalamiya ah ee iyaguna inala fadhiya IRI ka mid tahay iyo kuwa kale ee  inala joogaba sida  Akaadamiyadda. 
Xeer-hoosaadkan muhiimadiisa ugu weyni  waxay tahay hab-dhaqanka ololaha Doorashadda oo ay ka mid tahay in loo sinaado Warbaahinta Dawladda, ta madaxbanaan Warbaabinta kale lafteeda in si cadaalad ah ay u ogolaadaan xubnaha cidii wakhti ka iibsanaysa si siman inay uga iibin karto dhamaan ururadda,  ama xisbiyadda, waxa ka mid ah in Hantidda iyo Gaadiidka dawladda in aan  cidna  si gaar ah u isticmaalin waxa ka mid ah in Komishanku balan-qaaday inuu Wareegto ka soo saarayo Madaxweynaha Somaliland oo   aanu shalay ka kulanay Madaxweynahu Xalay  ayuu  soo saaray  Wareegtadaasi, Waajibka kale ee na saaran ee Xeerhoosaadkan  waxa ka mid ah inuu sameeyo Guddi-hoosaad daba-gasha habsami u socdka Doorashadda” ayuu yidhi.Gudoomiyaha Komishanku.

Guddoomiyaha urur Siyaasadeedka Dalsan Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yera) oo Shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihii sexeexida xeerka anshaxa doorashada golaha deegaanka, waxaanu yidhi “ Haddii aanu nahay Ururka Dalsan waxaanu diyaar u nahay in aanu fulino dhamaan wixii shuruuc ah ee u yaala Dalka kuna dhaqano, xeerkaa anshaxa doorashada diyaar baanu u nahay in aan  saxeexno”

sidoo kale Guddoomiyaha Ururka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa sheegay inay diyaar u yihiin saxeexida xeerka anshaxa doorashada goleyaasha deegaanka Somaliland, isagoo yidhi,  “Waxaan halkan ka cadynayaa aniga oo ka wakiil ah WADDANI  in aanu diyaar u nahay oo aanu ku dhaqano Shuruucda doorashadda jamhuuryadda Somaliland, waxaanan faraynaa taageerayaashayadda inay ku dhaqmaan shuruucdaas,  waxaanu faraynaa inay anshaxa iyo nabad-galyadaba ilaaliyaan. Waxa kale oo aanu diyaar u nahay in aanu la shaqayno dhamaan ururadda iyo axsaabta Somaliland, waxaanu diyaar u nahay in aanu la shaqayno Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo hay’addaha kale ee ay khusayso arrinta doorashaddu.”

Waxa kale oo munaasibadaa ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin Axmed, isagoo  yidhi,  “Xisbiga Kulmiye wuxuu diyaar u yahay inuu xeerkaas uu maanta halkan ku saxeexo, waxa kale oo aanu halkan ku cadaynaynaa in aanu diyaar u nahay fulinta iyo ku dhaqanka xeerka aynu halkan ku saxeexayno iyo xeerarka kale ee doorashooyinka iyo Shuruucda kale ee dalka, qoladayada xisbul xaakima ee Sharciyadan lagu xakamaynayo, waxaan u aragnaa in  nalasoo eegayo,   Komishanku waa kuwan halkan ka cadeeyey ururrada iyo axsaabtuna goob joog ban ka wada ahayn in looga baahan yahay Madaxweynuhu inuu saxeexo in aanay cid-na isticmaali karin hantida qaranka cida laga ilaalinayaana waa qoladda xisbul xaakimka, taana waxaanu balan-qaadaynaa in aan naloogu iman wax hanti qaran oo aanu isticmaalayno”

Sidoo kale Masuuliyiinta xisbiga  UCID,   Urur siyaasadeedyada UMMADA , Rays iyo Xaqsoor ayaa ka hadlay kulankaa,  kuwaas oo dhamaantood sheegay inay diyaar u yihiin xeerka anashaxa doorashooyinka goleyaasha deegaanka.
Hase yeeshee Musharaxii xisbiga UDUB Cali Warancade iyo  Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Nasiye   ayaa sheegay inay gabi-ahaanba qaadaceen ka qayb-galka Doorashada golaha deegaanka. Cali Warancade wuxuu soo jeediyay cabsho la xidhiidha diyaargarawga hawsha doorashada. sidoo kale  gudoomiyaha urur siyaasadeedka Nasiye Axmed Maxamed Cumar ayaa si wada jira u sheegay inay qaadacsan yihiin galitaanka doorashada golaha deegaanka.

Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Nasiye, wuxuu sabab  uga dhigay inay qaadacaan  doorashada golaha deegaanka kadib markii sida uu ku dooday  ururkiisa ay dhibaato badan soo gaadheen  musharaxiintiisii oo lagu kaxaystay lacag, iyaga oo lagu wargeliyey in laga bixinayo lacagta looga baahan yahay musharaxiinta, wuxuuna arintaa  eedeeda  dusha ka saaray  xisbiga Kulmiye. Laakiin Xisbiga UDUB ayaa xalay sheegay inay gebi ahaanba ka hadheen doorashooyinka golayaasha deegaanka. kadib markii khilaaf si weyn u hadheeyay xisbigaa oo mudo soo jiitamayay sababay inuu saaxada ka baxo, halka Urur siyaasadeedka Nasiye ay maalmihii u danbeeyay ku timi fadhiidhnimo sababtay itaaldaro iyo inuu awoodi waayo dhamaystirka musharaxiinta gobolada iyo degmooyinka dalka oo maalinta Jimcaha ee beri ku dhamaanay qabashada liiska musharaxiinta laga doonayo Ururada iyo axsaabta, isla markaana ay qaar ka mid ah xogaanka Nasiye ku dhawaaqeen inay gebi ahaanba iska casilaan xubinimadii iyo xilalkii ay ka hayeen Ururkaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *