Hargeysa(ANN)Saddexda xisbi qaran ee Somaliland, ayaa mawqifyo kala durugsan ka qaatay go’aan Golaha Wakiilladu ku laaleen shalay ku dhaqanka diiwaangelintii hore ee codbixiyeyaasha, kuna ansixiyeen in doorashada goleyaasha degaanka lagu galo diiwaangelin la’aan. Madaxweyne
-ku-xigeenkii hore ee Somaliland, ahna ku-simaha guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo Jamhuuriya weydiiyey xalay mawqifka xisbigooda ee la xidhiidhay diiwaangelinta la laalay, waxaannu uu sheegay inay marka horeba khalad ahayd in doorashadii madaxtooyada lagu galo, taas oo uu ku tilmaamay mid khaldanayd.
Md. Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu ku baaqay maadaama la laalay diiwaangelintii in loo baahan yahay in laga tashado sidii qofka looga ilaalin lahaa inuu hal mar wax ka badan codeeyo.
Guddoomiyaha UDUB oo ka hadlayey aragtida xisbigooda ee diiwaangelinta la laalay waxa uu yidhi; “Annagu waxaannu rumaysnayn in diiwaangelintu kharriban tahay, laakiin waxa israacay beesha caalamka, INTERPEACE iyo labadda xisbi ee KULMIYE iyo UCID. Waxa la yidhi UDUB kursiga ayey isku dhejinaysaa oo waxa lanagu qasbay in aannu doorashadii ku galno diiwaangelintii khaldanayd, natiijadii ka soo baxday doorashadaasna duuduub baannu u qaadanay.
Maanta diiwaangelintii oo ka turjumaysa Xeer 37 ayaa la laalay, markaa waxaan u arkaa in Golaha Wakiilladu go’aankan ku degdegeen, laakiin sharciyan waxa habboonayd in la yidhaa sidee loo sameeyaa xeer kale oo ku habboon ee may ahayn in loo codeeyo doorashada bilaa diiwaangelin halagu galo.
Midda kale, maaha inay dabada innaga eryaan cid doonaysa in degdeg loo galo doorashada oo muddo lix bilood ah diiwaangelin waa lagu samayn karaa, mana qurux badna in la degdego. Waxa kaloo arrintan barbar yaal marka la yidhaa bilaa diiwaangelin halagu galo in la sameeyo wax qabanaya ninka doonaya inuu dhawr jeer codeeyo doorashada, xalkaasina waxa uu u yaal labada gole ee Wakiillada iyo Guurtida, waxaanan u arkaa in doorashadan golayaasha degaanku ka muhiimsan tahay doorashooyinka kale ee madaxtooyada iyo wakiillada, sababtoo ah waxa weeye in la helo caddaalad rasmi ah oo ninka xildhibaanka ah iyo xisbiga soo baxaaba si caddaalad ah ku yimaaddaan, xisbiga ama ururka hadhaana waa inuu helaa wax cad oo uu ku qanci karo.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo isna Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay y si loo waydiiyo mawqifka xisbigoodu ka qabo diiwaangelinta la laalay, waxa uu sheegay in go’aanka Golaha Wakiilladu yahay mid dalka khalkhal ka abuuraya oo la tahriibiyey, isla markaana aan lagala tashan xisbiyada qaranka, isaga oo si kulul u cambaareeyey go’aankan wakiilladu ku laalay diwaangelinta.
“Waxa weeye hore waxa u jiray sharci tilmaamayey in doorashadii wakiillada ee sannadkii 2005 kadib aan doorasho kale lagu geli karin bilaa diiwaangelin. Waxa kaloo xeerkan doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Xeer 14/2011 sheegayaa in doorashooyinka lagu galo diiwaangelin. Go’aankan Golaha Wakiilladu ku laalay diiwaangelinta waxaannu u aragnaa inuu yahay mid la tahriibiyey oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiilladu iska kaashadeen, go’aankaasina maaha mid lagala tashaday asxaabta qaranka, waxana arrintan ka dambeeyey Madaxweyne Siilaanyo oo doonaya inuu meelmariyo ballanqaadkiisii ahaa in doorashooyinka la qabto bisha April ee sannadkan 2012, si uu beesha caalamka u tuso inuu fuliyey ballanqaadkiisii.
Waxa kaloo go’aankani muujinayaa siday isugu milmeen Golaha Wakiillada iyo xukuumaddu. Doorashadii madaxtooyada waxa lagu galay diiwaangelin oo waxa dhacday in kaadhadh badan ka soo noqdeen goobihii la geeyey, laakiin maanta hadii konton kun la geeyo tuulo yar way ka soo wada codaynayaan oo cid ka soo noqon mayso. Marka doorashada ay intaas oo urur iyo xisbiyadii jiray ka qaybgalaan ururna oggolaan maayo in doorashada laga helay oo waa lagu shubtay ayuu odhanayaa, go’aankan wakiilladuna waa mid la doonayo in dalka qas lagu geliyo.
Waxan oo dhan waxa ka dambaysa xukuumadda oo meelo badan dalka qas ka gelisay; hadday tahay Ceerigaabo iyo Balli-dhiig. Golihii Wakiillada iyo dawladdii waxay isku bahaysteen sidii ay dalka qas u gelin lahaayeen, diiwaangelinta la laalayna waa mid dalka u horseedi doonta dhibaatooyin badan,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.
Xoghayaha Guud ee Xisbul-xaakimka KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa isaguna Jamhuuriya u sheegay xalay in mawqifka xisbigoodu yahay in doorashada goleyaasha degaanka lagu galo diiwaangelintii hore ee ku dhaqankeeda Golaha Wakiilladu laalay shalay.
“Mawqifka xisbigayagu waxa weeye in doorashooyinka goleyaasha degaanka lagu galo diwaangelintii lagu galay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26 June 2010, horena xisbiga KULMIYE wuxuu goleyaasha qaranka ugu gudbiyey mawqifkiisa la xidhiidha in doorashooyinka lagu galo diiwaangelintii hore, markaa waxaannu leenahay ma taageersanin in doorashada goleyaasha degaanka lagu galo bilaa diiwaangelin iyo diiwaangelin cusub oo la sameeyo, laakiin waxaannu qabnaa in diiwaangelintii hore lagu galo.
Go’aanka ka soo baxay Golaha Wakiillada waxaannu u aragnaa mid dib u celinaya hannaankii dimuqraadiyadeed ee dalka ka hana-qaaday iyo tallaabooyinkii hore loo qaadayba,” ayuu yidh; Md. Xasan Siciid Yuusuf oo soo bandhigay sida xisbiga KULMIYE uga badheedhay in diwaangelintii hore lagu galo doorashooyinka.
Xigasho jamhuuriya

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *